Kaddib markii uu mid ka mid ah ciidanka Kenya ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose September 23, 2012 ku laayay dad shacab Soomaaliyeed oo reer baadiye ah ayaa waxaa arrintaas ka damqaday danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, kaasoo warqad ashtako ah u qoray wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya, kaddibna sida uu sheegay si fool-ka-fool ah u qaabilay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameerika.
Safiirka oo ay maanta wareysatay laanta Af-soomaaliga ee codka Mareykanka (VOA), ayaa waxaa kale oo uu sheegay in arrimaha uu Kenya kala halay ay ka mid ahaayeen: In aanay dib danbe u dhicin fal noocaan oo kale ah oo lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed, in dadkii la laayay mag dhow laga bixiyo iyo in kuwa dhaawaca ah lasoo qaado oo dalka Kenya lagu daaweeyo.
Halkaan ka dhageyso wareysiga danjire Cali America oo faah-faahsan
—————
Hoos ka eeg qoraaladii hore ee ka hadlayay xasuuqii ay ciidanka Kenya ugu geysteen tuulada Janay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose shacab Soomaaliyeed oo reer baadiye ah:
Baaq ku socda madaxda dowladda Soomaaliya iyo cidii kale ee ay quseyso
Warar dheeri ah oo kasoo baxaya xasuuqii ka dhacay Janay Cabdalle iyo goob jooge arrintaas ka hadlay (Dhageyso)
Kenya defence forces (KDF) killed 9 civilians and seriously wounded 4 in the Janay Abdalle area of Afmadow district

mana qancinayso raali galinta kenya kali waxaa an rabnaa cadaalad iyo in danbiilihii dadka xasuuqay maxkamad lasoo taago