Inta badan Xildhibaanada Dowlada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Muqdisho waxaa ay kaga hadleen xasuuqii dhawaan ciidamada Kenya ay ka gaysteen deegaanka Janaay Cabdale ee gobolka Jubada hoose.
Xildhibaanadaani ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi wuxuushnimada ah oo ay kenyaatigu ku kaceen markii si ula kac ah u laayeen shacabka aan wax danbiya ka galin kuwaasoo ay ku laayeen Janaay Cabdale.
Warbaahinta waxaa la hadlay labada xildhibaan ee kala ah Nuur Faarax Jaamac iyo C/rashiid Xiidig kuwaasoo ay wakiisheen xildhibaanada ka soo jeeda Jubooyinka si ay faahfaahin uga bixiyaan wixii dhacay iyo waxa ay ka leeyihiin.
Xildhibaan Nuur faarax ayaa sheegay in dhacadaasi ay taabatay dhamaan soomaalida gaar ahaan iyaga islamarkaana ay ahayd mid xanuun badan ku rebtay,waxaana uu xusay inay cambareynayaan talaabadaasi ay ku dhaqaaqeen ciidamada Dowlada kenya.
Xildhibaan Nuur wuxuu intaasi ku daray in falka kenyaatigu ku kaceen uu ahaa xasuuq ula kac ah oo dadka shacabka ah lagula kacay waxaana uu ku ceceliyay inay canbareynayaan. Dowlada Kenya ayuu xildhibaanku u jeediyay inay cadaalada hor keento askartii danbigaasi gashay,sidoo kalana maxkamad madax banaa la saaro.
“Waxaan soo jeedineynaa in maxkamad madax banaan la soo saaro kuwii danbigaasi galay islamarkaana ay ahaato dacwad la wada ogyahay halka ay ku dhamaato”ayuu yiri Xildhibaanka Waxaa kale uu soo jeediyay Xildhibaanka in kenya raali gelin rasmi ah ka bixiso wixii dhacay,ayna mas’uuliyada qaataan islamarkaana aaney dib danbe u soo laaban falkaani oo kale.
Sidoo kale Xildhibaan C/rashiid Xidig ayaa isna sidaas oo kale cambareeyay sheegayna inay gudi u diri doonaan jubooyinka si ay u soo baaraan wixii dhacay ama inta ay gaarsiisan tahay tacadiyada kenyaantigu ku kaceeen.
Dhanka kale wuxuu ugu baaqay C/rashiid Xidig Hay’adaha gargaarka inay caawiyaan dadka badan ee ka barakacaya dagaalada ka socda gobolada ay ka soo jeedaan ee Jubooyinka kuwaasoo ay haysato dhibaato bini’aadanimo,sidoo kalana hay’aduhu gargaar degdeg ah gaarsiiyaan dadkaasi.
Xildhibaan Xidig waxaa kale uu sheegay in meelaha tacadiyada ay ka gaysteen Kenyaatiga aaney aheyn janaay Cabdale kaliya, balse ay badan yihiin deegaanada ay hore dhibaatooyinkaani oo kale ka dhaceen waxuu ka xusay deegaanada kala ah: Janaay Cabdale, Birta dheer, Kulbiyow, Hoosingow iyo Faafaxdhuun oo Gedo ka tirsan.
———–
Sakariya Musa, Muqdisho/Somalia.


Xilibaanada sharaftta leh maxey udhihi waayeen dalka hanoo baxdo ama cabsi ayaa heysa waxey ka cabsadeen in lagu daro liis alshabaab hadii ay kenya ku yiraahdaan naga baxa
Sagaal nin oo walaalo ah sideenaa Siddeed isku bah tahay sidiinaa Ninkuna bah gaar yahay sidaydaa Siddeeduna ninkii siri sidiina Ninkuna sirtii garan sidaydaa Haddaynu isa siri siddeenaba Mayska kala tagnaa sideedaba