Madaxweynaha Soomaaliya oo furay shirka gaarka ah ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa khudbadiisa.
“Waxaana hada rabnaa inaan dhisno Soomaaliya cusub si wixii soo khaldamay loo saxo dalkana loogu hogaamiyo hab ku dhisan cadaalad waxaan go’aansanay inaan dhisno Jamhuuriyadii sadexaad. Waxaan hortiina ka xaqiijinayaa in maamulkayga cusub sanadaha soo scoda uu noqon doono mid ay ka muuqato isbadal la taaban karo, Waxaaan amaan iyo bogaadin u soo jeedinayaa beesha caalamka oo aan marnba ka niyad jabin inay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed oo mudo dhibaato ku soo jiray, waxaana dhawaan soo magacaabayaa Ra’iisul wasaare hogaamin doono dowlad faderal ah oo soo noolaysa kaabayashii dhaqaalaha, kala danbayntii iyo dib u soo celinta cadaaladda, waxaana maanta Soomaaliya ka jira isbadal dhaba ah sidaas daraadeed aduunkuna waa inuu badalo fikirkii ay ka haysteen Soomaaliya.”
Sidoo Xooghaya Guud ee QM Ban-ki-Moon ayaa shegay in hirgalintii Raod map-ka ee ay ka dhalatay in Soomaaliya maanta leedahay Baarlaamaan Federal ah si dimuquraadiyad ahna loo soo dooratay madaxweyanaha Soomaaliya Prof. Xassan Sheekh Maxamuud, Ban-ki-moon ayaa sheegay in Processkii Road map-ka oo dalka ka saaray KMG inuu ah mid ay u dhamayd dhamaan qayabaha kala duwan ee Soomaalida, si looga dhabeeyo isbadalka siyaasadeed ee maanta kajira Soomaaliya waxaan qaban qaabinaynaa in bisha October la qaban doono shir ay isugu imaanaya hogaanka Soomaliya, UN, iyo AU kaas oo dib u eegis lagu samayn doono qaabkii ay u wada shaqayn jireen UN iyo Somaliya.
Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shirka soo xiray ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay wadaadii horumarka kadib markii lagu guulaystay in dalka laga saaro KMG, Soomaaliya maanta waxay leedahay dowlad Rasmi waxaana caalamka looga fadhiyaa in uu dowladda cusub ee Soomaaliya ka taageeraan sidii loo hor marin lahaa arimaha bulshada, nabad galyada iyo dhaqaalaha.
———-
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia.









comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.