Home » News »

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya, Ahlu-sunna iyo kuwa Al-shabaab oo ka socda gobalka Gedo.

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa Ahlu-sunna iyo Al-shabaab oo dhinac ah  ayaa ka soconaayo gobalka Gedo, gaar ahaan duleedka degmada Garbahaareey ee caasimada gobalka Gedo.

Dagaalka waxa uu ku bilawday ka dib markii ay iska hortageen laba shahan oo dhinacyada dagaalamaaya ka kala tirsan,waxaana dagaalka laga maqlayaa xoogiisa degmada Garbahaareey.

Lama oga qasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi, laakiin waxa aynu goor dhaw qadka taleefanka kula xiriirnay afhayeenka gobalada Koonfureed ee Ahlu-sunna, waxaana uu inoo sheegay in dagaalka uu yahay mid si xoogan u soconaaya.

Dhanka kale Al-shabaab iyo dowladda Soomaaliya kama aanay kala hadlin dagaaladaasi, laakiin dagaalada kuwaan la midka ah ayaa waxay sidaan oo kale uga dhacaan qaar ka mid ah gobalada Soomaaliya.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.