Home » News »

Golaha Ammaanka QM oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay dhisaan gudiyo si gaar ah ula dagaalama musuq maasuqa

Golaha Ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in ay si aad ah uga walwalsan yihiin adeegsiga qaldan ee lagu sameeyo dhaqaalaha Soomaaliya loogu deeqo si gargaar loogu fidiyo dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya ka dib markii dhowaan la soo saaray warbixin ku aadan musuq maasuq lagu sameeyay dhaqaalaha ka imaanaya Beesha Caalamka ee Soomaaliya loogu talagalay.

Dowladda Cusub ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay si deg deg ah qorshe ugu dejiso maamulka hawlaha samafalka ee loogu talagalay Soomaaliya.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa ku xusay go’aanka lambarkiisu yahay 2067 ee soo baxay 18-ka bishan kaasi oo sheegaya in la ixtiraamo hogaanka cusub ee Soomaaliya iyo nabadgelyada Gobolka iyo sidoo kale madax banaanida siyaasadda Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale cambaareeyay qaraxyada iyo weerarada ay soo qaadayaan kooxaha hubeysan oo dad aan Soomaali aheyn wata kuwaasi oo halis weyn ku ah Ammaanka Soomaaliya iyo kan Beesha Caalamka, waxaana loogu baaqay Kooxahaasi hubeysan in ay hubka iska dhigaan.

Go’aanka ayaa sidoo kale lagu tilmaamay in Dowladaha xubnaha ka ah Golaha Ammaanka oo la filayo in kulan ay la yeeshaan 26-ka Bishan Xoghayaha guud ee qaramada midoobaya kaasi oo u gaar ah ka hadalkiisa arrimaha Soomaaliya iyadoo taasina ay fursad u tahay Hoggaanka cusub ee Soomaaliya ayna kaga wada hadli doonaan qorsheyaasha soo socda ee dhinaca Ammaanka iyo arimaha musuq maasuqa.

Dowladda Britain wakiilkeeda u fadhiya Golaha Ammaanka mas’uulka lagu magacaabo Grant ayaa sheegay in qodobada sida gaarka ah looga hadli doono uu ka mid noqon doono dhismaha Hey’ado cusub sida kuwa baarlamaanka quseeya, waxaana sidoo kale lagu xadidi doonaa kulanka hawsha xukuumadda sida arrimaha xuquuqda aadanaha, Dhaqan gelinta Dastuurka, kahortaga Musuq maasuqa iyo wanaajinta hab maamulka dhaqaale ee dowladda Soomaaliya taasi oo lagu helikaro in Soomaaliya taageero dheeri ah ay ka hesho Beesha Caalamka.

Soomaaliya ayaa iminka waxaa hortaala fursad kale oo aad u weyn ka dib markii ay ka baxday Soomaaliya marxaladii kumeel gaarka aheyd horeyna loogu socdo dhaqan celinta Mustaqbal horumar leh taasi oo ay ku dheehan tahay Nabadgelyo buuxda oo Soomaaliya ay hesho.

Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.