Home » News »

Xaflad loogu dabaal degayay doorashadii madaxeynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo xalay ka dhacday magaalada Phoenix ee gobolka Arizona (Sawiro)

Phoenix, Az (AOL) – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa waxay habeynimadii xalay magaala madaxda gobolka Arizona ee Phoenix ku qabteen xaflad aad u qurux badan oo lagu soo dhaweynayay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sh. Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari.)

Xafladdaan ayaa waxaa si wada jir ah usoo qaban-qaabiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Arizona, gaar ahaan culumaa’u diinka, siyaasiyiinta iyo indheer-garadka oo wajiyadooda laga dheehan karay farxad iyo rayn-rayn ay u qabeen dowladda cusub ee ka dhalatay dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

Munaasabadaas quruxda badan oo dhamaantood si isku mid ah ugu wada hambalyeynayay madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sh. Maxamuud iyo guddoomiyaha Baarlmaanka Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Dadkii munaasabadaas ka hadlay oo madaxweyne Dr. Xasan Sh. Maxamuud si toos ah aaladaha war baahinta fariin isugu jirtay hambalyo, duco iyo dardaaran ugu gudbiyay ayaa waxay yiraahdeen “Madaxweyne, marka hore Hambalyo, rabbina hakula garab galo xilka weyn ee aad dhabarka u ridatay. Hadaan nahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Arizona waxaan idinka rajeyneynaa in aad la imaan doontaan nidaam cusub oo cadaalad iyo sinaan ku dhisan, kasoo aas-aas u noqon kara nabad iyo horumar in ay Soomaaliya ku gaarto.”

Sidoo kale, jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Arizona ayaa waxay madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sh. Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari u balan qaadeen taageero kal iyo laab ah, ayada oo dadkii xafladdaas kasoo qeyb-galayna si niyad sami ah u taageereen dowladda cusub ee Soomaaliya ka dhalatay.

Xafladaas quruxda badan ayaa waxay kusoo gebo-gabowday jawi degan oo ay ka muuqatay walaaltinimo iyo jaceyl Qaranimo oo ay habeynkii xalay ahaa muujiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

———–
Aden A. Colujoog, Phx, Az.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.