Home » News »

Qarax maanta ka dhacay degmada Mandheera ee gobalka Waqooyi bari Kenya.

Qarax Miino ayaa maanta ka dhacay degmada Mandheera ee gobalka Waqooyi Bari  Kenya waxaana qaraxa lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Kenya oo meel wado ah maraayay.

Mid ka mid ah askarta wadanka Kenya ayaa halkaasi ku geeriyooday mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray ka dib markii Miinada aysi lama filaan ah askartaasi ugu qaraxday.

Dadka shacabka ee ku dhaqan degmada Mandheera ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxaasi markuu dhacay ka dib ciidamada Kenya ay bilaabeen howlgalo ay dad kusoo qab qabteen.

Ilaa iyo iminka saraakiisha dowladda Kenya wax war ahi kama aanay soo saarin qaraxaasi iyo sidoo kale qasaarihii cuslaa ee qaraxaasi ka dhashay.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.