Home » News, Sports »

Kooxda Elman oo Hanatay Koobka Xiddigaha Kubadda Gacanta 2012 (Sawiro)

Muqdisho, Somalia (AOL) – Garoonka degmada Xamar Jajab ayaa waxaa ku soo idlaaday galabta koobkii Xiddigaha Kubadda Gacanta oo ciyaartii ugu dambeysay galabta guusha ay ku raacday kooxda Elman.

Kulankii adkaa ka dib waxaa halkaasi ka hadlay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ahna Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow) oo u mahadceliyay madax kooxaha, ciyaartoyda, maamulka degmada Xamar Jajab iyo Taageerayaasha oo uu muujiyay sida uu sheegay wada shaqeyn sidii ay habsami ugu soo idlaan lahaayeen Tartanka Xiddigaha 2012.

“Tartankan Xiddigaha si xiiso leh ayuu ku soo dhamaaday, waxaad aragteen garsoorka inuu ahaa hab ka duwan sidii hore waxaan la jaanqaadaynaa caalamka sida garsoorkoodu yahay – maanta waxaa garsoore dhexda ahaa Leyla Cabdi Cali iyo Cabdullaahi Xasan Cali (Kuusoow) oo aad wada taqaanaan, sidoo kale garsoorka keydka waxay ahaayeen hablo loo carbiyay garsoorida K/Gacanta. Tartamada soo socda sidan ayaan ku horumarinaynaa” sidaas waxaa ka dhawaajiyay gabagabdii Tartankan Guddoomiye Eenoow.

Si kastaba, ciyaartii kama dambeysta ahayd oo ah isaga horyimaadeen kooxaha Elman iyo Xamar Jajab ayaa waxaa ay si dirqi ah guusha ku raacday 30-29 Elman oo waayo aragnimo kaashatay maadaama ay ku jiraan ciyaaryahano ka mid ah Qaranka K/Gacanta.

Daawashada ciyaarta waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiye ku xigeenka GOS Xasan Axmed Cabdi [Elman], Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Maxamed Cali Axmed, Guddoomiyaha Degmada Shingaani Cali Cumar Abuukar (Cali Xamari), Agaasimaha Isboortiga Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maye (Walker), Xubin Guddiga fulinta GOS ahna Guddoomiyaha XSF Xaaji Axmed Maxamed Coloow, Guddoomiyaha XSKT Aweys Maxamed Abati {Arafeeyo} iyo taageerayaasha Kubadda Gacanta.

———–
Said Ibrahim Hussein (BUUNA), Muqdisho/Somalia
Cell Phone: +2526-1-5520008/ +14434409441
Email:buuna@isboorti.com Facebook: Click here

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Kooxda Elman oo Hanatay Koobka Xiddigaha Kubadda Gacanta 2012 (Sawiro) "

  1. ismail isak kusow says:

    waan garaty aniga waxaan ahay nin dhalan yara oo soomaali ah oo haddana si aad u xiiseeya sportiga gar ahaan kubbada cagta aad ayaana ugu farxsanahay horyaalada ka socda wadanka inkastoo aniga hadda ka qeybqaadan karin oo dalka joogin haddana jecel in aan mar waliba websiteka cayaaraha kala socda netka anigoo markaa u dhashay gobalka gedo gaar ahaan buula xawa waxaana halkaan ka salaamayaa said ibraahim xussen oo in aan garanayo u maleeyay oo aan marka ku tabayo in aan isla joognay dalka eritrea byyyyyyyyyyy waxaan kaloo salaamayaa dhmaan bahda websitekaan gedonet u shaqeeyso