Muqdisho, Somalia (AOL) – Qaraxyo ismiidaamin ah oo ay gaysteen labo naftood hure oo khasaare geystay ayaa ka dhacay maqaaxi lagu magacaabo Village oo ku taala agagaarka gurigii hore ee hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan oo ahaa kuwo aad u xoogan ayaa ka koobnaa labo qarax oo waaweyn ayaa la sheegay inay ku dhinteen dad gaaraya in ka badan 14 qofood oo ay ku jiraan weriyayaal halka dhaawacuna lagu sheegay in uu gaarayo in ka badan 20 qof.
Weriyayaasha goobtaasi la sheegay inay ku geeriyoodeen ayaa kala ah C/sitaar Daahir Sabriye oo ahaa madaxa barnaamijyada TV-ga Qaranka, Liibaan Cali Nuur oo ahaa madaxa wararka Tv-ga Qaranka iyo C/raxmaan Yaasiin oo ahaa agaasimihii idaacada VOD.
Sidoo kale, weriyayaasha kale ee dhaawacu soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Xuseen Gentleman oo ka tirsan Radio Muqdisho, C/llaahi Suldaan oo ka tirsan Idacaacada Kulmiye iyo wariyayaal kale oo lagu kala magacaabo C/kariin Guutaale iyo Shiine.
Qaraxyadan is xig xigay oo si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xili habeenkii xalay ahaa ay madaafiic waxyeelo gaystay ay kusoo dheceen degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho.
Hoos ka daawo muuqaalka goobta uu qaraxa ka dhacay oo ay ka muuqdaan qasaare badan oo naf iyo maalba leh.
Hoos ka daawo muuqaalka wariye yaasa qaraxa lagu dilay.
———–
Yaasiin Faytin, Muqdisho/Somalia.

oska105ilaahaa mahad u sugnaatay ka soo saaary alshabaab inta ku hartayna waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu xaqqa fahansiyo oo ay ka soo haraan hadaysan fahmeyna ilaahay shartooda na dhaafiyo.