Home » News »

Mileeshiyadii Al-Shabaab oo Kismaayo isaga baxay iyo bililiqo ka socota goobihii ay ka baxeen

Kismaayo, Somalia (AOL) – Habeynimadii xalay ayay Mileeshiyadii Al-shabaab baneeyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen gudaha magaalada Kismaayo ayada oo sababta ay sidaas u yeeleena ay Al-shabaab ku macneeyeen in ay tahay xeelad dagaal.

Habeyn hore ayay aheyd markii ay ciidamada Kenya oo wata doomo yar-yar ay magaalada Kismaayo kasoo galeen dhinaca xeebta, taasoo keentay dib u gurashada Mileeshiyada Al-shabaab ay magaalada dibadda uga baxeen.

Kaddib markii ay Al-shabaab gebi ahaanba isaga baxeen gudaha Kismaayo ayaa waxaa dhacday in xarumihii ay baneeyeen ay dad shacab ah ku yaaceen ayaga oo isla markaana bililiqeystay waxii halkaas yiilay, ayada oo ay isla markaana idaacadii ay Al-shabaabku lahaayeen ee Andalus ay hawada ka baxday.

Cali Maxamed Raage oo ku hadlay afka Al-shabaab ayaa waxuu yiri “Kismayo waxaan uga baxnay xeelad dagaal, waxaana dib ugu soo laabaneynaa maalmo kooban gudahood, cadowga duulaanka nagu soo qaadayna waxaan si adag kula dagaalami doonaa gudaha magaalada Kismaayo.”

Magaalada Kismaayo ayaa hadda ah mid haawaneysa oo aanay cidina ka talin, Mileeshiyadii Al-shabaabna war looma hayo halka ay qabteen.

————–
Maxamuud Mire, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Mileeshiyadii Al-Shabaab oo Kismaayo isaga baxay iyo bililiqo ka socota goobihii ay ka baxeen "

  1. Abuufatima says:

    Biliqadu waa taad rabteen una bareerteene
    Waatii kufrigu idin baroo balanki wee yaane
    Baaboco halkuu gaal dhigaba way basbeeshaaye
    Boob iyo dhac waa waxay kugu barbaarsheene
    Waw baratamayseen inaad boobku maashaane
    Barti iyo isbaaradi ayaad wada balayseene
    Bay bal kay kufrigu soo wadaan waw bogayseene
    Bulsho nabada bayd aaminiyo beelo wada yaala
    Kufrigaa burburiyiyo midkaad noogu baaqdeene
    Boob iyo qabiil iyo dhac waa kaad bilowdeene
    Maantana bartiibaad rabtaan kana bilowdeene
    Boogtiyo xanuunkii dhaqmaad baalka faydeene
    Sidaad bahiyo ehel tihiin kufaar waad u boydeene
    Halaagiyo bawaarkii ayaad wada balayseene
    Baranwayde khayrkiyo wuxuu diinku kuu bilaye
    Bisad calaq laduushaad sideed wax ula boodeene
    Bay balkiyo xasuuqiyo kufsiga waw bareerteene
    Borokastinkiisaad tihiin ood babinayseene
    Siduu yahay bahdiin ehelahaad gaalka badiseene
    Oo aad bilayseen kufriga baaradiisiiye
    Boob iyo dhacbaa dhacay markaad hadal bilaabayso
    Bishaaradiyo aawaye wiaxaad abid ku baaqaysay
    Bartay kuu xoreeyeen miyaad boohin yuuruurtay
    Beesadiyo lacagtii miyaa badi laguu diiday
    Barwaaqadiyo khayrkay wadeen meeyey badankeedu
    Waataad ku baaqdeen inaan bi,inay diintiiye
    Saw bay balkii kuuma iman booyi ogidaaye
    Barta xuubka caarada kurtood gaal bad bilayseene
    Oo waad ku biirteen kufrigi balagta dheeraaye
    Badar awgibaad nagu dudheen beena sheegteene
    Bililiqadi aad wada sugteen diiday barigaane
    Nagu biira baabkii Alaa nolol bidhaanteedle