Balanbale, Somalia (AOL) – Maamul goboleedka Bartamaha Somalia (SCS) ayaa raashin qeybin ka sameeyey maalintii shalay oo ay taariikhdu aheyd September 19 Degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.
Raashinka la qeybiyey oo isugu jiro Bur, Bariis, Saliid iyo Digir ayaa waxaa ku deeqay hay’ad samafal ah oo dalka Turkiga laga leeyahay oo lagu magacaabo IGMG Hassene, taasoo u soo wakiilatay qeybinta cunnadan gargaarka ah maamulka Somali Central State.
Waxaa gargaarkan ka faa’iideysay qoysas boqolaal gaarayo oo intooda badan ah dad danyar ah iyo barakacayaal ku nool magaalada Balanballe oo qeyb ka ah dadkii degmada ku soo barakacay.
Madaxweynaha maamulka Bartamaha Somalia Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa howsha cunno qeybinta ku tilmaamay mid qeyb ka ah kaalmada uu maamulku u fidinayo dadka ku nool deegaannada uu maamulo, wuxuuna u mahad celiyey hay’addaku deeqday raashinkan, isagoo intaas ku daray in ay sii socon doonto raashin qeybinta noocaan oo kale ah.
Marar badan oo dhowr jeer ah ayaa maamulku cunnooyin samafal ah ka qeybiyey gobolka Galgaduud, siiba Balanballe.
Xafiiska Warfaafinta Dowlad Goboleedka Bartamaha Soomaaliya.









comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.