Home » News »

Dagaalo culus oo maanta ka socda J/hoose iyo Al-shabaab oo la sheegaayo badi in ay faarujiyeen magaalada Kismaayio.

  Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Huwanta iyo kuwa Al-shabaab ayaa maanta si xoogan uga soconaayo deegaano ka mid ah J/hoose, waxaana la isku adeegsanaayaa hub kala duwan.

Dagaalka ayaa maanta ka soconaayo deegaanka Biibi nawaaxigiisa,waxaana weerarka dagaalka lahaa ciidamada Huwanta oo doonaaya inay la wareegaan magaalada Kismaayo.

Wararka hordhaca ah ee qasaaraha dagaalkaasi waxay sheegayaan in 5 qof ay ku geeriyoortay dhaawac kalena uu jiro, waxnaana cuiidamada Huwanta ay doonayaan in Kismaayo ay la wareegaan.

Dhanka kale warar aynu ka helanay Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Al-shabaab iyo saraakiishooda badi ay iska faaraujiyeen halkaasi,  waxaana dhanka kale ay aadeen ciidankaasi iyo saraakiishooda dhanka degmada Jilib ee J/dhexe.

Cumar Cali Maxamed,Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " Dagaalo culus oo maanta ka socda J/hoose iyo Al-shabaab oo la sheegaayo badi in ay faarujiyeen magaalada Kismaayio. "

  1. QOQAANI says:

    waqtiigii al shabaab waa soo dhamaday waa malin lagu farxo in laga bixiyo jubooyinka oo dhan shacabka jubooyinka waa xor wixii maanta kadabeeyo,

  2. baardheere says:

    qooqaani shaydaanshaydaan dhalay baad tahay hadii aad ku faraxsan tahay in adoonta kishtanka ah iyo doqonka la socda aad raali uga tahay inay kismaayo qabsadaan, waaxanad ka nixi doontaa jabkooda goor aan dheerayn adiguna cadaabkii allaah ayaad galidoontaa hadii aadan toobad keenin

  3. Waa guul usoo hoyatey ummada soomaliyeed jabka alshabaab waxaana mahad u dirayaa dhamaan xoogaga ka xoreeyay dhulka shayaadiinta ,sida ciidamada. Qalabka sida ee somaliyeed iyo ururka raaskambooni waxaana kuleeyahay ha ka hadhina cadowga ummada soomaliyeed. Si aan maanta u noqono markale dawlad taam ah,waxaan hambalyeynayaa sidoo kale xoogaga amissom ee aan walaalaha nahey.

  4. hussein Ali says:

    GUUL u soo hoyatay dhamaan Reer JUBALAND IYO GEDO in laga dulqaado canaasiirta diinta ku Qaraabadaysa,

    TALO ku SOCOTA DHamaan waxgaradka BEESHA SADE,
    ka ilaaliyey dhaliyardiina in ay noqdaan kuwa KOOXDAN ay is ticmaalaa waqtigii oo dhamaaday, BEESHA SADE in kismaayo ayagoo jooga wiilashoodii lagu weerero laguna laayo Aqoon yahankoodii iyo ganacsatadii aan waxba Galabsan Maantana LA YIRAAHDO Diinta Difaaca WAQTI gabaabi ah taasi waxaan u arkaa in ay Tahay SHaabad sharafta looga tuurayo ee waxaan ku BAAQAYAA dhamaan dhaliyarad hubka LA in AY ku biiraan walaalahooda ciidanka Soomaaliyey kana qeyb QAATAAN nidaanka mamulka gobolka si hor u mar loo gaaro