Muqdisho, Somalia (AOL) – War mar dhow naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegayaa in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii lasoo dhaafay si weyn ugu mashquulsanaa sidii uu u heli lahaa shaqsiga ugu haboon ee uu u dhiibi lahaa xilka Ra’isal wasaare-nimo ee Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota, in uu hadda ku guuleystay xulashada shaqsigaas oo dabcan ah aqoon yahan lagu yaqaan daacad-nimo, karti, wadani-nimo, iyo hufnaan.
Warka ayaa waxaa kale oo uu sheegayaa in kulamo isdaba joog ah iyo la tashi fara badan oo uu qeybaha kala gedisan ee bulshada la yeeshay kadib, Madaxweynaha asaga oo tix-gelinaya talooyinka muhiimka ah ee ay siiyeen waxgaradka Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar in uu go’aansaday inuu Ra’isal wasaaraha afarta sano ee soo socota ee Soomaaliya uu u dooran doono mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Madaxweeyanaha ayaa horay u sheegay in uu u magacaabi doono jagada Ra’isal wasaaraha nin ay shacabka Soomaaliyeed aad u jecel yihiin kuna farxi doonaan.
Isku soo duuboo, waxaan dhoowrnaaba waa ku dhawaqista Madaxweeynaha ee Ra’isal wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya.
————
Waxii kasoo kordha warkan kala soco AOL.

Asc. waan ka xumahay sida deg degu ku jiro ee aad wax u sheegaysaan. waxayna u muuqataa inaysan xaqiiqo ahayn. tan kale somalidu waxay tiraahdaa qofka aan dhaxalka wax ku lahayn waligiis dhaxalka halla qaybiyo ayuu yiraahdaa . taas macnaheedu waxa weeye wax uusan farmaajo helayn ayaad u raadinaysaan. inuu khayr idiin ku jirona kama warqabtaan ee meel fariista.
Hadii ay dhabtahay in farmajo la,magacaabo waxay keeni kartaa xogaa rajo ah iyo in horay loo tilaabsado waayo intii uu xilka hayey waa lawada ogyahay isbadalkii dhacay umada somaliyed waxan leyahay mesha u wanaaga ku jiro waa ogtihine haa la,abaaro qabyaladana ha la,daayo
Asc hadi la raco warka shacab ka wa ti lo bah na wana so dhawe naya warkas in laga dhigo farmajo
Waxan joga degmada qansaxdhere waxan ka sugeyna mudane xasan sheik in uu so magacawo max.ed c/lahi farmajo wa nin muwadin ah waa nin jecel wadankisa plse wan jecelnahay waxan joga furunta hore dagal
war maxaa ku dhacay qolyihii kale.
waa ıdın salaamay dhamman Medıyaha & gaar ahaan AOL Anıga oo cıbıraya
rayıga shacabka somaalıyeed & rabıtaankooda waxaan ku rajo weynahay ın
oow magacaabo Mudane Farmaajo İllaahna talada saarto, waxaan ku nıyad furanahay ın ay wado shaqayn fııcan & hurumar fııcan gaarı doonan ishalla.
Talo waxaa dhıhı lahaa Dowladıı hore ın gabı ahaan meesha laga saaro oo la magacaabo Masuulıyıın cusub Amınıga, Sıyaasada, Dhaqaalaha & Gudoomıyaasha tanı waa tıı SRC ama Kacaankıı Barakaysnaa oo kale (NEW ERA) Mud. Madax. la soco rag kula jooga ayaa raba ın ay ku fashıly.
Waa guul haddıı aad ıs heshaan Xuk. Farmmajo & Adıga Maxweyne & Gud.
Baarlamaanka Prof. M.Sh Jawaarı. Soomlıya ha noolaato ha jırto cadawgeeda cagta hoos—– ha ıs raacdo—– Somalı dııdo Dhımo AAMIIN.
WABILLIHI TOOWFIIQ ——TURKIYA
Sida wararku nagu soo gaarayaan raisulwazare waxaa loo magacaabi rabaa Nin lagu magacaabo Doodisho(Mareexaan) ama Nin kale oo la dhaho DR Cali Ciise(Khaatumo)
asalamu alaikum.
Maxamed Cabdulahi Farmaajo wuxuu ka mid ahaa musharaxiintii madaxwaynimada.
Ani waxaan aaminsanayahay in madaxwaynaha hadii uu qof ka xulanayo musharaxiintii madaxwayanimada, in uu doorto qofka ugu codka badnaa inta hartay. Shariif Sh Ahmed madaxwaynihii hore ma dooran karo sababo qanuun awgeed ( 4.5 power sharing formula). Qofka ku soo xigo waa Cabdiwali maxemed cali gaas, waa qof isgu darsaday aqoon sare iyo qibrad siyaasad oo uu helay intuu meesha joogay.
Waa qof beesha caalamka ka dhaadhacsiin kara in soomaliya la caawiyo sida ugu haboon, waad ogedeen shirkii london press conferenckii oo la sameeyay david cameron iyo mahiga suu suaalihii adkaa ugu jawaabay.
waar ma inaga hubtaan? kaasi ma waraan loo noqondooninbaa?
@ HAJI: WAA YAAB NINKA HAAJI ISKU MAGACAABAYOOW WAXAAN KU WEYDIINAYAA DHAXALKA YAA LEH HADDAA ? DHAXALKA MA MAJEERTEEN BAA ISKA LEH?. WAA NASIIB DARRO IN 22 SANO OO DAGAAL SOKEEYA AH KA DIB AY DADKA QAARKOOD WALI QABIIL KA FAKARAYAAN HALKII AY QARANIMO KA FAKARI LAHAAYEEN!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
alclwlwl anigoo ah waxgaradka kunool dalka yemen kana tirsan jaaliyada soomaaliyeed ee dalka yemen waxaan soo dhaweyniyaa rayiga madaxweynaha mudane; dr. xasan sheeq maxamuud sida sidu uu ugu sahmiyay rabida shacabka soomaaliyeed hanbalyo guushii lagu doortay madaxweynah oo kale ayuu muujiyay marka waxaa leeyahay waa guul aan soo dhaweeyneeyno
acs waan soo dhoweynayaa warlka kasoo yeeray madax weynaha fadaraalka soomaliya drxasan sheekh maxamuud waan ku faran sanahay hadii la qiimeynayo codka dadweynaha dulman oo loo dooranayo cida ay jecelyihiin ama ay ku qanac san yihiin waana soo dhaweynayaa dr daahir c/laahi muumin oo kamid jaalida kunool yemen
Kkkkkk Walaalayaal waxaa muhiim ah in uu qofka la magacaabayo uu keeni karo dad iyo degaan baaxad leh sida (Puntland iyo Jubbaland) waa in uu u dhashay Beesha Darood oo tayo iyo tiro leh ee yaan la hor dhicin Mahadsanidiin
Daaroodka Moy iyo Maryama kala masafaytay
Makas weeye ee maad rag kala maandhaw doon doontid
Dumaashii Malase waxa u haray xayle maaryamae
Asagaa madiidayn dadkaad moolka moodeene
Meeqan gab wee yoo malahan muhasho sii dheere
Maqaarsaar ninkii maanta raba amase maaweelo
Magacyada ad kala qaadaysaan hayska dabo maaxo
Mir quroo laqaatiyo malahan magac islaameede
Waa niman masiixiyo wadiyo macatab laydiiye
Waa niman madiidaysanoo wada maqaarsaare
Maaryama marwada uu qabiyo Moy un wee yaane
Ilaah baa malaasoo qalbigay malax ku leeyiine
Kobta nalaga muday weeye iyo milil qarsoonaaye
Waa Milikh oo wada kaliyo amase mooryaane
Muslim cadawgi weeyiyo waxaa diinka maariqaye
Magacooda oo qura ayaad daba mushaaxdaane
Ama maal qabiilnimo ayaa qariyey maankiine
Wallaahayan Masiixiyada iyo Buude meel dhaamin
Cadaw micidu dheertahay kufrina maraxsan wee yaane
Waxba haygu maaweelin gaal nimu madiideeyey
Makas laaye magac dawlaloo maatida xasuuqa
Maqaaxiyo Hotel oo qurana yahay masruufkiisu
Laba gaalna kiiraba markoro yaad madhoodhayne
Nin Mahige maamulo ayaad khayrka milaysaane
Maxaafsiga kadaa iyo shacbigan magici aad doorin
Milgo malahan doorshaan hadaad daba maqiiqnaane
Magacyada qabiilada hadilin ama magtood keena
Nimuu gaalku maamulahayoo miiq an kala goynin
Nimaan magaca soomaaliyeed qurunka moosaynin
Nimaan shacabka uu marinayaba gaalku maagaynin
Niman maya karayn ee un tolan ama madiidaysan
Cubcub iyo maqaar miiran baad marax kadhawrtaane
Mabalahane miisaan waxaad soo macaac layne
Nin Ilaahay magiciisku mari been maqsuudkeeda
Marxabana dastuur gaalo yiri reer ma maamuline
Maaidiyo Cimraan iyo Baqra ruux masuugaayey
Oo midigta baybal loogu riday mawga lagu dhoobay
Mahlakiyo halaag baad un sugi maalmo dabadeede
War waxaan macaash duni lahayn naara kula maagan
Ood eed macbuudkaa kugali yaad mariinteene
Sharcigiyo minhaajkaa shacbigu meel ku gaaraaye
Heshiisaad macbuud kaa latahad meel ku gaadhaaye
Tadbiiqii milada Moxamed baad meel ku gaadhaaye
Marxabood shareecada dhah daad meel ku gaadhaaye
Malcuunkii ibliisood nacdaad meel ku gaadhaaye
Mooryaantan ood dayrisaad meel ku gaadhaaye
Intaad gaalka magantiis taheed daba maqiiqnaani
Meekhaan aduun iyo ukhraa waa madaw yahaye
Musuqmaasuq iyo reeru waa meheradiiniiye
Chirchir maatiduu kaa jariyo maydka kuu yaala
Maryan timo haldhaaley waxaa dixiri miiran uu fuulay
Murugiyo waxay ciil qabtee madaxa laalaadin
Misiixiga nijaaskaa hadaadan goynin madixiisa
Eed waliba daba miiqan tahay una maqsuudayso
Magacaa ba,yee dawladnimo maanta kaa dheere
Orod oo Mahigiyo Kibak miduba goortiisa
Ama Xayle Maaryame u kanoqo shaaqi minankiisa
Kolay waa dardaarmoo Malase magacyo sii sheegye
Marxabiyo gudoon dhaha darxumo taniyo meel dheera