
Meelaha sida gaarka ah loo duqeyeeyey ayaa waxaa ka mid ah Guryo ku yaaley Garoonkii hore ee Ciyaaraha iyo Agagaarka Xaruntii Hore ee ADC iyo Iskuulka Markabley, iyadoo masjidka ku yaala Iskuulkaasina duqeyntii ka dhacdey uu ku geeriyoodey Mid ka mid ah dadkii Salaada ku tukanayey Masjidkaasi, iyadoona Masjidkana uu soo gaarey Bur bur xoogan.

Sidoo kale guryo u dhowaa Agagaarka Garoonka Ciyaaraha iyo ADC ayaa waxaa ku dhacay gantaalo waxaana halkaasi ku dhaawacmay ilaa 4 caruur ah oo isku qoys ah, islamarkaana uu dhaley Odoy lagu magacaabo Cali Hire Cabdi Maxamed, iyadoo sidoo kalena Duqeyn kale oo ka dhacdey inta u dhaxeysa ADC iyo Xaafada Bullo kaskey ayey waxyeelo ka soo gaartey ilaa 5 ruux oo 3 ka mid ah ay yihiin Caruur.
Xaalada Caafimaad ee caruurta iyo dad kale ee ku dhaawacmey Duqeymahaasi ah ayaa iminka waxaa lagu daweynyaa rugo Caafimaad oo ku yaala gudaha Magaalada Baardheere ,iyadoo dhaawacyada soo gaaray ahna ay ugu daran yihiin firirka Gantaalada diyaarada oo maskaxda iyo qeyba kale ee jirka ah ka galey qaar ka mid ah dhaawacyada.
—————
Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Gedo.


waad salamantihiin dhamaantiin.
kusota tafaftirayaasha allgedo.
1.waad kumahadsantihiin wararka aad nalasocodsiisaan.
2. waxaan jeclaanlahaa inaad kasaartaan qaybta fikirka akhristayaasha aflagaadooyinka iwm, inleen aflagaado waa xikmad la’aan.
aad iyo aad ayaan uga xumahay waxa gaaray dadkaa muslimka ah.
hada diyaaradahaan masaajida iyo masaakiinta duqaynaya dadka horkacaya, ma,muslinbaa mise waa gaalo? markii aan waydiiyo qof reer Gedo ah sababta uu alshabaabna uu u,diidan yahay ciidamada kenya iyo Ethiopiankana utaageerayo, waxay iigu jawaabaan alshabaab dad kale oo Gedo udhalan ayey soo magacaabaan. markii aan waydiiyo in diyaaradaha kenya dad masaakiin ah duqeeyeen, waxay dhihi ma,runbaad umalays alshabaab ayaa ku marmar siiyoonaya. waxay ilatahay in sawiradaas ay cadeeyeen cidii laduqeeyey iyo cidii lagu soo duulay labadaba.
Asc alle ha cafiiyo dhaman dadki ku waxyelobay duqaymaha intii dhimatyna wa shhuhadi inshaa allah walalka isku magacabay ana somal walal hadan nahay reer gedo ma kala jeclin kenya iyo itobiya dadka aad ka hadlysidna malaha waa dad caqli gab ah mana matalan gobala waaba haday jiran tankale gedo hada duqayn uguma horayso itobiya horay u duqaysay oo cunty curdankii gobalka anficilaha gobalkana ma aha meel gaalo lagu kala jecelyahay ee waa gundhiga ku dhaqanka sharecada islamka ee somaliya gobal laga soo dhaweyo oo looga huro naf iyo malba galada dhamantedna waa gododkeda cadabta aduunka gobal ka mid ah marka walal reer gedo ma aha dad itobiya jecel kenyana neceb ee waa dad gaalo dhan neceb ee walal ha u gafin hooyada jihadka somalia