![]()
Sida aad la wada socotaan waxaa maanta magaalada Muqdisho iyo saxaafada Soomaalida lagu faafiyay war been abuur ah, warkaa oo lagu sheegay in madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in uu Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu noqdo Dr. Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Warkaan ayaa waxaa magaalada soo galiyay soona abaabulay 3 qof oo ay laba rag yihiin midina ay dumar tahay.
Haddaba maxuu ahaa ujeedka saddexdaas qof ee faafiyay warkaas been abuurka ah?
Ujeedka ayaa waxuu ahaa in ay isku dhacaan Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dr. Maxamed C/llaahi Farmaajo iyada oo la doonayay in lagu eedeeyo Dr. Farmaajo in uu Amaanka dalka qalqal galiyay maadaama ay Magaalada ka dhacday Rasaas aad u fara badan oo ay ridayeen Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya, waxaana la doonayay in lagu soo dhex dhuunto oo lagu dilo qaar ka mid ah dadka dibad baxayaasha ah ee isugu soo baxay farxada iyo taageerada magacaabista Dr. Farmaajo, Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuudna uu u arko Dr. Farmaajo nin qaswade ah sidaana uu ku waayo Xilka Ra’iisal wasaarenimo ee loo badaniyo in loo soo magacaabo maalmaha fooda inagu soo haya Dr. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Nasiib wanaag, uma dhicin qorshahan sidii ay ugu talagaleen shaqsiyaadka fidne-wade-yaasha ah oo dadkii dibad baxayaasha ahaa qof ka mid ah dhibaato kama aysan soo gaarin isu soo baxan, waxaana halkaas ku fashilmay hamigoodii ahaa in qaar ka mid ah dibad baxayaasha la laayo si eeda dusha looga saaro Dr. Farmaajo.
Maxuu ka yiri dhacdadaan Dr. Farmaajo?
Dr. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu maqlay warkan magaalada leeysla dhex marayo iyo rasaasta ay ridayaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed waxaa uu isugu yeeray idaacadaha ka hoowl gala magaalada Muqdisho waxaa uuna si cad u sheegay in uusan jirin warkan leeysla dhexmarayo, waxaa uuna ka codsaday shacabka iyo Ciidamada in ay ka war dhoowraan Madaxweynaha, isla markaana waxa kale oo uu ka codsaday dadka isu soo baxay inay guryahooda ku laabtaan isdejiyaana waxii jirana ay soo bixi doonaan, dhanka Ciidamada ayaa Dr. Farmaajo iyagana waxa uu sidoo kale ka codsaday inay joojiyaan Rasaasta ay ridayaan isla markaana Askarta ay ku laabtaan xeryahooda iyo aagagi ay difaaca uga jireen.
Isku soo wada duuboo, waxaad moodaa weli in qas iyo foowdo ay ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho shaqsiyaad ka tirsan dowladdii uu dhawaan waqtigeeda dhamaaday oo markii ay dareemeen in Dr. Farmaajo loo magacaabayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in ay marnaba ku yeelan doonin wax Jaanis ah dowladda uu soo dhisayo ayaa waxaa ay door bideen inay sameeyaan wax walba oo ay uga hortagi karaan in aan Dr. Farmaajo loo magacaabin Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya taa oo ay maantana ku fashilmeen.
—————
Qoraalkaan waxaa AOL usoo gudbiyay Nur A. Ugas, nurugas@gmail.com.

Waxan filaya waxi shala dhacayday in aytahay fursad kuwa qaswada ayaal ah aykaga fa,idaysanayan rabintan shacabka
Farmaajo waa nin u qalma xilka raisul wasaaraha. Laakiin waxaan ku dhihi lahaa websideyada taageera ku galsoonaada farmaajo, saan waad ku ceebeenaysaan dhowr bari ka hor ayaa webside yaada beesha qaarkood bilaabeen farmaajo ayaa la magacaabaaya.
Walaalayaal isku kalsooni ayaa loo baahan yahay dad badan ayaa xilkan rabo hadal badana kama maqleesaan. Qofka waa la taageerii karaa madaxwaynaha waa loogu talin karaa laakiin saan si ma aha.
ma aqbali doono nin aa farmajo aheyn qabiilkena maaha balse waa wadani dhab ah xaasid ka soomali dhan ayaa wada diidan walahy madaxweynaha waan sugeynaa in uu cid kale no keeno illah baan ku dharinee ninkan wax qabadka leh inoo keyn madaxweyneMudane madaxweyne. Cisi.iyo sharaf. Baad.ku.tiimid.shacabakaga.weey.ildaran.yihiin. Noqo.miid.u diirnaxaayo. Danaheena.good.yaqaano. Waxaan .dooneynaa. Farmaajo. Hanagal.tashaan.faroole. Cuduur.buu.qabaa.qabiil.buu wadaa.qabyaalad.madaayo.toolkiisi.baa.nacaay..plzzzz. Plzzzz. Notixgali.codsiga.shacaacbka.hadan .nahaye
Xuseen si wanaagsan baad u dhigtay waa hadii ay taladaada maqlayaan Farmaajo webside war uu qoray cidna wax uguma dhiibeyso ugumana diideyso qofku wixii uu rabbi u qoray wuu heleyaa cidna kama hor istaagi karto wax uu rabbi kuu qorina cidna kuma siin karto marka sidaa aamina oo caadifada iyo laab lakaca badan ha la iska dhaafo weliba ragga masuulka ka ah shabakadaha waa inay intaa iyo wax ka badan garan karaan oo ay si xirfad, waayo arignimo iyo aqoon ku dheehantahay oo weliba miisaaman ay wararka u soo tebin karaan hadii kale waxay la mid noqonayaan makhaayadihii fadhi ku dirirka ahaa.
haddi ay dawlada cusub rabto qoof dacad ah oo ay somali usimantahay masakinta iyo shacabka ushaqeeya cadaaladbadan oo aan qabil aqoon horumar leh waxaan kacoodsanaya madaxweynaha somaliya inu udoorto rasilwazaare dr farmaajo hadikale dawlado way fashilmi sabab dakoodhan ayaa aarkay waxqabadkisi 6dibilood ee u hayay talada.anigu farmaajo iskubeelmanihin laakin waxqabadkisa iyo dacadnimadisaan arkay.wixikaloodhan tuug ayay ahaayeen dantooda uun yaqan.mudane farmajo cafimaada iyo guul ayan kurajaynaya
Haddii u farmajo rabo raiisalwassaare waa in uu raalli galin siiyaa shacabka iyo dawladda puntland, waana in uu si deg deg ah ugu tagaa madaxweynaha awoodda badan ee puntland mr. Faroole, waana in uu ogaadaa farmaajo in aysan hawiye wax siin karin ee soomaliya maanta siyaasadeeda laga xukumo garowe. haddii uu taas yeeli waayo Garbahaarray ha isaga soo noqdo,