Home » News »

Sarkaal ka mid ah hay’adda nabad sugida oo Maanta Muqdisho lagu dilay.

Kooxo kuhubeesan bistoolado ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal ka mid ah hay’adda nabad sugida xilli uu howlo shaqo u joogay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalkaan ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Maxamed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, waxaana dilay Laba dhalinyaro ah misane ku hubeesan bistoolado, iyagoona halkaasi kutoogtay.

Dad ku sugnaa halkii ay wax ka dhaceen ayaa inoo sheegay in dilka ka dib goobta ay tageen ciidamo ka mid ah dowladda gaar ahaan nabad sugida kuwaa oo howlgalo halkaa ka sameeyay in kastoo aanay dad soo qaban.

Magaalada Muqdisho waxaa dib uga soo cusboonaaday falalka dilalaka ah ee lagula kacaayo dada sida gaarka ah uga tirsan dowladda Soomaaliya haba ugu badnaateenabad sugida.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Sarkaal ka mid ah hay’adda nabad sugida oo Maanta Muqdisho lagu dilay. "

  1. gold account says:

    Farmaajo oo kulan la qatay bahda warbahinta Somaliyeed ayaa Shegay inay Wariyeyaasha ka Howl gala Magaalada muqdisho dhibaato wayn ka haysato Dhinaca Amaanka isla markaana hadii la doorto uu Xilwayn iska saari Doono sugida Amaanka Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee haysato Dhibaatada aan looga garaabayn waa sida uu hadalka u dhigay Farmaajo.