Home » News »

Siyaasiyiin, Aqoonyahanno iyo Odoyaal kasoo Jeeda Gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo Cambaareeyay Falkii ay Dowladda Kenya ku Laysay Dadka Rayidka ah

Aqoonyahanno, Siyaasiyiin iyo odoyaal kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii askari katirsan ciidamada Kenya uu dad rayid ah ugu geeystay nawaaxiga deegaanka Birta dheer ee gobolka Jubada Hoose.

Dadkan oo ku kala nool gobollada Jubooyinka, Gedo iyo Kenya ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay dowladda Kenya ku xasuuqday dadka rayidka ah, iyagoona ku eedeeyay dowladda Kenya in ay fulineyso danaha dad gaar ah.

“Waxaan si cad u cambaareyneynaa dowladda Kenya iyo ciidamadeeda oo si ula kac ah had iyo jeer u leysa dadka shacabka ah ee dega dhulka miyiga marka ay iska horyimaadaan ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa Dowldda Soomaaliya oo dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab,” sida waxa yiri Col Mukhtaar Aadan Ciise.

Masuulkani ayaa hadalkiisa ku daray “Dadka lagu laayay deegaanka Birta Dheer si bareer ah ayaa loo dilay iyadoo weliba heybta ay yihiin darteed loo xasuuqay, waxaana u marqaati ah hadalkii uu afhayeenka ciidamada Kenya Emanuel Chirchir ka sheegay warbaahinta ee ahaa in uu yiri “Beesha sade waa Al-shabaab”.

Eng. Warfaa oo isna kamid ah waxgaradka gobolka Gedo ayaa si kulul u cambaareeyay xasuuqii ka dhacay deegaanka birta dheer ee lagu laayay dadka rayidka ah, wuxuuna ugu baaqay dowladda Kenya in ay magdhow ka bixiso dilalkaasi.

Maalin kahor ayay ahayd markii askar katirsan ciidamada Kenya ay toogasho ku dileen sagaal qof halka ay sidoo kale dhaawacyo soo gaareen ilaa afar qof kuwaasoo ahaa dad xoolalay ah, waxaana dowladda Kenya ay sheegtay in askariga dilkaasi geystay ay gacanta ku dhigtay haatanna uu xiranyahay.

Afhayeenka Militariga Kenya Emanuel Chirchir ayaa dhawaan warbaahinta ka sheegay in qabaa’ilaadka kale ee dega Jubooyinka ay soo dhaweeyeen ciidamada Kenya balse beesha Sade ay tahay beesha keliya ee la safan Al-shabaab, arintaasoo ay aad ula yaabeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta u dhashay beesha Sade.

Ma ahan oo keliya gobollada Jubooyinka halka ay ciidamada Kenya xasuuqa ka geysteen haseyeeshee waxaa jirtay in hada kahor ay dad ku xasuuqeen deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo halkaasoo ay ku laayeen dad rayid ah oo kusugnaa deegaankaasi.

———–
Xasan Nuur, Nairobi/Kenya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Siyaasiyiin, Aqoonyahanno iyo Odoyaal kasoo Jeeda Gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo Cambaareeyay Falkii ay Dowladda Kenya ku Laysay Dadka Rayidka ah "

  1. sharaf says:

    asc kadib way mahadsan yihin wax garadku wayse lasoo daahen baaqa how ever yaa u joojinaya wali xasuuqa waa sii socon dad baana ku dhaartay fursada maanta kenya siisay inay ka faa iidaystaan (yaa u sheega nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin) kenya sow masoo bixi doonto qaxootaa idin hudhan insha allah …… Yaana la dhayalsan ilaa ???? waa silsilad maleegane ???? xasuuqa mareexaan waa kummidaysan yehee oo makala haraa

  2. dalmar says:

    aad iyo aad ban uga xumahay beeowaaao ah oo oodwadaag ah in la isku hubeeye waakhalad cad qolada raaskam boniyiinta wa inay cadaalada ilaaiyan dulmina anay ku kicin hadi manta ay galo dabada sareen ,qolada gedo waxan leeyahay idinka laftiinu cadaalada illaaliya waxaa hada laso magcaabaya raisal wasaare waxa meelkasta la taagan tihiin wa inuu mareexan noqdaa nidaamkan 4.5 o sida qalafsan usocda yaanu dadka halaagin ninkasta osomaliya ba xaq ue jagadaan ad ku dhegantihiin waxan kutainlahaa beelaha so noqday oodhan inay baneeyan fursada haday cadaaladi jirto beelobadan o an weli qaban baajira xaqna ule wa in la is ix tiraama ogaada hadad markasta kusalasan qabiil mareexan iyo majeerteeen inay markasta wax ku doonan qabil iyo dano guracan wa ayaan daro ubanayee bulshada somaaliyeed ee an dhibaatoyinka gelin aqoonyahankuna ka buuxo wax na soo kordhin kara idinkuna waxad soqabateena o wanaagsan aman teeda leedihin wixii xuna dhaiisheeda leedihii boos qof qabanayo in umaddhan ay kudadaasho inay iyaga noqdan waaga qurux badan yahay haasugo cidu kadhigo madax waynuhu markuu kala xusho lakin iska daaya anaga reer hebel hebel ah ba xaq ule inaa tiraahdan somalodhan baa ule xaq wanadana qaata waxaan urajaynayaa wax garadka iyo cuqaasha mareexaan guul iyo gobanimo iyo farxad iyo tubta toosan in alle waa fajiyo markasta viiiiiiiiiiiiiiiiiiiiva odaydhaqameed keena wax ku qaybiya si cadaalada odhan wan u ducaynaynaaaaaaaaaaaaaaaaaaaviiva somaliya