Home » News »

Saraakiisha Al-shabaab oo dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo iyo Idaacadii Al-shabaab oo hawada dib usoo gashay.

  Waxaa magaalada Kismaayo dib ugu soo laabtay dhasmaan saraakiishii Al-shabaab ee maalmo ka hor dib isaga faarujiyay magaaladaasi, waxaana dhanka kale dib hawada usoo gashay Idaacadii Al-shabaab ee ay kulahaayeen magaaladaasi ka dib markii maalmahaan oo dhan ay hawada ka maqneed.

Duhurnimadii maanta ayaa magaalada Kismaayo oo dhan waxaa mar qura soo galay gaadiid aad u badan oo ay saaranyihiin saraakiisha iyo ciidamadii Al-shabaab ee Kismaayo horay uga baxay, waxaana ay dib ugu wada laabteen dhamaan xarumihii ay halkaasi ka kala deganaayeen.

Qof jooga Kismaayo ayaa AOL u sheegay in markii ciidamada Al-shabaab ay magaalada Kismaayo soo galeen ay durba dib hawada usoo gashay Idaacadoodii Al-andaluus,waxaana ay si caadi ah u bilaabeen howlahoodii.

Dhawaan ayaa Al-shabaab xoogooda waxay isaga baxeen magaalada Kismaayo halkaa oo ay ku wajahanyihiin ciidamada Huwanta ah, laakiin maanta ayaa hadnana dhamaan ciidankii iyo Saraakiishii Al-shabaab waxay dib ugu soo laabateen magaaladii ay ka baxeen.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.