Moqdisho, 26, Sep, 2012……Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xarunta QM ee magaalada New York kulamo kula qaatatay madax kala duwan oo ka qayb galaysa kulanka sanad laha ah Xooghayaha Guud ee QM Ban-ki-Moon, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, Ra’iiusl wasaaraha Australiya Julia Gillard, iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Turkiga Ahmet Davutoglu.
Ugu horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamadii uu la qaatay madaxda kala duwan uga warbixiyey xaalada dalka Soomaaliya ee dhanka siyaasada iyo Amniga isagoona u sheegay madaxdaas in Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhanka siyaasada ah kadib markii 20 Augst la dhaariyey Baarlamaan cusub sidoo kale 10 Sept. si dimuquraadiyadi ku jirto loo soo doortay Madaxweyne Xassen Sheekh Maxamuud.
Ra’iisul wasaaraha ayaa xalay kulan laqaatay qaybaha kala duwan ee UN waxaan shirkaas goob joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee QM Ban-ki-Moon iyo Mahiga, waxaana looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa dowlada Soomaaliya iyo QM, iyadoo dib u eegisna lagu samayn doono qaabkii loo wada shaqayn jiray xiligii uu dalku ku jiray KMG madaama ay Soomaaliya maanta lee dahay dowlada Rasmi ah.
Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa maanta inuu ka qayb galo kulan gaar ah oo diirada lagau saarayo arimaha Soomaaliya waxaana kulankaas shir gudoominaya Xooghayaha Guud ee QM iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaana kulankaas looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka dib-u-dhiska iyo Amniga, Ra’iisul wasaaraha ayaa bari kulan laqaadan doona madaxweynaha South Africa Jocab Sumu, wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doonaa shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
————–
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia.













Fadlan akhyaarta Allgedo waxaad mar walba sheegataan inaad wararka iyo faalooyinka aad editing ku sameysaan, arintaasna waxay ku beenoweysaa warkaan hada meesha ku qoron iyo ninka idiin soo gudbiyey oo idinka dhigtay dad aan waxba la socon oo aan wax kala garaneyn maxaa yeelay Idaacado caalami ah baa dunida oo idil ka jira Madaxweyne Obama cid madax ah oo uu la kulmay ama la kulmayo midna ma jirto jadwalkiisana uguma jirto mida kale Gaas muxuu u sheegayaa Obama? madax ka miisaan culus oo ka waaweyn oo 120 dawladood ka socota ayuuba Obama diiday inuu la kulmo waa arrin lagu qoslo mise obama iyo ninkii cusbaa ee Itoobiya miyaa iskaga kiin khaldamay? marka wararka iska hubiya fadlan wax qiimigiina iyo garaadkiina wax u dhimiya ama hoos u dhigaya meesha ka ilaaliya taas oo sumcad xumo idiinkaga imaan karto, ninkaan warkaan idiin soo dhiibayna wuxuu ummada tusayaa inaad tihiin dad aan aqoon iyo xirfad badan lahayn oo dhega iyo indha xiran oo wuxuu doono uu u dhiibi karo marka yuusan magaciisa wax weyn idinla noqon afhayeen baan warkaan ka soo xiganay ee warar aad hubtaan soo geliya meesha idinkoo qofna uga heebeysan war kasta ku sameeya editing oo iska hubiya meeshii iyo cidii doontaba ha idiin soo gaarsiisee. mahadsanidin.
—————
From: Allgedo Online
Akhriste, ku mahadsanid fariintaada talada iyo toosinta isugu jira. Wax baa ka jira warka aad sheegeysa, qoraalka aan AOL galineyna editing baan ku sameynay oo waxii aan xaqiiqda ku fadhiyin waan ka saarnay, adigana waad mahadsan tahay mar labaad.