Muqdisho, Somalia (AOL) – Gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa maanta afaafka hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku jiiray nin dhalinyaro shacab ah oo doonayey in uu ka gudbo wado, xili barqanimadii maanta gaadiid ay leeyihiin ciidamada AMISOM ay ku sii jeedeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Dad goobjooge-yaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in da’da ninkaasi ay u dhaxaysay 20 ilaa 25 sano jir.
Gaadiidka AMISOM ee dilay ninkaasi ayaa waxaa la sheegay in aysan istaagin markii ay falka gaysteen oo ay iska gudbeen, iyadoo goobjoogayaasha ay sheegeen in maydka qofkaasi muda saacado ah uu yaalay afaafaka hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, ayada oo muddo kaddibna meesha uu falku ka dhacay ay soo gaareen ehelada marxuunka dhinatay iyo dad garanayo oo ka qaaday mesha.
Si kasataba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay ee ciidamada AMISOM ay geystaan fal noocaan oo kale ah, ayada oo aanay isla markaana jirin cid wax ka qabto gaadiidka AMISOM marka ay sidaan oo kale u jiraan dadka ama garwaarida.
———-
Cabdiqani Maxmed Bayoow, Muqdisho/Somalia.




Inna lilaaaahi Wa inna ileeyhi rajiccccccccccccccuun….
aan ooyeee albaabka ii xira…
Qaybna xabad ayey ku dilayaan inta harteyna gawaaridooda ayey ku dilayaan
INAA LILAAHI WAA INAA ELEEHI RAAJUCUUN ARRINTAANI GUMAYSI IYO ADOONSIBA WAYDHAAFTAY, CARUURTEENII AYAGOO BAAHAN OO IAYRABOORKA AYKA SHAQAYSANAYAAN DAD SHISHEEYA AH MIYAA HADDANA {BEEBAHA YUGAANDHA} OO SOO DHAWAYNAYA RAYSAL WASAARAHA CUSUB EE ITOOBIYA KU DURDURIYAY DHALINTEENII????
WALLAAHI HADII AAN SI DEG DEG AH ARRINTAAN WAX LOOGA QABAN WAXAA SUURTA GAL AH IN CARRA ALLAAH KA DHALATO???? OO SAAMAYN KU YEELATA DHAMAANBA UMMADDA SOOMAALIYEED.
TAAG LA’AANI WAA CUDUR TOOWS IYO XANUUN LAHOO KUWO LAGUTUNTABAAN IGATAGA AWOODINE, KATASHADDA CADAAWOHOO ISKUTIIRSANAADAA,
TOLAAHAAN KU DHAARTAYE HURDUNOOMA TOOSNEE,
KATASHADDA CADAAWOHOO ISKUTIIRSANAADAA,
TOGAGAAS BIYLIYO DHULKEENAAS TASOOBAY WARYAYNAAN UKATAGIN ILLAA’ AYNU TAABNEEH KATASHADDA CADAAWAHOO ISKUTIIRSANAADAA,
KUWO LAGUGU TUNTAABAAN IGATAGA AWOODINE???
IGGA IGGA TAGGA IGGA TAGGA AWOODINNE IGA… TAGA..
KUWO LAGU TUNTAABAAN IGATAGA AWOODINE???
waxan xaaranta ah oo wada sanka balaaran shacab aan dawlad lahaynbey arkeen ooy iska jirayan wax kahadlayana jirin ilahay ayaa somaliyey inoo maqan
inaa lilaahi wainaa ilaahi raajucuun arintan waa in la baaro oo ninkii gaariga waday la soo qabtaa si maxkamad loo saaro hadii kale waxaa bilaamaayo kacdoon shacab waayo dhiiga iyo nafta soomaalida kama jabana tan umadaha kale ee aduunka.
arintan waa in si deg deg ah wax looga qabto ooragii dilka geestay maxkamad la soo taagaa, hadii kale waxaa bilaamaayo kacdoon shacab waayo dhiiga soomaalida kama jabana kuwa umadaha kale ee aduunka.
Bir ma Geeydo nimankaa dilee Garani waa joogso.
Inay Gacalo noo hayn dadoow waa mid aad Garane.
Gafuurkooda weyn baan nacaye Garacyadaa laaya.
Geni baay ku qaataan dalkee nama Gargaaraane.
Waa Gaalo boqonteedi waana lagu Gabraartaaye.
Ha Guureeno Gebigoodba waa Gun iyo xaalkeede.
Shababkaa Gantaalada ladhici baa Garaawsha lehe.
Iyagaan Guddoonsiiyey talo Gebi ahaanteede.
Ha Guureeno Giiryaamadaa way ina Gaasiriye.
Shacabka xamar ayagaba kasiixun Amisom meydka aya inta dhul istaageen aya sawiiro iyo firfirsasho kagabaxeen meeshi ay ka`asturi
lahaayeen. waa dad aan ????.
Ina lilahi wa’ina ilahi rajicun….. Somalia waxanu iskumalayna inan xurnahay lakin gumaysi dhinacwalbo ah ayajiro. xaga diinta xag dhaqalo xaga bini adanimada. Intaba. Maalinwalbo ruwayad aya nalodhiga. Dorasha iyo wax aanjirin aya naloshega run ayan uqadana. Gumaystaha qalbiganaga wuxu uqatay qalbi caruureed wuxu raba ayukudaya marna naxaris an jirin ayu umujiya marna cadawnimadisa ayu bananka sodhiga wuxu isdhaha balkuwani inay waxfahmayan cadawtayadaada tus. Waxfahma way yaryihin. kuwii fahmana waxay dhahan wa argagixiso nabad diid ah. Ma gaalo madow aya dalkanagi sidan inaguladhaqmayso. Hadaanan dhinac ogasowada josanin dhibatadani ilahay naxaristisa helimayno.. Hadaan gaalada iskadhicina oo haldhinac kasoowada josano ilahay wu noo gargaari. Walalayal mantay hormar nabad, cadalad iyo teknolajiyad intaba kugaarimayno demuquradiyad iyo gaalo aan kadaba sacab tuno. Ee waxan hormar, nabad, cadalad iyo teknolajiyada intaba kugarikarna inaan kitabki allo qadana sharecadana kuhoosnoolano. walaalnowno gacmaha isqabsano…walalayal maanta runta jirta waxaytaha galada inay duulantahay hubka iyo awododana ay sarayso… Lakinse so ma ognin awood odhan in illahay gacantisa ay kujirto.. Kitabka allah hadan qadano hubkisa wanu qadanay.