Xildhibaan Maxamed Cabdi Afeey oo ka mid ah Xildhibaanada Dalka Kenya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay eedeyntii Wasiirka Arimaha Dibada ee Kenya ujeediyay Madaxweynihi Hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ee ku aadanayd inu ka dambeyay Qaraxii ka dhacay Hotelka Jazera uu Daganaa maxdaeynaha Somaliya Xasan Sh Max,uud .
Max,ed Cabdi Afeey ayaa waxaa uu tilmaamay in Hadalkaasi uu yahay mid u ugooni ah wasiirka oo aan Dowlada Kenya shaqo ku lahayn waxaana u cadeyay in Dowlada Kenya ay hadalkaasi ka bixin doonto raali galin rasmi ah si aan mugdi loo galin xiriirka ka dhaxeya Soomalia iyo Kenya .
”Waxaan ka mid ahaa wafdigii tagay Xamar ee la socday Wasiirka Arimaha Dibada ee Kenya Markii uu Qaraxa Dhacayna waxaa inoo yimid Madaxweyne Shariif oo wax inaga weydiyay Xaaladeena marka ma ahan inaan Xumaan ku badalno Booqashada Madaxweynihi Hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed uu ku egayay xaaladeena sida ay tahay markii uu Qaraxa dhacay , marka hadii uu ka dambayn lahaa ma hotelka ayuu inoogu iman lahaa ayuu hadalkisa sii Raaciyay Xildhibaan Max,ed Cabdi Afeey .
Shalay ayey ahayd markii wasiirka Arimaha Dibada ee Kenya Mr. Ongera uu ku edeyay Qaraxii ka dhacay Hotelka Jazera inuu ku lug lahaa madaxweynihi hore ee soomaaliya Shariif Sh Axmed iyada oo hadalkaasi uu dhalaiyay muran xoogan ka dhex dhashay dowladaha soomaaliya iyo Kenya .
Cuamar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.