Home » News »

Xildhibaan Eedayn ujeediyey Madaxda Cusub ee dawladda

“Waxaa maalmahan kasoo cusboonaday magaalada Mudisho dilal qorshaysan iyo weeraro loo isticmaalo Gantaalaha Garbaha laga rido, kuwoodii uu danbeeyeyna waxaa lagu wax yeeleyey dad shacbi ah”, sidaas waxaa yiri Xildhibaan Maxamed Abdulle Faarax (Geesey) oo maanta oo Arbaco ah saxaafada kula hadlay magaalada Muqdsho.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyey dawladda cusub inaysan wax-talaabo ah ka qaadin dhinaca nabadgelyada maalmihii ay jirtay ayna Mashquul ku tahay qaabilaada wufuuda, beesha caalamka iyo sidoo kale la tashiyo ay la samaynayso beelaha soomaliyeed kuna sabsan Magacaabista xilka Raiisul-wasaraha. Balse waxaan ku dhaliilayaa inaysan la kulmin ciidamada Amaanka, iyo hawlwadeenada shaqadoodu tahay sugida amniga.

Xildhibaanka ayaa amaanay dawladii hore inaysan maalin iyo habeen ka fariisan hawlaha nabadgelyada,  taasina waxay muujinaysaa sida ay diyaarka ugu ahayd wax-kaqbashada dhinaca amaanka.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu xasuustaa inuu xitaa habeenkii dheelmad ku mari jiray degaanada qaarkood si loo adkeyo Arimaha amaanka, madaxda cusubna waxaa laga doonayaa inay ku daydaan kuwii ka horeeyey, ayna meesha ka saaraan inay isku daawadan Muraayada guusha ay heleen.

Xildhibaan Geesey oo ahaa xildhibaanadii kujeelka ahaa madaxweyne Shariif ayaa hadalkiisa waxaa laga dheehan karaa mucaaradnimo bilow ah, taasina waxay u muuqataa mid aan weli la gaarin in la’is mucaarado  ama la’is taageero, waqtiga xilka madaxda cusub oo ku dhow 10 cisho madhama mid wax lagu qaban karo, madaxweyne Xasan Shekh wuxuu khudbadii caleemasarkiisa ku sheegay inuu waxa ugu horeeya ee uu xooga saari doono ay noqoto amaanka wax ka qabashadiisa.

Waxaa dadka Soomaliyeed laga codsanayaa mid xil haya iyo mid aan xil hynba in guntiga dhiisha la’isaga dhigo sidii nabada looga shaqayn lahaa dalkuna u noqon lahaa mid xasiloon, oo cid kastaahi iskusoo hiran karto, dhanka kalena waxaan ka codsanaynaa waxgaradka iyo siyaasiintaba inay joojiyaan mucaaradka aan waqtigiisii la gaarin.

———–
Suldaan Ali Abdulaahi Hassan, Sweden/Västerås.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Xildhibaan Eedayn ujeediyey Madaxda Cusub ee dawladda "

  1. xildhibaanku horta shaqadiisa ma yaqaanaa? yawaabtu waa maya, waayoo hadii uu aqoon lahaa fikirkiisa meesha ay shaqadiisu tahay ayuu ka jeedin lahaa, waana barlamaanka.