Maamulka Somaliland ayaa soo dhaweeyay Hadalkii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ee ku aadanaa Siyaasadda Maamulka Somaliland ee uga qorsheesan madaxweynaha.
Maxamed C/laahi Cumar oo ah Masulka u Qaabilsan Maamulkaasi Arimaha Dibada ayaa saxaafada u sheegay inay aad u wada sugaayeen Mowqifka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ee ku aadan Maamulkaasi isagoona guul ku sheegay.
”Waan Soo Dhaweyneynaa in Halkeeda laga sii wado Wada Hadalada u dhaxeeya dowladda Somaliland ee dowladda Soomaaliya taasina waa mid dan u ah labada dhinac sida uu sheegay Maxamed C/laahi Cumar .
Maamulka Somaliland ayaa sheega inay ka go,een soomaalida inteeda kale iyaga oo Caalamka ka raadinaayo Aqoonsi mana jiro ilaa iyo had dal aqoosi siiyay .
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.