Kooxda Qaylo dhaan oo looga bartay in ay ka qeyb qaataan wacyi galinta iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed ayaa hees ay hadda ka hor soo saareen waxay ku cabireen inuu dalka Soomaaliyeed yahay mid la iibinaayo, taasoo ay hal ku dhig heestooda uga dhigeen “Soomaaliya waa iib ama Somalia is for Sale!.”
Heestaan waxaan u dooranay in aan soo galino Allgedo anaga oo u aragnay in ay mudan tahay in ay shacabka Soomaaliyeed arkaan, in aanay wada dhiman wadaniyaddii Soomaaliyeed oo ay jiraan dad ka damqanaya dhibaatada soo gaareysa dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sidaas awgeedna aanay marnaba suurtagal aheyn in ay si been-been ah dhulka Soomaaliyeed ku biisadaan DABADHILIFIIN IYO DULAALIIN DUUBKA KA AH SOOMAALI, BALSE FALSAFADDA AY WATAAN AY TAHAY MID AY UGU ADEEGAYAAN DUUL KALE!.
Si aad u daawato una dhageysato macnaha weyn ee ay xambaarsan tahay heesta “Soomaaliya waa Iib”, fadlan guji Video-ga hoose:

Kooxda qaylo dhaan waan ku faraxsanahay hoosha ay u hayaan bulshada somaliyed waxan dhihi laha dadaalka aad wadidin kor usii qaad mahad sinidin