Home » News »

Baaq Ku Socda Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Cidi Kale Ee Ay Quseeyso.

Ku:   Madaxweeynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud

Ku:   Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari

Ku:   Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed Dal Iyo Dibadba

Ku:   Saraakiisha Ciidanka Dowladda Ee Jubooyinka Gaar Ahaana Kuwa Beesha Sade.

Ku:   Dowaladda Kenya

Ku:   Ciidamada Nabad Ilaalinta Ee AMISOM

Waxaan marka hore u tacsiyeenayaa dhamaan eheladi iyo qaraabadi dadkii rayidka ahaa ee sida waxuushnimada ah loogu xasuuqay deegaanka Birta Dheer ee gobolka Jubada Hoose, waxaana Ilaahay uga baryayaa inuu janadi fardowsa ahayd ka waraabiyo, samir iyo imaana naga wada siiyo. Aamiin Aamiin.

Dhanka kale, waxaan Cambaareyn dusha uga tuurayaa cid walba oo ku lug lahayd xasuuqan bareerka ah ee ka dhacay deegaanka Birta Dheer ee gobolka Jubada Hoose leeyskana xasuuqay dad rayid ah oo aan waxba galabsan Hubna sidan.

Ma ay ahan markii ugu horeeysay ee xasuuq loogu geeysto dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo si gaar ah loogu bar-tilmaameedsado beel gaar ah oo ka tirsan beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Jubooyinka, ninkii u haysta in uu bilaash yahay dhiigga dadka shacabka ah ee aanan waxba galabsan ee bilaa macnaha loo xasuuqayo waa inuu ogaado in ay jiri doonto maalin lala xisaabtami doono danbiile-yaasha ka caado yeeshay gumaadka dadka shacabka ah ee aanan waxba galabsan.

Waxaan baaqan u dirayaa dhamaan inta aan kor kusoo xusay oo uu ugu horeeyo Madaxweeynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Madaxweeyne iyo dhamaan inta kale ee aan kor kusoo xusay waxaan codsanaynaa in si deg deg ah loo soo qabto isla markaana maxkamad loo soo taago cid alle cidi ku lug laheyd Xasuuqa loo geeystay shacabka Soomaaliyeed ee Rayidka ah ee ku sugnaa Deegaanka Birta Dheer hadii ay yihiin Soomaali iyo hadii ay yihiin Keenyaatiba.

Waxaan rajeenayaa haduu Alle Idmo in codsigeenan loo arko mid ay ku dheehan tahay Soomaalinimo, Islaamnimo iyo Cadaalad-doon, hadii aan codsigeena wax laga qabana waa in la ogaadaa cawaaqib xumada ka dhalan karta ugaarsi gaar ah oo lala beegsado qabiil gaar ah oo ka mid ah qabiilooyinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Jubbooyinka.

Waxaan rajeenayaa in caqliga wanaagsan uu shaqeeyo oo loo dhowaado Cadaaladda lana soo qabto dambiilayaasha geeystay xasuuqan waxuushnimada ah.

Wabilaahi Towfiiq.

————
Nur Abdulkadir Ugas
Hay’ada Dhowrida Xuquuqda Iyo Karaamada Beesha Sade
nurugas@gmail.com

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

5 Jawaabood " Baaq Ku Socda Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Cidi Kale Ee Ay Quseeyso. "

  1. cabdi cali xaaji says:

    innaa llillaahi waa innaa illaahi raajicuun doowlada keenya wali caalamka lama jaanqaadin miyaa?
    waagalaa ayaaba wal lagu haaystaayee waamaxay jana c/dalle xasuuqa aay kageeysaty?
    haduu yahay shaqsi kamid ah saraakiisha ciidamada ninkaa horay buu ulaayaay dad masaakiin ah asoo sheeganaayay saraakiil diimeed maantana haduu kulaaya saraakiil doowladeed koleey tolkii waa ogyihiin cidda laga gooyndoona gaboodfalkaa
    NB: maah maah waa qaan mareexaan oo waa qaaxa kugu maqan lasoco sarkaal

  2. waxaan u arkaa haladka allgedo kuqoran mid calaacal iyo caalwaa ah, nin daad qaaday xumbo cuskay, baaqa loodirayo xasan shiikh iyo jowhari waxaa kafiicnaa in aad faroole udirtaan asagaa kahadal kululeh, raga somaliya madaxda ka ah habeeny walba shacab aya agtooda lagu xasuuqaa maxay uqabtaan? ninka jobooyinka
    lagu dilay xasan shiikhoow kaala wax uqabo waa hadal doqonimo, iyo wax aan lagu aqoon dadka aykasoo jeedaan mana dhici jirin taasi, ee waa xaanfilayaa ninkii dilay ayaaba hadalkaan qoray.

  3. Qundhi says:

    Bismilahi alraxmani alraxiim.waxan leyahay ciidanka kenya wa ciidan somalida sidas ula dhaqmo haday somaliya yihiin iyo haday somalida kenya yihiinba.waxase mesha ka marneyn in farmuq u jiro madama ciidamo qabaa,il oo somalida kalayaqan ay wada socdan.sidaas awgeed dhacdadatan foosha xun haday somali ka dabeyso iyo haday ciidanka kenya kukooban tahayba wa mid ay ka imaan doonta cawaqibxumo fashilindonta ujeedoyinkoda ku wajahan qabsashada kismanyo.balse waxan leyahay kenya ha kala doorato laba mid inay la howlgasho ciidan somaliyeed oon dhinacna ubadneyn sida Uganda,Burundi iyo Jabuuti oo kale. haddii kale ha galbata.

  4. sharaf says:

    asc salan kadib kaga deeq la dhahow waa ceeb in dad ariraacata la laayo oo hadana dawlada kenya loo adegsado saqiir sado hurda kablalax ma agmaree ma kibakiba sidinii gabdho ku casunteen, insha alaah qarankii sada soo noqonoo qaxootaan idin furaynaa aad noo dhaantaysaane (sade soo rogaal celi) koonbooyinkii shagariga diyaalsada sanaawi idinka baqtiye

  5. alixoosh says:

    Dqqe Dhagalaaboow aniga shaqsiyan qoraalkan uu qoray Nur Ugas waxaa iiga muuqda inuu doonayo inuu dhiig ku xalaaleeysto, amrkuu leeyaay Xasan Sheekhoow macnuhu ma,ahan inuu calaacalyee waa marqati ka ahoow waxaan ku dhigi doono Kenyatiga iyo kuwa ku daba naban ee aan waxba iska dhicin karin.

    Koleey qoraalkan waa Digniin, Marqaati iyo Dagaal la iclaamiyay, waa sidaan u arko ee marka wiiloow axba madan fahminee meel fadhiiso Mareexaan waxba kama taqaanid’e.

    QAAN MAREEXAAN WAA QAAXO KUGU MAQAN HADII AADAN ADIGA U QOOLMINA TOLKAA BAA U QOOWLAN.