Afhayeenka ciidamada AMISON Col. Cali Aden Xumad ayaa xaqiijiyay in ay ciidamadooda gudaha u galeen magaalada Kismaayo, isla markaana ay dhaqsiyo gacanta ugu dhigi doonaan guud ahaan magaalada amaankeedana ay adkeyn doonaan.
Mar wax laga weydiiyay afhayeenka in ay magaalada Kismaayo laga duqeeyo maraakiib iyo waliba diyaarado ayaa waxuu sheegay in aanay ciidamadooda laheyn Maraakiib, balse ay leeyihiin oo kaliya ciidan ku socda dhulka oo ay isgarabsanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Hoos ka daawo qaabka ay ciidamada Kenya dhanka xeebta Kismaayo uga soo galeen:

cali adan maraakiibta xeebta looga soo daatay iyo diyaaradaha sanadada duqaynta ku hayay ma dadkalaa lahaa, been qawan laguma hadlo qaalo raac kaar kujiraa tahee kablalax iyo kenya waa markii loo yaabilahaa dhalanteed dhab ha modina lagama guulaystayaashii mar uunbay soo miirkacayaane, ilaa aad dhalateenbaa la idin raran jiree mudo yar baashaala , sidii ubad la dheeldheelinayo, guul aan hore loo lahay hada xasili mayso, haday kenta tiri qaxotiga ha baxa ma waxaad ku tuugsateen inay kismaayo idin qabato, walee dhul iyo xaaqin xaaqin baa dhamaada adinka iyo kenyo xaaqin baa tihiin ninkii u dhashayna waa dhul, waa inoo dhiilo colaaded, af ninkale leeyahay laguma qoslo,,,,,,,,,,,,,,,,,,
To. Allgedo.com.
Salaan kadib waxaan tixgelinayaa digniinta allgedo.com ay usoo qortay akhristayaasha. Idinka oo mahadsan waxaan ku qancay digniinta, iyo codsiga aad noosoo jeediseen. Qoraalka aan ugu jawaabayay ninka “sharaf”wata waad ka saari kartaan. Akhristayaashana waxaan waydiistay cafis.
Waad mahadsan tihiin.
———-
From Allgedo Online
Akhriste, aad baan kaaga mahad celineynaa sida fiican ee aad Digniinta aan soo jeedinay u tix-gelisay, qoraalkii aad horay u gelisay golahaan ee aad tiri “KA BIXIYANA” waan ka bixinay.
Waxaan rajeyneynaa in ay akhriste-yaasha yada kale ee qiimaha badan sidaada oo kale yeeli doonaan.
Waad mahadsan tahay.
To Allgado:
Run ahaantii, waxaan dareemay inuu foolxumo iyo jaahilnimo ahaa qoraalkii aan meesha soo dhigay. Inkasta oon kaftan ula jeeday, markaan dib u akhriyay waxaan dareemay in hadalkaas oo kale uu cilad dhalin karo oo ay fiicantahay in laga fogaado wax walba oo walaalaha soomaaliyeed sii kala fogayn kara. Waxaana si fiican ii deeqay oo ii baraarujiyay qoraalkii aad soo qorteen, kaas oo isugu jiray, digniin, codsi iyo caqli celin intaba. Qofkuna waa inuu khaladkiisa garta, marka laga garyeesho. Aniga oo naftayda ka bilaabaya waxaan yaqiinsaday inay khalad ahayd wixii aan soo qoray. Markale ayaan idin leeyahay mahadsanidin.
Asc