Home » Archive Daily September 23rd, 2012

Yaa ku haboon in laga dhigo Raiisal wasaaraha Soomaaliya? By Abukar Albadri

Sep 23, 2012
Ugu Horeyn, waxaan halkan Duco uga dirayaa dhamaan dulmanayaashii Soomaaliyeed ee iyagoo aan waxba galabsan sida naxariis darada ah loogu laayey Baarka Village eek u yaalay daarta Hooyooyinka. Waxaan duco gaar ah u dirayaa Shuhadada kala ah Walaalkay Liibaan Cali Nuur, walaalkay Cabdisataar Daahir Sebriye iyo walaalkay Cabdirahmaan Yaasiin Cali oo dhamaantood ka mid ahaa dadkii ku shahiiday Qaran... 

Maxaa sababay in uu faraha ka baxo ammaanka Muqdisho? Saameyn nooce ayuuse ku leeyahay Sheekh Shariif? By Daahir F. Afdheere

Sep 23, 2012
Waxaa maalinba maalinka ka dambeysa faraha kasii baxaya ammaanka magaalada Muqdisho, waxaanna mar qura shal-fariirtay noqday xasilooni aan caga-buuran ku taagnayn oo Dawladda Soomaaliya bilihii la soo dhaafay ay ulo booco-booco  ugu qutubaysay. Waa tii habeen baas qarax lala beegsaday hotel Al-jazeera oo uu Madaxweynaha cusub ka degganaa Muqdisho, waa tii dharaar cad Maqaaxida Village lagu xasuuqay... 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay geeridii marxuum Maxamed Cusmaan Edson

Sep 23, 2012
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qoraal ay soo saartay uga tacsiyeysay Allaha u naxariistee geeridii naxdinta laheyd ee dhawaan ku timid Qunsulkii Soomaaliya u fadhiyay dalka magaalada Nairobi ee dalka Kenya marxuum Maxamed Cusmaan Edson. Masawirka sare ee Microphone-ka haysta waa Allaha u naxariistee Qunsulkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay magaalada Nairobi... 

Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Raaskaambooni oo ka barbar dagaalamaya kuwa Kenya oo lagu eedeeyey xasuuq dad rayid ah

Sep 23, 2012
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaanyo ayaa eedayn kulul usoo jeediyey ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya kadib markii la sheegay meel ceel biyood ah in lagu diley dad rayid ah oo xoolo dhaqato u badnaa. Nabadoon Xuseen Xasan oo ku sugan deegaanka Janaay Cabdalla oo u waramayey warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dad gaaraya ilaa... 

Xarakada Alshabaab oo Xabsiga kasii daayey Nabadoon Indhoyare

Sep 23, 2012
Xarakada Alshabaab ee Gobolka Gedo ayaa maanta waxay Xabsi ay ku hayeen, kasii daayeen Naboon Maxamed Axmed Faarax Indha-Yare oo ka mid ah salaadiinta Beesha Sade ee Gobolka Gedo. Xarakada Shabaab waxaa ay nabaoon Maxamed Axmed Faarax (Indhayare) heysteen inka badan 13 maalmood, waxaana ay ku heysteen Saldhgyo Xarakada ay ku leeyihiin degfmooyinka Baardheere iyo Saakow. Maanta ayay Xarakada Alshabaab... 

PRESS RELEASE: AU Special Representative condemns assassination of Somali MP in Mogadishu

Sep 23, 2012
Mogadishu – September 23rd, 2012; The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia, Ambassador Boubacar Diarra, has condemned the assassination of newly elected MP Mustafa Mohamed Mo’alin in Mogadishu. Mustafa Mohamed Mo’alin was killed in the Waaberi District of Mogadishu as he returned home from prayers on Saturday evening. “Members of Parliament... 

Ku Simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Wasiirka Beeraha Iyo Xanaanada Xoolaha Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen Ayaa Maanta Booqday Dekedda Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Sep 23, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Mudane; Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo ay wehliyaan xubno ka tirasan golaha wasiirada iyo masuuliyiin kale ayaa maanta booqasho ku tagay Dakada Muqdisho. Ugu horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Dakadu...