Home » News »

Xoogagga huwanta ah oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen magaalada Kismaayo.

War hadda naga soo gaaray gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Huwanta ay duulaan culus saaka kusoo qaadeen dhanka magaalada Kismaayo iyaga oo dhanka xeebta kasoo galay deegaanadaasi waxaana ay saarnaayeen maraakiibta dagaalka sida ay inoo sheegeen dad ku sugan halkaasi.

Mar qura ayaa la arkay ciidamo Milatari o Kenya iyo dowladda Soomaaliya isugu jira kuwaas oo kasoo baxay dhanka badda islamarkaana ka dagaalamaaya gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose.

Col. Cyrus Oguna oo ah afhayeenka ciidamada Kenya ayaa durbaba sheegay in ay ciidamada AMISOM oo garabsanaya kuwa dalka Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Kismaayo.

Afhayeenka ayaa waxuu intaa ku daray in xoogagga huwanta ah ee magaalada Kismaayo qabsaday aanay la kulmin iska caabin sidaas u weyn, balse uu jiro dagaal muddo yar socday oo ay Al-shabaab kula galeen dhanka daafaha xiga badda iyo garoonka diyaaradaha.

Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo waxa ka jira sheegashada Af-hayeenka ciidamada Kenya oo ah in ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Kismaayo.

————
Maxamed Rooble, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

9 Jawaabood " Xoogagga huwanta ah oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen magaalada Kismaayo. "

  1. muslim says:

    Allahu akbar maashaa allah, guul ciidamada xooga dalka iyo kuwa aan walaalaha nahay

  2. Abuufatima says:

    Afqurmuune maadigaa qabsaday waad qarwaysaaye
    Qaansiirka soo duulayow beenbad qubaysaaye
    Adiga iyo qaniisyada kufriyey libin ma qaadaane
    Quwad Ilaahay lajiro yaa ku qoor jarine
    Qabaan dawlad aad leedihiyo qoladan aafawday
    Qubuurbaw diyaariyo inaan qoorta goynaaye
    Qaanfuurka qaanfuurku dhalay waa qarwahayaaye
    Qoofal iyo intaan heeg suroo qabiro dhaadkiisa
    Raguu qalay doraad baan kajari qaanku laasimane
    Asaga iyo qoladaa ridadu maynan qaban meele
    Beentuu ku qawliyo warwaa qaafil hadalkiise
    Qoob kooda maydhigi karaan qurunka soo duulay
    Kismaanyana maqabankaro nijaas ina qandhicileeya

  3. sharaf says:

    asc waa yaab maxay kenyana soo doontay ayada iyo inta riyaaqaysa war baa u yaala, kismaanyo baalaayoo dhan qabsatee malagu xasili, dhul ninkii lahaa uun buu u danbayn qosolka caqliyarna waa qosol gariir walee mareexaan haduu soo rogmada ruux ma caabudo, waji biryaashii way idin nasanayaane, ilmo caqliyaroow balaad rarate xaabadiina,looma ooyaankii kenya cudud kuma dhaami dontee kablalax kabahiina lalaabta,,,,,,,,,,,,,,,kismanyo dadbaa alle siiyee balad ninkii miyi kulaa ku amar taagleeyee , qiyaanana mataal qaxootina la qori maayee waa inoo qori waa kuwii kula haanjireee ,sorry aqristayaal caro ima haysee cadiifad baa i qaaday iyo dabaqoodhi u caqli celintii waad salamantihiin

  4. scw walaal waxaan la hadlayaa Sharaf Abuu-Fatima walaal waan ka xumahay in aad dabka ummadda isku shiddaan waxaad la socotaan in dhoor iyo labaatan sanoo in ay xabaddo iyo colaad taagneed midda kale magaalada wax hadda heystay alshabaab waa hadii laga qabsado ee mid hadda reer laga qabsaday ma ahan waxaan rabaa in aan kku xasuusiyo barre hiiraale kismaayo wuxuu gacanta ku hayay 7 sano muxuu inoo qabtay waxa la hubaa in dhalinyrada lago laayay, marka walaal dagaal waxba laguma keeni karo ee waxa ka wanaagsan in umadda ay ku hisheeyaan maamul wada jir u dhistaan dadkana loo naxariisto hormarkana ka wada shaqeenno hadaan sidaa la yeelin mustaqbalkeena waxa u dambeeya halaaga , aan isku bogaadino hadalka wanaagsan waad mahadsantihiin

  5. gundid says:

    Abu Fatumo waxaa laga soo xiray oo hawada laga saarau webkii isku dirka iyo fitnada ee Somalimidnimo, meelahaas ayeey ka nac-nacleeyn jirtay ayadoo u gabyi jirtay Al-shayaadhiin…Kismaayo dadkeedii baa qabsaday oo aha Ahli Suna, kampony ayagaana dhiig iyo maalba u huray ee nin baydhabo, xamar iyo mudug ka yimid dhaxli mahayaan juboyinka anagoo nool….haduu maamul lagu heshiisanyahay laga hirgaliyo juba wexeey tacsi u tahay Xamar…

  6. yab says:

    sharaf, dadkii dhulka lahaa ayaa dagaal dhinac kaga jira. Waa waqtiii ay Al-shabaaba tagi lahay. Maya sug, Al-Shabaab danbe la maqlimaayo. Adan Madobe waxa uu sheegay in wadooyinkii oo dhan laga xiray. Marka xagee aadayaan? Ma duulayaan? Alla shalay iyo maanta kala duwanaa!

  7. mohammed ali says:

    salaama calykum dhamaantiin, war yaa warkamaqlay ninkan cusub ee meesha yimid, madaxwayne kusheega ah muxuu ugahadliwaayey arintan jubooyinka, mise waa madaxwayne beeleed?

  8. Warcad says:

    Wadsalaman tihiin aqristayasha sharafta leh.waxan codsanaya dadka afsomaliga yaqaana ama qori kara wan garanay lakin dadka an aqoonin afsomaliga hadana inay ku kaftamaan waxan leeyahay bal isku daya in ad qortan wax la,aqrin karo.tan labaad shellay ninkii ay Voa ay wareysatay oo ka hadlayay kismanyo wuxu sheegay in ay jiran beello an udhalan kismanyo oo xoog ku haysto oo an marnaba digaal an deyn neyn.ninkas oo la socdo ciidanka kenya asaga oo wata ciidama hubeysan oo u abaabulan ciidama beeled. waa su,alle maxa ka imaan kara haddii ay kismanyo galaan. Tasi wixi ka yimada waxa laga xisaabtami doona kenya iyo dowladda somali sababto ah ayaga ka ma,uul ah waxayna ku socdan ogolansha hooda.

  9. fatima says:

    a.c.w. marka hore alle kabaqa .marka xigana xisaabtama oo is xisaabiya inta aan laydin xisaabin. dhinackasta ha noqoto aduun iyo aakhiraba
    tankale dhinac walba waxaa ku dhimanaya waa wiil soo maaliyeed oo