Home » News »

Dagaalo maanta ka dhacay deegaano ka mid ah gobalka J/hoose.

Dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaayay Kenya Kenya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaano ka mid ah gobalka J/.hoose waxaana ka dhashay qasaare.

Dagaalada ayaa maantagelinkii dambe si xoog ah u bilawday ka dib markii ciidamada dowaldda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay weerar kuqaadeen sida la sheegay deegaanka Birta dheer halkaa oo Al-shabaab ay joogeen.

2 qof ayaa halkaa ku geeriyootay waxaana warar kala duwan laga helaayaa gacan ku haynta guud ee deegaanka Birta dheer, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in deegaankaa ay la wareegeen ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya.

Ma jirto wax war ah oo ay soo kala saaraan csaraakiisha dhinacyadii halkaa kudagaalamay, balse xaaladda ayaa ah haatan mid aad u kacsan.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.