Home » News »

Wafdi ka socda QM oo maanta Muqdisho kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (Sawiro)

  Wafdi ka socday Qaramada Midoobay ayaa maanta magaalada Muqdisho waxay kulamo kula qaateen madaxweynaha Jamuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdigaan oo uu hogaaminaayay ku xigeenka Kaaliyaha Qaramada Midoobay u qaabilsa Soomaaliya ayaa waxay soo gaareen mnaanta magaalada Muqdisho, waxaana xarunta Madaxtooyada ay kula kulmeen madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka waxa uu ahaa mid albaabada uxiran, waxaana inta badana diiradda lagu saaray is bedalka wadanka Soomaaliya uu kutalaabsaday, iyadoona QM ay hambalyo u dirtay madaxweynaha Soomaaliya.

Gaba gabada kulankaan ayaa waxaa la isla gartay arimo badan oo ku saabsan in QM ay Soomaaliyaka qabato, waxaana sidoo kale ay dhankooda madaxweynaha ugu baaqay in dowladda wax ka qabata xaaladda Soomaaliya uu soo dhiso.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.