Goob-jooge ku sugan tuulada Janay Cabdalle (Birta Dheer) oo arrimo amaankiisa la xariira awgeed aan magaciisa u qarinay oo maanta shabakadda AOL qad Teleefan ugu waramay ayaa sheegay in meesha uu xasuuqa ka dhacay ay tahay tuulada Janay Cabdalle (Birta Dheer).
Goob-joogahaan ayaa waxuu sheegay in tirada dhimashada ay tahay 9 qof, dadka dhaawaca ahna ay yihiin 4 qof oo uu laba dhaawacoodu halis yahay.
Halkaan ka dhageyso codka goob-joogaha oo ka waramaya sida uu xasuuqa u dhacay
Dhanka kale, warar aan la hubin oo maanta nasoo gaaray ayaa sheegaya in goobta uu ka dhacay xasuuqa ay tageen saraakiil badan oo ka tirsan beesha Sade oo uu ku jiro Col. Cabaas Ibraahin Gurey, kuwaas oo baaritaan ku haya sababta keentay in uu askariga Kenyaatiga ah dad shacab ah oo intaas la’eg uu hal goob ku xasuuqo iyo waliba in uu jiro qorshe intaas ka balaaran oo keentay in dadkaas shacabka ah la laayo iyo inkale.
Sidoo kale, waxaa jira warar kale oo sheegaya in askarigii Keenyaatiga ahaa ee xasuuqaas waxashnimada leh geystay gacanta lagu dhigay oo uu hadda xiran yahay.
Waxii akhbaar ah ee arrintaan kusoo kordha kala soco wararkeena danbe ee AOL.

Intaad Curaddadii hore dishood Ciidda hoos marisay.
Oo aad Caabuqii aay qabeen Ciiro ugu laaysay.
Haddaad Caawo kuwii Geela jiray Gaalo ku Cadaabtay.
Mareexaanku Caraduu qabaan kuu Cabbirayaaye.
Rabbiyoo ku Ceynshiyo Sadoo ku Cafsho Mooyaane.
Axmed Caafimaad uma fadhidid Carrada Dhoobleeye.
Iyagoo Cargaagtami berraay Ceelka kuu imane.
Caruurtoodi aad laaysay bay soo Ceshanayaane.
Iska Celi haddaad Cudud lahayd orodku waa Ceebe.
Cagaha fuushayaa iyo ninyahow Ciidan dalabtaabe.
Addoon Ciirsataa iyo mayee gaal u Cabataaba.
Walle Ciilka aay Sade qabaan kuma Caweeysaane.
Haddii aadan Camuud Geel na siin Caallir baa jiriye.
Cawlyahan inaan deris nahaad gelin Calooshaaye.
Cabdilliyo Subeer waxa dul yaal Calan su’aaleede!
Iyaguba Cabdiyo way dhaleen Caamo iyo sheekhe.
Mana laga Cabsoonine tolnimaa lagu Ciseeyaaye.
Caqligii hadduu dhigay halkaa Cidi ma eedaane.
Allaha u naxariisto,dadka shacabka ee la xasuuqay,Ninkanse buraaburaya,ee la baxay A.a .xade,hadaad dadnimo,soomaalinimo,Islaanimo,kugu jirto gaalo madan so horkacdeen,soomaalina kumaadan haliisheen,ee garasho xuma ku haysa.