Allaha u naxariistee magaalada Siyaloow (Isiolo) ee dalka Kenya waxaa ku dhintay wariye Axmed Maxamed Taajir oo ka mid ahaa wariyaashii ugu caansanaa ee kasoo shaqeeyay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soaomaaliga.
Axmed Nairobi oo caan ku ahaa barnaamijka baafinta dadkii kala lumay ayaa la sheegay in maalmahaanba uu aad u xanuunsanaayay, iyadoona ugu dambeen uu geeriyooday xanuun haayay awgiis sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah ehladiisa.
Axmed Taajir da’diisa waxa ay ahayd 70 sano, waxaana uu in badan ku dhexjiray saxaafadda, iyadoona aad iyo aad ay u yaqaanaan dhamaan dhacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
Dhamaan baxhada saxaafadda ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh waxay ka diraayaan geeridii naxdinta laheed ee ku timid Allaha u naxariistee wariye Axmed Maxamed Taajir ilaahay ha u raxmado Aamiin Aamiin.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.


comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.