Home » News »

Beesha Reer siyaad Xuseen oo Magaalada Caabudwaaq ka dhigtay Banaan Bax Balaaran oo ay ku Taagererayaan Go’aankii Maxkamada Sare ee Dalka ay ugu Xukuntay Xubintoodii ay ku lahayeen Baarlamaanka Soomaaliya (Sawiro)

Caabudwaaq, Somalia (AOL) – Waxaa maanta magaalada caabudwaaq ka dhacay Banaanbax balaaran oo lagu taageerayo Maxkamada  Sare ee Dalka Soomaaliya ka dib markii  19/09/2012 ay beesha reer siyaad xuseen u xukuntay Xubin baarlamaan oo si sharci  daro ah ay beel kale oo ka mid ah beelaha sade ku haysatay.

Waxaa maanta gabi ahaanba gudaha magaalada caabudwaaq ka jiray jawi aan horay looga baran iyadoona magaalada lagu arkayay gawaari aad u farabadan oo isdaba socda kuwasoo ay ka shidnaayeen makarafoonada  cod baahiyaalka ah oo ku dhawaaqaya erayo ay ka mid ahaayeen hanoolaato maxkamada sare, Cadaaladu waa tiir dhaxaadka dawladnimada, iyo erayo kale oo lagu taageerayo xukunka maxkamada sare xubintii baarlamaanka soomaaliyeed ay ku lahaayeen beesha reer siyaad xuseen oo ka mid ah beelaha ugu waaweeyn beela sade ay si sharci ah ugu dhawaaqeen in loo ogolaado DR Cabdi Max;ed faarax oo beeshiisa xubintaasi u matalaya islamarkaasna Maxamud cali magan uu banaanka ka noqdo baarlamaanka maadaama uusan hey ahaan ayahy beesha kursigaasi iska leh.

Banaanbaxaan beesha reer siyaad xuseen  ay ku taageeraysay xukunka Maxkamada  Sare ee Dalka Soomaaliya  ay xubintooda baarlamaan ugu soo celiyeen ayaa waxaa kasoo qayb galay Ugaaska beesha Reer siyaad xuseen ugaas C/risaaq Cali mire Nabadoonka guud ee beelaha reer siyaad xuseeb Nabadoo faarax nuure xuubeet aqoonyahanada beesha odayaasha dhaqanka ganacsatada beesha. waxaana sidoo kale ayaguna dhankooda banaanbaxaas ka qayb qaatay guud ahaan waxgaradka beelaha sade oo ayaguna taageeray go;aanka maxkamada sare ay ka gaareen xukunka xubintaasi baarlamaanka oo ay awal ku wareersanaayeen xalinteeda.

Ka dib socod dheer oo ay banaanbaxayaashu ay ku soo mareen wadooyinka iyo xaafadaha magaalada ayaa waxaay isugu yimaadeen goobtii loogu talagalay in ay xafladu ka dhacdo gobtasoo ay ku dhaganaayeen boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay ka mid yihiin cadaalada waa loo simanyahay iyo halkidhyo kale.

Ugu danbeeyntiina banaanbaxaan ayaa ku soo idlaaday sidii loogu tala galay waloow ay halkaasi ku gadoomay gaari ka mid ahaa gawaaridii ka qayb qaadanaysan banaanbaxa laakiin aan geeysan wax qasaare ah.

Halkaan ka daawo masawiro badan oo ku tusaya qaabka uu banaanbaxa u dhacay

————
Maxamed Maxamud Salaad, Caabudwaaq/Somalia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

17 Jawaabood " Beesha Reer siyaad Xuseen oo Magaalada Caabudwaaq ka dhigtay Banaan Bax Balaaran oo ay ku Taagererayaan Go’aankii Maxkamada Sare ee Dalka ay ugu Xukuntay Xubintoodii ay ku lahayeen Baarlamaanka Soomaaliya (Sawiro) "

  1. Afhayeenka Qowmiyada Koshin Diini says:

    Qurbojoogta dibadda Yurub, America, Canada iyo Afrika iyo Gudaha ee dalka —- Shir Taleefon conference ah ay yeelatay Qowmiyada Koshin Ugaas Diini

    Go’aanka kasoo baxay—Koshin Ugaas Diini Waanu taageernay Maxkamada Sare Go’aankeeda. Hambalyo ayaanu leenahay Qowmiyada Reer Siyaad Xuseen. Waxii intaa dheer waxaan ka codsanaynaa Odayaasha Reer Siyaad Xuseen in ay dhowraan Karamada Beesha Sade oo aysan wax kale oo action ah ama Mudaharaad kale aysan qabanqaabin.

    Taakow iyo Raggiisana waxaan ka codsanaynaa inay taageeraan go’aanka maxkamada. Darajada Ugaasnimadana aan lagu ciyaarin.

  2. run sheeg says:

    reer siyaad xuseen kaliya maxaa loo buubuuniyay waxaaba qatan dhammaan mareexaanka daggan gobolka gedo kuna abtirsada beesha xasan gaashireedle sida beelaha( ibraahiim) reer liibaan,reer gaban, reer Gabdoon, reer samatar, reer sadiiq, reer cilmi, reer xalane, reer beero,
    reer Ahmed siyaad, and more……………………….

    Beesha gumarwaaq, reer wacays, reer dudub, reer cali wacays, iyo dhammaan qabaailada reer yuusuf oo idil.
    goormaa si daacad wax loo qaybsan doonaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  3. Ninkan la yiri waa Ugaaska Beesha Reer Siyaad Xuseen Ugaas C/risaaq Cali mire waan ognahay inuu odaygii Cali Mire halyeeyga ahaa kasoo jeedo oo aad uqalantaan Ugaasnimada iyo Darajada nooc walba ha ahaatee, Laakiin waa iga talo magacyada yaysan isaga kaana ekaan oo aan hal naloo malynin, waxaa kugu fiican inaad noqoto Boqor SAde, sida Boqorka Reer siyaad Xuseen ama Boqorka Sade Boqor C/saaq Cali Mire oo kale, Suldaanka, Garaadka, Malaaqa iwm waxaan iyo magacyadan waa Tusaale ahaan ma diidanin inaad Ugaas ahaato……Si kastaba ha ahaatee waa sidaa waxa Somalida kale ama Daaroodka na looga kuraas badsaday, magacyada ayaa naloo soo badsaday oo raggii wax qeybinayay waxay yiraahdeen, boqorka iyo beeldaajiyaha iyo Garaadka iyo Ugaaska Absame ninba Kuraas gooni ah halagu qanciyo 40 kursi ayaa sidaa lagu qaatay…..anagana aan isbadino, magacaan Ugaaska umadahaan aan wax la qaybsaneyno ayaa nagu wareeraya. Awalbaa Ugaas-yadu bateen Gedo iyo meelwalba, oo Sadex Ugaas ayaa joogta midi Luuq fadhiyaa waa Xasan Gaashireedle Ugaaskooda, Mid G/haarey fadhiya oo dhaxal ku qaatay Ugaaskii SAde iyo mid Aabahay ayaa ahaan jiray ku andacoonaya iyo mid afaraad oo Qowmiyada Howraarsame leeyihiin, waxaan umalaynayaa Ugaas shanaad inuu jiro oo ay Beesha Fiqi-Yacquub leeyihiin iyo Mid Lixaad oo yiri Ugaaska Daarood ayaan ahay, waxaan aqli ma’aha Ugaasnimada sixirbarar yaanan lagu ridin Darajo Jifo walba waa loo ogol yahay laakiin Xoolaha yaysaan iskaga kiin qaldamin….Aqli ahaan markii Somali ama Umad kale wax kula qeybsanayaan, waxay isleeyihiin dadkaan dad tiro leh ama tayo leh ma’aha oo hal TITLE ama hal Ugaas ayay isu daba fadhiyaan ama isku heystaan marka magacyada inoo badiya……..

    Waxaan ka codsaneynaa Jifadii Sade ah oo Madax-dhaqameed sameysaneysa ama leh inay ka tashadaan oo ka fikiraan magaca ay qaadanayaan.

    Waxaan ka codsaneynaa, Madaxdhaqameedyada inay gacmaha isqabasadaan ama Ugaas ha ahaado ama Suldaan ha ahaado ama Garaadka Cali Dheere ha ahaado, Kuligeen Mawqifkeenu waa Horumarinta BEESHA SADE iyo inaan dhowrno Karaamada Somali iyo Mareexaanba.

  4. ugaska says:

    magaca ma kooshin diini ayaa bixiyo ay rabaan ineey mariixan sameeysataan taasi waa cuqdad aad qabto waxaana kaa soo dhadhameeyso laangaabnimo ee horta is aqri kumaad tahay yaadse wax ku tahay
    intaasi waxii dheere hadii ay sii socdaan waxaan si fiican kuugu soo sheegi doonaa maqaalada danbe ee is canaano

  5. Ali says:

    ???? sixir bay noqdeen waana kuwa sababaya in la is boobo mana jirto cid sade wada doortay, mid kastoo ka mid ah afar qaraabadiisa ah iyo afar uu maalin maqaayad geeyey ayuu ku yiri Ugaas mar un i dhaha ee ciddii rabta in ay ugaas sade noqoto ha samayso shir weyne sade lagu kulansiiyo oo lagu wada uur fayoobaado oo lagu doorto hogaan mideysan, hadii kale goob kasta isku qabqabsada.
    Mahadsanidiin.

  6. Maasha allaah waxaa cadaatay in hadaan reer siyaad xuseen nahay oo waligood nabad iyo midnimo doonka lagu yaqaanay inaan talaabo horay u qaadnay qaab caalami aan wax ku raadsano sida maxkamad,mudaaharaad,wacyi galin i.w.m. Dhamaan beesha inteeda kalana cashar haka qaadato xabad iyo dhiig daatana halga gubo,ugu danbayntii reer siyaad xuseenoow dagaalka bangeela kasocda oo 10nin idinka dhimatay bishaan gudaheedana fadlan nabad kusoo dhameeya. Afhayeenka kooshin diini wax xun masheegin talo guud oo wanaagsan oo qofkii aragti fog leh uu fahmi karo ayuu sheegay si mareexaanimo ku jirto ayuu u hadlaa ee yaa lagu xad gubin,qofkii wax ku diian hasaxo asagoo aan caytameen. Reer sharmaarke waxaan leenahay saanay dan idiinku jirtaay meesha kalugeeya waadna nasiib badantiin hadaan la idin ?????. Guul siyaad xuseen, guul dhamaan beesha sade.

  7. bureqa says:

    asc fadlan ha isku mashquulina intaad isku farfiqayseen baa haadku hilbihiinii goobaysta reer reer daayo sade ku ekaada qaran quwad leh ood isku eryatan majiree maydadkiina xabasha juboyinka wara oo galadu afka kabta ka galinaysa maxaa 14 xubnod oo sidi balaqii la idin laaladiyaay miciyaha iskugu mudaysaan war is garta.

  8. Cilmi tooje. says:

    A.s.c. Wan idin salaamay dhaman. Wax garadka.. Waxaan rabay inaan idiin shego xaqiiqada jirto… Madonayo inan isku mashquuliyo, qoloyinkan xamaasadesan o cabudwaaq ku dhaantenayo, kursiga kan adeerayaal cidna idiin ma xukumin, maxkamadi xukumi laheedna wali ma aysan dhalan..ee cirka so dunshaa..
    Sideed u damacdeen hunguri xumadiina kursiga reer ugaas, adinkoo wadartiina guud xitaa ayan gaaren, 1 batalyan.. War nimanyahow malaha aqoon dari baa waxa kan idinku wacane.. E adeerayalow gacanteenu idin ma qabatee. Nakala celcesha..
    Durbaanka colaaded od garaacesana, in la joojan ku talin lahaa.. Wayo dadka nabadu iyagaa u baahane iyadu uma baahno..

  9. bureqa says:

    asc maangaabyaasha munaafaqa hurinayow horta alle kabaqa hadana maslaxada tolka guubaabiya wax lakala qaado ma haysataanee, qabiil aqara wax idin galimayo aduuna eed iyo dakano ficiin fiiriya iyo beelaha idinla siman.fiicnaan lahaydaa kii wax ku dhagaba in lala guriyo maxaa kun doolar mushaara loogu wadahadli, qaran balaran ilen malehee. Nabadeey

  10. abdinasir says:

    asc walala yaal hadaan nahay beesha sade dhamaanteen wax weeyn ayaa naga maqan inta aan isku mash quulsanahay aya nagal faa iideystey mida kale 14 kursi wax la sheegto ma ahan ee aan soo dhacsano codka naga iyo kartida rer hebel intaad iska dhaaftaan hadi kale madaxa iskula jiro sac

  11. Cafaash says:

    Kkkk adeeryaalow wa yaabe rer siyaad xuseen wali ma buuqayaan mar hadey dhageysteen hadlakii madaxweynaha kii gudoonka barlamanaka iyo kii ilka xanaf caw akuhadley miyeysanse ogeyn in ilkaxanafkii ey dhowrka kun ulaabeen ee ey dhaheen rer ugas baa kursi naga boobey inuu cawa kalaabtey oo yiri mudanayashii ey sooxuleen 135 odayaal dhaqameed kuraastooda waa lama taabtaan aderyaalow tolnimad akusoolaabta intey goori goor tahay wali waan idinka xishoneynaaye joojiya qaska iyo lurka aad beesha kadhexwadaan ceydid ilka xanafne uraadsada shahii aad siseen ileen balankuu idin ka qaadey war kamiisaan iyo kasaxan baa kadaba yimide teedkale gunimada rer siyaad xuseen sow kuwa haysto mowtida uu kamidka yahay rabi ha unaxariistee xildhiban indhabuur sayuun oo xilkan ey sheganayaan horey usoo hayey miyeysanse ogeyn in indhabuur uu kursiguu ku fadhiyey carta kala yimid ugu danbeyntiine waxan leeyahay dameerahanaga isma boodaane ilma siyaad xuseenow nakala cesha intey goori goor tahay

  12. cajiib says:

    SC,MAREEXAANOW MAA SIDA ISKU DHAANTAAN,WAA NASIIB XUMO UMAD 22SANO BURBURKII SOMALI UGU LIIDATA HADANA ISDABAQANEY WAXA ASAGIIN IDNKA REEBAYANA,1-WAA IDINKOO XAASID ISKU NOQDEY,2-CADOWTINIMADAAD ISKU QABTAN U MALAYN MAAYO INAAD U QABTAAN MIDKA ALLE KU CAASIYAY,DEEGAANDIINA WAA DHULKA SOMALI UGU BARWAAQO BADAN ISKU XISHOODA OO HALGAAN AAD ISLA DABAGASHEEN ALLE U NOQDA,HORAA LOO YIRI AQOW ISKU DHUFTE ASAA U DHUTIYA,SOMAALIYOO DHAN WAA IDINLA YAABAN TAHAY,KAADARGTO WAXUU KULEE YAHAY MAREEXAAN MA UMAD LA SUULINAYAA,ADUUNKAN SHARAF IYO KARAMO KAMARABAAN,MAGCIINI WUXUU NOQDEY AAN WALAALKEY DILAYE SIDA UGU DHAQISAYAHA BADAN SOW KABIIR MA`IHI.SUBXANALLAAH SIDA ISKU DHAMAA HADII AAD CAAQIBO ADUN IYO AAKHIRO LEE DIHIIN.

  13. wiil sade says:

    acw walalayaal aduunku malinba waaheer.waa in casrigalalasocdaa.
    waqti waxaa lasoomaray sade iyo wiilashiisu halsaxan waxkuwada cunayeen.hadana besha sade qaran bay noqonkaran waa alxamdulilaah.adoo qaran noqonkara maxaa qabiil kaa dhigay.beeshu somaliya 4 teeda gees iyo aduunka daafihiisay dagtaa. marka waxaan qabaa danta guudna halaga shaqeeyo tangaar ahaaneedna halaga shaqeeyo’beeshu mantay uma cuntanto 1 ugaas,waxan kutalinaa qoladii meel wada dagtaba ugaas hasamaysteen.uguyaraan beeshu 50 ugaas bay ubahantahay,waxa mantay dhib kaan keenayna waa aqoolxumada,
    iyo iyadoon horay loogafakarin waxaan qabaa beelkasta oo sade katirsan iskeed wax hauraadsato somali wayna halaxisaabtanto
    beeshu ismaqadi kadho mantay iskamana warqabi kadho aqoona iskumaleh waayo dadka wax soo qoraya hadalkoodaan kadareemaa.
    tusaale beesha rersiyaad xuseen waa beel udhiganta beesha rerdiini tiro iyo tayaba anoo aqoon uleh 2 badaba ,taariikhdoodana waa layaqaanaa ee wax cusub mahan cidii waxtaqan bataqan cidii kalena haiskahadasho, isku soowada duuboo besha sade 14 kursi umaqalanto ee xaqa nagamaqan aan raadsano oon soo dhacsano waxaan leeyahay beesha sade hanoolaato wabilahi towfiif

  14. cajiib says:

    RAG IYO DUMAR ANIGU KA HADLIMAYO DUUBAB,WAXAAN IDIN LEE YAHAY,DIB ISUGU NOQDA OO HOOS ISKU FIIRIYA UMADU HORUMAR HIGSANEEYSAA,WAXAASE LA YAAB AH IN DAMIIRKII LAYDINKA QAADEY,OO AAD ISLA QUMAN TIHIIN DHOOLA CADEYN,WAX QLADAN IYO MEESHA AY KA QALDAN TAHAY WAAD OGTIHIIN ALLENA WAA OG-YAHAY,WALAALYAALOW ISYEEL-YEELKU WAA MIDKA CALOOSHAYDA HURINAYA,INTAAD ISKU IMATAAN KIINA KHALDAN CESHA KIIN SAXNA GARAB ISTAAGA.KAN QALDAN U DUCEEYA IN ALLE IIMAANKA KU SUGO,SOMALIDU DHIBKA WAA KUWADA DHACAY,LAAKIIN UMADII CAQLIGA U SAAXIIBA OO AAN UURKA KA BUKIN WAY ISDABA QABTEEN ,DANTOODA GUUDNA MEEL AYAY UGA SOO WADEJEESTEEN,GACALINIMAA QALBIGA UUROON OO UURKU KU DHARGAYEE,DHIBKA IN AHAYSTA INAGAA ISKU KEENAY,AAN ALBAABADA XAASIDNIMADAA XIRNO,OO HALAYS CAFIYO,AAN DOOGSANEEE.HAL JOOJIYO WALAALYAL FIDNADA HAWADA LAS KU MARINAYO,TAAS AYA KHERYKU NOOGU JIRAA.

  15. Waayeel says:

    Cajiib,

    Walaal waad kumahadsantahay talada wanaagsan. Waxay ila tahay qofkii saaxibul caqli ahna qaadashay u leedahay, jaahilna awal buusan talo u baahnayn.

    Masiibooyinka Reerkan Sade haystaa waxaa kamid ah cidii markii horaba cadaalad darada horseeday, balse aan hubo cid kasta oo cadaalad daro iyo fidno umadda u horseeda in ay adduun iyo aakhiraba dhibkeeda dhadhamin doonaan. Beelaha Sade qaarkood, baas abuurnimo iyo fitna ka talis ma ahee kuma arkaysid wax yar oo horumar ah iyagoo bulshada u qabanaya. Waxaaba la oran karaa jifooyinka beesha Sade qaarkood waa destructive approach waxayse u qabaan ficilada foosha xun ee ay ku kacayaan ilbaxnimo iyo Jifo heblo wax u dhima.

    Waxaad fiirisaa wararka xaiiqda ku fadhiya ee ay shabakaddaan qiimaha badan ee Allgedo baryahaan noo soo gudbineysay oo ay ka mid yihiin: “Reer Siyaad Xusseen oo kursigoodii dib loogu xukumay iyo Beesha Reer siyaad Xuseen oo Magaalada Caabudwaaq ka dhigtay Banaan Bax Balaaran oo ay ku Taagererayaan Go’aankii Maxkamada Sare ee Dalka ay ugu Xukuntay Xubintoodii ay ku lahayeen Baarlamaanka Soomaaliya oo dhamaantood run ah.”

    Waan jecelnahay inay Reer Siyaad Xuseen iyo Jifooyin badan oon Xildhibaanimo helin ay helaan kuraas waana mudanyihiin, laakiin xaqiiqdii waxaaba kasii wanaagsaneyd in ayada oo aanan intaan oo dhan la’isla gaarin ay beesha dhexdeeda is xurmeyso oo aana beelna beel kale dulmin.

    Waxaan kula talinayaa beelaha hororka noqday ee mar kasta isku dayaya in ay beel kale dulmaan ama xuquuqdeeda dhacaan in ay ka joogaan fidnada ay wadaan, waayo Rabbi raali kama ahan dulan iyo fidno cidii wada, waxaana xaqiiq ah in qof walba same iyo xume hadba waxuu shaqeysto uu heli doono.

    Tan kale, waxaa loo baahan yahay dadku in ay ogaadaan in ay taariikhdu qormeyso oo qof waliba uu noqon doono mid bulshada dhexdeeda baal madoow ka gala ama baal dahab ah ka gala.

    Xaq baad u leedihiin shaqsiyaadka caadeystay in aad dadka ehelkiin ah dhibaateysaanow in aad haddana boggaan fakarkiina oo xor ah kusoo gudbisataan, balse waa inaad ka fakartaan waxa aad meetan kusoo qortaan saamaynta xun iyo tan wanaagsan ee ay ku yeelan karto bulshada Sade iyo gaar ahaan Reer Gedo!!

    Gebo-gebadii, waxaan jeclaan lahaa in uu qof walba sheego magaciisa oo run ah iyo meesha uu fariinta kasoo diraayo, waayo isqarintu waa calaamad fuleynimo. Runta markaan idiin sheego aniga waxa aan qariyay waa magaceyga oo kaliya, sababta aan u qariyayna waa ayada oo aan arkay in ay dadka oo dhan magacooda qarinayaan markii ay fariin halkaan ku reebayaan.

    Aniga waxaan joogaa oo aan deganahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, haddii uu qof walba isa soo sheegana waxaan balan qaadayaa in aan idiin soo gudbin doono magaceyga oo saddexan, address-keyga iyo waliba Teleefankeyga.

    Ilaahey halaga baqo oo qoraalada aan habooneyn ee qabiilka wata ayada oo magaca la badalanayo hala iska dhaafo, haddii kale walee xisaab waa jirtaa!!!

    Nabad iyo warsan!!

  16. jilbis says:

    Asc, halkan waxaan ugu hambalyenayaa ugaska da’da yar ee mutacimka ah Cabdirisaq Cali Mirre sida howl karnimada iyo hufnaanta leh ee uu ummadiisa ugu shaqenayo, waxaa loo baahanyahay in la taageero dhalinta aqoonyahanada ah ee wax ka tari Kara marxalada aduunka uu hada marayo iyo horumarinta shacabkooda. Ugaaska wadaniyad iyo allah ka cabsi Baan ku aqaan ee beeshisa iyo somaliweyn waa in lataageero dadaalkiisa, asagana howsha Allah weyne ha u fududeeyo sakiin,

  17. RAYIGAYGA says:

    abdiyare
    ASC, WAXAAN DHAMAN SALAMAYAA BAHWAYNTA SADE DAROOD. SALAAN DABATEED HORTA WAXAA AYAAN DARO AH IN BEESHA MAREEXAAN MAANTA HAL KURSI ISKU QABSATO AMA COLAAD INTAA LA ‘EG DHEX MARTO . WIXII KHILAAF EE DHEX MARANA WADA HADAL IN LAGU DHAMEEYO AYAA WANAAGSAN , LKN WAR GACANTAYADA IDINMA QABATO HAL BATALIYAN MA HELI KARTAAN WAR RAG KU HESHIIYO AMA GOBANIMO AH MAHA . RAG WAA IS QABSAN KARAA , QOONI WAA DHEX MARI KARTAA , WAA LA IS DILI KARAA LKN WAXAA WANAAGSAN INAAN GOBANIMADA IYO WADA DHALASHADA LAGA TAGIN .

    HORTA WAA IGA SU’AALE BEESHA DAROOD (61) KURAAS EE BARLAMAANKA XAQ MA U LEE NAHAY (14) ? MARKAA INTAA IS WAYDISAAN AYAAD FAHMI KARTAA DULMIGA LAGUGU HAYO.

    WALAAL MASKAXDA FURA , INTA AYDAAN IDINKU IS EEGIN HORTA SHISHEEYAHAAGA EEG .

    NABADEEEY