Home » News »

Waxgaradka iyo dhaqanka beesha Maxamed Harti (Majeerteen) ee Muqdisho ku sugan oo taageeray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya (Sawiro)

Muqdisho, Somalia (AOL) – Kulan balaaran oo lagu taageerayey madaxweynaha cusub ee jamhuuriyada Federaalka somalia xasan sheikh maxamuud ayaa maanta ka dhacay magaalada muqdisho kaasoo ay soo qaban qaabiyeen odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo waxgaradka kasoo jeeda beesha maxamed harti (Majeerteen) ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa  ugu horayntii waxaa daah furay suldaan aadan xaaji cali baale oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beeshaasi kaasoo sheegay inay aad usoo dhoweynayaan madaxweynaha cusub ee somalia xasan sheikh maxamuud isla markana ay ugu ducaynayaan inuu masuuliyada aadka u in alle la garab galo sidoo kale waxaa halkaasi hadal kasoo jeediyey awliyo oo kamid ahaa waxgaradkii hadalada taageerada ah goobtaasi ka sheegay islamarkaana tilmaamay inay tahay guul horumar leh doorashada isbedelka ka dhacay somalia.

Dhinaca kale kulankan taageerada ah ayaa hadalo ku aadan taageerada madaxweynaha somalia ay ka jeediyeen halkaasi aqoon yahano iyo waxagarad  dhamaantood kasoo jeeda beesha maxamed harti (Majeerteen) oo ay ku xuseen sida ay u garab taagan yihiin madaxweynaha jamhuuriyada xasan sheikh maxamuud.

Ma ahan markii ugu horaysay ee kulan noocan oo kala ah oo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee somalia uu ka dhaco magaalada muqdisho iyadoo tan iyo xiligii la doortay madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka somalia ay soo baxayeen taageerooyin kala duwan oo kasoo baxaya bulshada qaybaheeda kala duwan.

Masawirada hoose midka aad rabto in aad daawato dushiisha hal mar Guji si uu kuugu weynaado.

————–
Yaasiin Maxamed, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.