Tacsi Tiiraanyo Leh: Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan dhamaan Aqoonyahanada yo Qurbajoogta beesha Sade waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiraanyo leh u dirayaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaana Eheladi iyo Qaraabadi uu ka baxay Allaha u naxariisto’e Marxuum Prof. Xuseen Maxamed Ilka-dahab, oo xalay ku geeriyooday dalka Bulgaria, waxaana Ilaahay uga baryaynaa in uu Marxuum Prof. Xuseen Maxamed Ilka-dahab uu janadi Fardowza ahayd ka waraabiyo samir iyo iimaana ka siiyo eheladi iyo qaraabadi uu ka baxay. Aamiin Aamiin Aamiin.
Geeridu waa xaq Allaha u naxariisto’e Marxuum Prof. Xuseen Maxamed Ilka-dahab waxa uu ahaa saaxiib iyo shaqsi bulshadu aad u jecel yihiin, waxa kale oo uu ahaa Aqoonyahan iyo Siyaasi dadka iyo dalka Soomaaliyeed wax badan u soo qabtay badalkiisana Allaha nasiiyo. Aamiin Aamiin
———-
Tacsidaan waxaa AOL soo gaarsiiyay Nur Abdulkadir Ugas.

Alaha u naxariiisto marxuunka dhamanteena samir iyo imaaan Alaha nagasiiyo amiin amiin