Home » News »

Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo sheegay inay la wareegeen deegaanka Biibiee gobalka Jubada Hoose.

Ka dib dagaaloculus oo maalmahaan dambe ka soconaayay deegaanoka mid ah gobalka Jubada Hoose, una dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaaya Kenya iyo Xarakada Al-shabaab oo dhan ah, ayaa saraakiisha dowladda waxay sheegeen inay la wareegeen degaanka Biibi ee gobalka J/hoose.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee jooga Gobalka J/hoose waxay maanta saxaafadda u sheegeen inay la wareegeen deegaanka Biibi ee gobalka J/hoose haatanna ay afka aadiyeen dhanka magaalada Kismaayo.

Dhanka kale dagaal qaraar ayaa maanta ka dhacay deegaano aan sidaa uga fogeyn halka loo yaqaano Birta dheer waxaana ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Deegano badan oo ka mid ah gobalka J/hoose waxaa maalmahaan dambe kusoo badanaayay falal ka dhan ah amaanka guud, waxaana habeen iyo maalin isa soo taraaya dagaalada halkaasi ka dhacaaya.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo sheegay inay la wareegeen deegaanka Biibiee gobalka Jubada Hoose. "

  1. gundid says:

    Caku iyo khawaarij…ilaahayoow cirib tir kuwa diinta cusri ka dhigay ayagoo ku gabanaya diintaada suuban….Jihaad baan ku jiraa muslimka xoolahooda iyo cirdigoodana waxaa ku dhacayaa Qaniima, xagee lagu arkay qaniima ka timaada Muslim, yaase ayaga xaq u siiyay in eey kala saaraan kan muslimka ah iyo kaan eheeyn, yaa xaq u siiyay in eey wax gaaleeysiiyan khawaarijta, waa kuwii nabi muxamed C S W S, ku yiri itaqi’laah, Subxaana allahu camaa yasifuun, Somalida oo la’isku qarxiyo iyo Ak 47 meelaha la’la cararo ayagoo afduuban sidii aflaamta Rampo ayeey awood moodeen, xabashiga markuu yimaadana daba ayeey dhiktaan ayagoo cararaya, xagee lagu arkay mujahid ka ordaya shahaadada uu u jiohaadayay