Home » News »

General Hore oo Ciidammada Somalia ka tirsanaan jirey oo ku soo biiray Musharrixiinta u taagan Xilka Raisul Wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Somalia.

Muqdisho, Somalia (AOL) – Wararka naga soo gaaraya magaaladda Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in uu kusoo biiray xubnaha u sharaxan Jagada Raisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Somalia sarkaal sare oo caan ku ahaa aadna ugu ammaana Ciidammada Qalabka Sida ee Somalia dhexdooda, kaasoo kasoo qabtay xilal waaweyn Ciidandka Xoogga Dalka Soomaliyed sida Madaxii hore ee Hogganka Maamulka Lacagata Ciidanka XDS.

General Dr.  Axmad Sheikh Maxamad Fiqi waa aqoon yahan ku takhasusay cilmiga Dhaqaalaha, wuxuuna shantii sano ee u dambaysey ilaa maantadan ka mid yahay madaxda ugu sareysa Ciidammada Gurmadka ah ee Geeska Afrika loo diyaarinayo looguna magac daray EASTERN AFRICA STAND BY FORCE  (EASF) oo ah hay’ad ay ku midaysan yihiin 13 Dawladood oo Geeska Africa ah, taas oo uu u matalayo Dawladda Somalia.

Dad badan oo ka faalooda siyaasadda Somaliya ayaa waxay qabaan in General Dr.  Axmad Sheikh Maxamad Fiqi uu noqon karo, haddii uu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud, u magacaabo xilka Raisul Wasaaranimada, shaqsiga ku habboon oo ka saari kara marxaladda adag ee uu Dalka manta marayo, buuxinna kara fulinta ballanqaadkii uu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud qaaday oo ahayd in uu siin doono mudnaanta 1aad, 2aad iyo 3aad arrimaha nabadgalliyada. General Axmad Sheikh Maxamad Fiqi waa sarkaal leh  leh aqoontii Militari iyo waaya aragnimadii Maamul Dawli ahba, taasna waxaa u sii dheer waaya aragnimada iyo xeeldheernimada uu u leeyahay siyaasadda Gobolka Geeska Africa ka aloosan muddoyinkaan dambe.

General Dr.  Axmad Sheikh Maxamad Fiqi  wuxuu waxbarashadisii hore ku soo qaatay Kulliyadda Ciidammada ee Taliyaniga ee Modena 1972dii, wuxuuna ku taqasusay Cilmiga Dhaqaalaha, wuxuuna ka soo jeedaa Gobolada Galgaduud.

Waxaan sugnaaba waa shaqsiga uu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud u igmado qabashada Xilka Raisul Wasaaranimada Dawladda Federaalka Somaalia oo musharrixiinta u tartamayaa ay sii kordhayaan  maalinba maalinta ka dambaysa.

———–
Hassan Ahmed, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

18 Jawaabood " General Hore oo Ciidammada Somalia ka tirsanaan jirey oo ku soo biiray Musharrixiinta u taagan Xilka Raisul Wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Somalia. "

  1. Waxan joga xamar waxa wax ka dhigta jamacada xamar waxan doneyna farmajo maya fiqi

  2. gumale says:

    ACK DHAMMAN MUDANE MADAXWEYNE WAXAA DHAHDAY MUDNAANTA 1ad NABAD 2. NABAD & NABAD. ANNGA RA’YIGEENA 1.
    FARMAAJO 2.FARMJO & 3.FARMAJO. WAANA NAGA TUSAALE & ARAGT.
    LAAKIN XULIDDA ADIGA AYAA ISKA LEH ILLAAH WAXAAN KA BARYAYNAA MID KHARYR & ABSHIR U AH DALKA & DADKA.
    WABILLAHI TOWFIIQ

  3. Adam Elmi says:

    ASC, Hadaan fikerkeyga ka dhiibto General Dr. Axmad Sheikh Maxamad Fiqi waxaan u soo jedinayaa marka hore in ciidankanka xds oo baaba’san wax ha ka qabto waana meesha maanta somaliya u baahan in wax weyn laga qabto. Tan kale ditoorka waxaan u sheegayaa allaha u naxariistee Maxamed siyaad Barre, Jeneraaladii Max. Farax Ceydiid iyo Cab/hi. yusuf oo wada ciidan ahaa ayaa umadda sommaliyeed weli dhegahooda ka yeeraa ee mar danbe nin ciidan soo ahaan jiray xilka maxweyne ama raiisul warare looma dhiiban karo waayo horay ayaa somali ugu soo jabeen. Marka Musharaxa waxaan leeyahay waa haduu dadkiisa iyo dalkiisa u naxayo ha ka qeybqaaqto soo dhisidda cxds oo burburay. wa billahi towfiiq

  4. sharmaake says:

    salaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu salaan ka dib anigu waxay ila tahay inuu ganaralka dib u soo nooleeyo ciidamadii xooga dalka soomaaliya uu muddo kamaqan hawada maadaama uu yahay sida muuqata nin darajo wanaagsan kagaaray ciidankii awooda badnaa kana soo qayb qaatay barisamaadkii waxaaba aad loogu baahan yahay maadaama uu dhaqaalaha bartay ciidankiina hadda wax mushaar siiya ay laýihiin waxa la soo helo bal in ciidamada mushaarkooda iyo dawadooda iyo cunadooda uu gacanta ugu dhigo oo ay ka baxaan ciidankii soomaaliyyeed waxba mahaystaan iyo ciidankii hubkoodii bay gateen ama rasaastii bay gateen aan la oran marka ganaraal fiqi ciidankaagaa kuu baahane gacan qabo wauu ilaahay kubarayna ku deeq wcw

  5. ahmed jama says:

    Doonista waa in la tixgeliyaa oo farmaajo noqdaa raysal-wasaare Dalka soomaaliya
    sugulle, hargeysa, somaliland

  6. Nuradiin says:

    Raggu iskuma dhigmaan markii runta la sheegayo.
    Dr. Axmed Shekh Moxamed fiqi waxuu ka dhisanyahay
    dhinac kasta :- Siyaasadda Dibadda, Siyaasadda gudaha,
    Dhinaca statejiyada Milatari, dhinaca nabadgalyada raadinteeda,
    waayo aragnimada uu u leeyahay siyaasiintii hore iyo kuwa
    maantay soo taagan oo xildoonka ah.
    Maantadaan laftigeeda xilka uu u hayo Geeska Afrik ayaaba
    aanan yareen masuuliyaddeeda.
    Adinkuba kala doorta haddii aaynaan wax kale u danlaheyn.

  7. mohammed ali says:

    s/calykum
    Dr iyo General mr fiqi. Hadii uu baabasanyahay hogaanka dalka maxaa udiiday inuu raysalwaare noqdo. Mawaxaad doonaysaa qof dhiman in raysalwasaare noqdo. Wuu ku haboonyahay mr fiqi booska raysalwasaaraha, loomabaahna nin jilicsan iyo nin qolka kale jeebka kuwadato.

  8. ASC anigu waxaan oran lahaa maantay ayay soo maaliya heshay wada
    dii dhibaatada ay uga bixi lahayd Insha’allaah Axmed sheekh hadii Ra’izul-wasaare laga dhigo waayo waa ninka kaliya ee inta haatan taagan wadanka lagu aaminikaro khibraddeedana leh:
    talo
    Mudane madaxwayne waxaan kugula talin lahaa axmed sheekh oo kale qof nasiib leh baa la shaqeeya.

  9. Ciise says:

    salaan kabid war Axmed sheekh haduu yahay madaxii maamulka lacagta
    ee wasaaraddii gaashaandhiga waa nin adag waxaan ku aqaanay daacad
    nimo musuq-maasuq la’aan waliba dhanka diinta ayuu waqtigaas ujanjeeray.
    waxaan markhaati uhaystaa oo waliba dhamaan X.D intooda nool lawaydiinkaraa inuu soomaali daacad ah ahaa waa nin qiimo badan

    waxaan joogaa buco soomaaliland

  10. Xassan Nuur says:

    Qofka noqonaayo ra’iisul wasaare xilligaan iska soo magacaaw ma ahan hadii aan laga helin qodobo badan oo shaqsigaasi looga baahanyahay ama la doonaayo inuu ahaado, waayo xilligaan laguma jiro waqtigii KMG ahaa waxaana la rabaa in qofkaasi uu ahaado qodobadaan soo socda.

    1- In uu yahay nin aqoon leh.

    2- In uu yahay nin ay ka go’antahay in Soomaaliya uu wax ka qabto.

    3- In uu yahay nin shacabka ay wada taageersanyihiin.

    4- In uu yahay nin aan dadka Soomaaliyeed kala jecleesan.

    5- In aanu qabiil ku shaqeen ee uu qaran ku shaqeeyo.

    6- In dib u dhis uu ku sameen karo dalka.

    7- In uu dalka ka saari doono waxyaaba lagu sheego burcad badeed iyo Argagaxiso.

    8- Nin dib u heeshiisiinta ka shaqeen kara iyo waxyaabo kale oo aad u muhiim ah.

    Haddaba Dr. Axmed intaas oo dhan waa qaban karaa.

  11. dr.dalta says:

    Illama ahan ino yahay nin ku haboon jagadan wayo wa ciidan shaqadisa mamul rayid waxbo kama qabnkaro marka mr fiqi rali ahow sxb farmajo halodayo wdmahansntihin dhmantin

  12. Ali Yare says:

    Aniga waxaan ahay reer Puntland, waxaan rabnaa in la magacabo Abdi Wali Gaas, waayo xaq ayuu u yeeshay dawladda hadda loo kala ordayana waxaa soo agaasimay oo halkaan soo gaarsiiyey, shacabka reer puntlana waxay ku biiyeen dawladaan juhdi iyo dadaal badan, maxaa dhacyo haddii loo magacaabi waayo, waa iska caddahay indawladdaan ay daciifi doonto oo shacabka puntana ya san waqi dambe ku lumin doonin in dib hadana loo yagleelo dawlad kale, waxaana halkaas hog dheer ku dhici doonto rajada laga qabo soomaliya.

  13. ragumasina says:

    salaan kadib ragumasina waa nin hore mas’uul u ahaa oo hadda mas’uul
    sare ka ah africa aqoon sare na leh waxaa cad axmed sheekh inuu leeyahay khidrad 42 sano ah iyo waliba asagoo kasoojeeda guri siyaasadeed aabihiis sheekh maxamed wuxuu kamid ahaa baalamaankii ugu horeeyey ee SOOMAALIYA raggii lugu aas-aasay marka nin halooga haro meesha PLUE-BAND lagadimaayee waasiyaasad nin walba
    wixii uu kusoo koray haka shaqeeyo.

  14. xog ururin says:

    salaan kabid xog ururin laga sameeyay gobolada soomaaliya waxaa aad loosoo dhaweeyay dr.fiqi sida SOMALILAND, PUTLAND iyo MUQDISHO
    dhammaan raali ayayka noqdeen caalamka marka lafiirsho waa nin xiriix fiican laleh sida EU, ICG,AU,iyo dawladaha deriska
    farmaajo xiriir iska dhaafe colaad fogaatay ayaa meelaha qaar looga hayaa sida PUNTLAND, SOMLAND EU,ICG AU,dawladaha deriskua qaar baa xabsi uqoray qaarna waa kuwii xooga xamar kaga saaray
    go’aankii wuxuu noqday FIQI hala magacaabo farmajo-na xaafadiisii uu kashaqayn jiray yuusan ka daahin ee ha lafasaxo

  15. suleeqa says:

    Asc. Waxaa oren laha madaxweynaha beesha darood waybadanyihiin. Marka xilka waxa xaq uleh ogadeen ama dhulbahante iyo kuwa kale aan eheen majeerteen iyo mareexan. Waayo hore ayee usoo qabteen xilka. Illah ha laga cabsado xaqa ha leyska ilaaliyo

  16. salaan kadib
    mareexaanow jagada R/wasaaraha waxaa leh daarood hadaad rabtaan inaad heshaan nin daarood ah keensada.
    farmaanjo daarood uma aqoonsanin wuxuu noogaystay waad lasocotaan
    waa naloo adeegsaday nin fiican keensada waliba hada waa hesheen
    ee Dr:fiqi keena waa naqaan asaga iyo aabihiisba

  17. cadde says:

    Waa hubaal haddii aay isbiirsadaan raggan ..
    in Dalku uu badbaadayo. gude iyo dibadba.
    !- Madaxweyne Xassan Shekh Moxamud
    2-Gudd. Baarlamanka Mudane Jawaari iyo
    3-R.Wasaare Axmed Shekh Moxamed Fiqi

    Waxaa kaliya oo loo baahanyahay in Soomaalidu
    gacan ku siiso affarta sano oo soo socota kaliya,
    Waa inta la isku duba dhacayo oo billowga ah.

  18. waxaan hubaa inn uuyahay xasn shiikh nin wax kabadalikara marxalada somaliya waxaana dhihi lahaa halataageero generalka