Home » News »

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan Switzerland oo si weyn usoo dhoweeyay una hambalyeynaya Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud.

Waxan si kal iyo laab ah ugu tahniyadeyneynaa u na soo dhoweyneynaa madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed prof. Xasan Sheekh Maxamuud, waxan na la garab taaganahay taageero buuxda oo daacad ah. Waxaa ididiilo iyo rajo weyn na geliyay sida wacan oo ku saleysan demoqaraadiyayda iyo dareenka soomalinimo ee loo soo dortay madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaa bulshada soomaliyeed ugu riyaaqeen u na soo jiitay shakhsiyadda hufan iyo taariikh nololeedka Prof. Hasan oo lagu tilmaamay qof ka hufan waxyaalihi foosha xumaa ee waayahan ka dhacay Soomaliyeed.

In kasta oo aan u baranay in muddo dheer dhagahayaga ku soo dhacaan war naxdin leh oo naga soo gaaraya wadanka, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxan maqleynay oo la soconay war loo riyaaqay oo rajo weyn iyo ididiilo na geliyay, sida shirkii Isimada iyo guddiyada lagu ansixinayay tastuurka, soo xulitaanki xildhibaanada, doorashadii gudoomiyaha barlamaanka iyo ku xigeenadiisa, iyo habkii taariikhiga ahaa ee loo soo doortay madaxweynaha. Intaas oo dhan ayaa guud ahaan bulshada u wada riyaaqeen, si wadajir ah na u soo dhoweyeen.Waxan u rajeyneynaa madaweynaha iyo barlamaanka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed guul iyo nabad.

Fikradaya sida looga soo kabsankaro masiibadi ku habsatay Soomaaliya:  Waxaa haboon in la isweydiiyo marka xil ka saaranyahaybadbaadada wadankan burburay?  Waxaa soomalidu caado ka dhigatay in madaweyne iyo barlamaan la doorto oo hawsha looga hadhiistooo aan la taageerin.

Haddii la doonayo in burburka iyo baabaaSoomalidu ku jirto laga soo kabsado waa in qaybaha ilku saaranyahay laga helaa wada shaqeyn joogta ah.

Qaybaha xilku saaranyahay waa:

1. Ugu horeyn waa bulshada Soomaaliyeed oo dereenki wadaninimo ka maqanyahay, qabiil iyo qabqable na u horseedeen halaag iyo habow. Halaagi iyo burburki la soo dersay Soomaaliyaa 22 sano ee na soo dhaafay waa wax aan hadda ka hor dunida soo marin taariikhda na lagu xusin.Haddii aan intaas deri lagu qaadan oo dowgaas hoogga iyo halaagga noo horseedaya lagu sii jiro, wax rajo ah Soomaaliyaa ma laha, madaxweyne, barlamaan iyo wasiiro na wax ma ka qabankaraan.  Bulsho dereen wadaninimo, soomaalinimo iyo muslinnimo ayaa maamul daacad ah loo dhisi karaa.waxan ugu yeereynaa qof kasta oo waxgarad ahi in uu si daacad ah xilka saaran u guto.Waxan ugu yeereynaa bulshada in ay tixgelin weyn siiyaan murtiga dhaxalgalka ah ee ay noo dhaafeen abwaanadu oo ah:

-  Dugsi ma leha qabiil wuxuu dumiyo mooyaane.
-  Midnimo ayaa lagu meel maraa, mahad iyo guul lagu hantaa.

2. Barlamaanka oo laga sugayo filaalintafulinta shariga wadan u degan iyo la shaqeynta dowladda iyo xiriirinta bulshada.  Waxan la soconaa in xubna barlamaanka lagu soo xulay hab qabiil oo mid walba uu magac beeleed ku joogo golaha.Waxan ogsoonahay in qabiil yahay sababta qarankeeni u dumay masiibadu na Soomaaliyaa ugu habsatay.Hadaba, waxan xildhibaanada ugu yeereynaa ka na codsaneynaa in aad muujisaan dareen wadaninimo, soomaalinimo iyo muslinnimo oo aad dalka ka leexisaan dowga burrurka iyo halaagga oo aad u horseedaan nabad, horumar iyo sharf dowladnimo.

3. Madaxweynaha iyo dowladiisa oo laga sugayo in fahmaan ay na si daacad ah dhexda ugu xirtaan wax ka qabashada hawlaha qalafsan ee laga sugayo.

Waxa ugu horeya oo laga sugayo dowladda waa in ay dib u heshisiin dhab ah loogu yeeraa bulshada soomaaliyeed guud ahaan, waayo dad heshiis ah oo isu niyad fiyow ayaa wax wada qabsankara nabdgelyada dalka na sugi kara.

Dal iyo bulsho ba cadowggooda ugu weyni waa kan gudaha. Kuwi burburka iyo duliga u horseeday soomaaliyaa weli wadanka waa joogaan falkoodi xumaa na waa wadaan, in qaran dhismo na dantooda ma aha.Si wadanka nad loogu soo dabaalo waa in marka hore cadowga gudaha farta lagu fiiqaa oo wax la taaban karo na laga qabtaa.  Haddii nabad maamul dowli ah oo daacad ah la helo sanad qura ayaa wadanka lagu dhisi karaa.Waxan ka sugeynaa Madaxweynaha in uu soo magacraabo raiisulwasaare aqoon iyo karti leh oo soo dhisa dowladda hanankarta howsha adage e laga sugayo in ay u qabato wadanka.

Soomaaliyeey Maanta waa maalintii hal ahaansho.

———-
Prof. Maxamed Xareed Cali
mohamedhared@hotmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.