Home » Archive Montly October, 2012

Dhalinyarada Gelinsoor oo shalay Deeq Lacageed Ka qeybisay Magaalada Dhabad (sawiro)

Oct 31, 2012
Dhabad, Somalia (AOL) – Waxaa deeqdaan loo qeyshay dad kor u dhaafaya boqol qof kuwaas oo iskugu jira caruur agoon ah iyo dad masaakiin ah oo magaalada ku nool, dadkii la gaarsiiyey deeqdaan ayaa soo dhaweeyey ayagoo sheegay in ay tahay deeqdii ugu horeeysay oo dad intaan la’eg ay u qeybshaan dad u dhashay deegaanka, waxayna intaas  ku dareen in ururka GUYO yahay ururkii ugu... 

Odoyaasha dhaqanka Gobolka Gedo oo soo Bandhigey Magacyada iyo goobaha ay dad rayid ah Ciidamada Kenya ku dileen deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo iyo J/hoose (Aqri Magacyada)

Oct 31, 2012
Baardheere, Somalia (AOL) – Waxaan halkani kusoo bandhigayaa dhacdooyinkii ugu dambeeyey iyo weliba Qaabka loo diley 34 ruux iyo dad dhaawac ah oo dhamaantooda ah dad rayid ah oo gaaraya ilaa 52 qof. Deegaanada Kenya ay duqeysay iyo kuwa sida gaarka ah dadka loogu diley 10kii Bilood ee u dambeeyey ayaa waxaan ka xusi karnaa Yaaqle, Ceelcade, Baardheere, Likooley, Tafey, Tarako, Qeyd shamal, Faafaxdhuun,... 

Dhaq dhaqaaqyo lagu magacaabayo Xukumada cusub oo socda iyo Wariyaasha oo loo yeeray

Oct 31, 2012
Wararka ka imaanaya xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in lagu wado in goordhow lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada. Waxaa soo dhamaaday latashiyadii ugu danbeeyay ee lagu magacaabayo Xukumada taas oo tirada laga dhigayo uu khilaaf ka taagnaa. Hase ahaatee warar ay AOL heshay ayaa sheegaya in Dr Saacid iyo madaxda kale ee dowlada ay ku heshiiyeen in wasiirada la magacaabo. Waxaa jira guux badan oo sheegaya... 

Al-Shabaab oo qof rayid ah ku dilay duleedka Baardheere

Oct 31, 2012
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in kooxda Shabaab ay halkaas ku dileen nin reer Miyi ah. Alla ha unaxariistee Maxamuud Ibraahim Nuur oo kamid ahaa xoola dhaqatada Baardheere ayay toogteen Shabaab. Inkastoo aan la ogayn sababta ay Marxuumkan Shabaab udileen hadana qaar kamid ah qaraabadiisa ayaa AOL usheegtay in Shabaab ay ninkan oo oday ah ku eedeyeen in... 

Sargaal katirsan ciidamada dowlada oo Beledweyne lagu dilay

Oct 31, 2012
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta lagu dilay sargaal katirsan dowlada Soomaaliya. Askari katirsan ciidamada dowlada ayaa toogasho ku dilay Sargaalkan oo lagu magacaabi jiray Muumin Maxamed Maxmuud Ildhigte. “Waxaa dilka Taliyaha ka danbeeyay askari katirsan ciidamada dowlada ee magaaladda beledweyne’ayuu sheegay Sargaal katirsan... 

19 Jir Soomaali ah oo Madaxa Looga toogtey Dalka South Afrika (Daawo Sawarida + Muuqaal)

Oct 31, 2012
Cape Town:- Koox Burcad South Afrikan ah ayaa Madaxa ka toogatay Cabdikariim Cadaawe Cali Geedow oo ah 19Sano Jir Soomaali ah xilli uu ka shaqaynayay Dukaan ku yaala Xaafad ka mid ah Magaalada Cape Town Ee Wadanka Koonfur Afrika. Dhibane C/Kariin Cadaawe Cali oo aan Kula kulmay Gudaha Xaafada ay soomaalida ka dagan tahay magaalada Cape Town ayaa waxa uu ka sheekeeyay dhibaata xoog badan oo uu kala... 

Al-Shabaab isa soo dhiibay oo lagu soo bandhigay Beledweyne

Oct 31, 2012
Magaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhalinyaro kasoo goosatay Shabaab. Dhalinyarada soo goosatay ayaa gaaraya ilaa 10, waxaana ay ka bar baradaalami jireen Shabaab-ka kusugan gobolkaas. Isagoo lahadlayay saxaafada ayaa Gudoomiya kuxigeenka gobalka Hiiraan Axmed Ismaan Cabdalla (Inji) ayaa sheegay in dhalinyarada isa soo dhiibtay ay yihiin 10. Waxaa uu hadalkiisa ku... 

Yaa yiri ISBADAL baa dhacay? Yaa yiri marxalad cusub baa la galay? Yaa yiri murankii Madaxda waa laga gudbay?

Oct 31, 2012
Yaa yiri ISBADAL baa dhacay? Yaa yiri marxalad cusub baa la galay? Yaa yiri murankii Madaxda waa laga gudbay Yaa yiri Profyadan ayaa wax tari kara? Yaa yiri khilaafkii baa dhammaaday? Yaa yiri is qabqabsigii baa idlaaday?  Yaa yiri is maandhaafkii baa haray? Yaa yiri waxaa la galay xilligii dib u dhiska dalka iyo dib u deginta dadka? Yaa yiri waxaa la gaaray bisayl siyaasadeed? Yaa yiri AL baa laga... 

Ciidamada dowlada oo qof rayid ah ku dilay xaduuda Kenya

Oct 30, 2012
Ciidamada dowlada Soomaaliya ee kusugan xaduuda udhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku toogtay qof rayid ah oo kamid ahaa dadka deegaanka gudaha kenya. Rag katirsan ciidamada dowlada ayaa ku amray ninkan inuu istaago hase ahaatee waxaa la sheegay inuu ka biyo diiday kadibna ay toogteen. Markaas ayay ciidamada dowlada ka tageen goobta, waxaana gaaray ciidamo katirsan dowlada Kenya oo meydka meesha ka... 

Nabadoon Axmed Diiriye oo ka digay in 9 Wasiir laga dhigo Xukumada Dr Saacid

Oct 30, 2012
Xili dhawaan lagu wado in Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya uu soo magacaabo Xukumadiisa ayaa hadana waxaa jira warar sheegaya in xubnaha golaha wasiirada laga dhigayo 9 xubnood oo kaliya. Isagoo lahadlayay saxaafada ayaa Nabadoon Axmed Diiriye Cali ahna Afayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye waxaa uu ugu baaqay  Dowlada cusub ee Soomaaliya in ay ka feejignaato qorshaha lagu yareynayo xukumada. Nabadoon...