Qaar ka mid ah Saraakiishii hore ee Ciidamada Qalabka Sida ee soomaaliyeed kuna sugan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadleen Falkii dilka ahaa ee Doraad lagula kacay dad Xoolo dhaqato ah oo deganaa degaanka Janaay Cabdale oo ka tirsan Gobolka J/Hoose, iyadoo falkaasi dilka ahna oo ay geysteen Ciidamada Kenya ayaa waxaa ku geeriyoodey ilaa 6 ruux, halka ilaa tiro 3 kalena ay si xun ugu dhaawacmeen.
Col. C/Laahi Faarax Afdheere (Dalagan) oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada XDS ee ku sugan Baardheere oo la hadlayey warbaahinta ayaa Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolada Gedo iyo J/hoose waxaa uu ku eedeeyey Falal dilal ah iyo duqeymo dhinaca cirka ah oo dad Xoolo dhaqato ah lagu laayey tan iyo intii Ciidamada Kenya ay ka bilaabeen dhaqdhaqaayada ciidan Koonfurta soomaaliya, isagoona tilmaamay in Kenya si arxan daro ah in ay u gumaadeyso dadka shacabka ah ee ku nool Goboladaasi.
“Ciidamada Kenya waxii hadda ka dambeeya falalka dilalka ah ee ay ku dilayaan dadka shacabka ah ma noqon doonto kuwa aan indhaha ka qarsano doono, waxaana ugu baaqeyna Kenya in si deg deg ah ay mag dhow uga bixiso dadkii kala duwanaa ee ay horey ugu dishey Deegaanada Ceelcade, Faafaxdhuun, Baardheere iyo weliba midkan ugu dambeeyey ee ka dhacay Birta dheere.
Wararka laga helayo Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in lixdaan ruux ee la dilay ay ahaayeen xoolo dhaqato ku sugnayd ceel ku yaalay degaanka lagu magacaabo Janaay Cabdalla ama birta dheer halkasoo ay u joogeen arrin ku saabsan sidii loo hagaajin lahaa ceelka isla mar ahaantaana ay xoolahooda uga waraabsan lahaayeen.
Si kastaba ha ahaatee maalinimadii doraad ayay ahayd markii illaa lix ruux lagu dilay degaanka Janaay Cabdalla ama Birta dheer, halkaasoo mudooyinkaan dambe fariisin u ah ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida ah ee la socda.
———-
Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Gedo.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.