Home » News »

Banaanbax lagu Taageerayay Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo

Luuq, Somalia (AOL) – Banaanbaxan oo ahaa mid aysoo qaban qaabiyeen Maamulka Dowlada ee Degmada Luuq ayaa ahaa mid lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ka dhacay ayaa ka dhacay Banaanka hore ee Saldhiga Booliska degmada Luuq, halkaasi oo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada ay kula hadleen Boqolaal dadweyne ah oo socod dheer ku soo marey Wadooyinka Magaalada.

Banaanbaxani taageerada ah oo ay ku jireen Haweenka iyo ardayda wax ka barta dugsiyada Luuq ayaa socod ku maray gudaha degmadaas, iyagoo sitay boorar iyo sawirada madaxweyaha cusub ee Soomaaliya, kuna dhawaaqayay erayo ay kusoo dhaweynayaan isbedelka dhinaca hogaanka ah ee ka dhacay dalka.

Mas’uuliyiinta maamulka Luuq iyo xubno ka socday Odoyaasha dhaqanka oo hadalo ka jeediyay dibadbaxa ayaa sheegay in dowladda cusub ee Soomaaliya looga baahan yahay inay gacan siiso shacabka ku nool Luuq oo dhibaatooyin badan soo maray sannadihii ugu dambeeyay, iyagoo sidoo kalena sheegay Dowlada cusub in looga fadhiyo in ay daryeesho ciidamada dowlada ee ka howl-gala Gobolka.

Guddoomiyaha degmada Luuq, Cabdulaahi Ibraahin Axmed (Kureedow) oo isaguna ka hadlay dibad baxa ayaa sheegay in Qeybaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Luuq ay aad ula dhacsan yihiin isbedelka dhacay ayna farxadda la qabaan dhammaan Shacabka ee Soomaaliyeed, ayna rajeynayaan in Madaxweynaha cusub dalka uu u horseedo Nabad iyo Horomar.

Ugu dambeyn Mas’uuliyiintii iyo Waxgaradkii ka hadlay Banaanbaxa Taageerada ah ayaa waxay dowlada cusub kula taliyeen inay la timaado Nidaam dowladeed oo wax ka qabta sidii loo soo celin lahaa sharaftii iyo karaamadii dalka uu lahaan jirey.

———–
A Ibrahin Gedo/Somalia .

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.