Home » News »

Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka jawaabay hadalkii wasiirka arimaha dibada Kenya.

Madwaxeynihii hore Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa  si kulul uga hadalay hadalkii wasiirka arimaha dibada ee Kenya ee ku adaanaa inu Shariif sh axmed ka dambeyay qaraxii ka dhacay Hotelka Jazeera ee u daganaa Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud .

Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmamaay in hadalka kasoo yeeray Wasiirka Arimaha Dibada ee Kenya inuu yahay mid aan laga fiirsan oo Masuliyad ku jirin uuna ka wey yahay inuu shirqool u maleego Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya .

” Dowlada Kenya waxaan nahay dad deris ah waxaana lo bahan yahay inaan is tixgalino loma baahno inaan warar aan jirin aan iska Faafino . aniga waa tagay Hotelka Waxaana u tagay inaan Badbaadiyo Madaxweynaha Cusub ee soomaaliya oo aan Keeno Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waana waajib isaaarnaa waana Gutay ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynihii Hore ee soomaaliya Shariif Sh Axmed .

Madaxweynihii hore ee soomalaiya Shariif Sh Axmed ayaa sidoo kale Tilmamaay in uusan la xariirin Wasiirka Arimaha Dibada ee Kenya Balse isaga uulasoo Xariiray uuna kala hadalay arimaha Dalka Soomaaliya iyo Doorashada . Kenya Raali kama ahayn inaan kusoo Laabto Xilka Madaxweynaha soomaaliya .

”aniga laga xariirin wasiirka arimaha dibada ee kenya , Dhaqaalana ma Weydiisan , Soomaalina ma ahan oo Cod ima siin karo ayuu Shariif Sh Axmed .

Shariif Sh Axmed aya waxaa uu cadeyay in dowlada Kenya aysan Dhex Dhexaad ka ahayn Xaalada Dalka soomaaliya ee Xiligaan uuna u Gudbiyay Wadamada Beesha Caalamanka .

Shalay ayey ahayd markii Wasiirka Arimaha Dibada ee Kenya ee ku edeyay Madwxeynihii hore ee soomaaliya Shariif Sh Axmed inuu ka dambeyay Qaraxii ka dhacay Hotelka Jazeera Xili uu ku sugnaa Madaxweynaha soomaaliya oo kulan lahaa Wasiirka Arimaha Dibada ee Kenya .

 

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka jawaabay hadalkii wasiirka arimaha dibada Kenya. "

  1. gold account says:

    Shariif Sh. Axmed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay eedeyntii wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya, ee la xiriirtay inuu wax ka ogaa qaraxii dhawaan Muqdisho lagula beegsaday wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, oo shir la lahaa Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud.