Baarheere, Somalia (AOL) – Shirkani oo soconayey mudo 10 maalin ah, islamarkaana ay kasoo qeyb galeen Ergooyin ka kala socdey degmooyinka Gobolka Gedo, sida Odoyaasha Dhaqanka, waxgaradka iyo Culama’udiinka Beesha SADE ayaa waxaa looga hadlayey xaalada guud ee Gobolka Gedo, gaar ahaan muranka ka taagan arimaha dhaqanka Beesha SADE iyo dadkii Dowlada Kenya ay ku xasuuqdey Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.
Shirkani oo ay marti geliyeen Beesha Cismaan Maxamed ee Gobolka Gedo ayaa dood dheer iyo falan qeyn kadib waxaa ka soo baxay go’aanadan hoos ku qoran:
1- Hogaamiyahii dhaqanka Reer SADE markii uu geeriyoodey ma jirin wax fadhi ah oo ay isugu yimaadeen Hogaamiyayaasha dhaqanka ee Beesha SADE.
2- Hogaamiyayaasha dhaqanka Beelaha Reer SADE waxaa waajib ku ahayd in ay sameeyaan kulan loo dhan yahay oo looga wada hadlo hogaanka dhaqanka, kaasoo weli aanan dhicin.
3- Waxaan baaq u jeedinaynaa dhamaan wax garadka beesha SADE meel kasta oo ay joogaan in ay u diyaar garoowaan markii ay haboonaato doorashada ugaaska guud ee beesha SADE, iyadoo looga digaayo wax allaale waxii khilaaf keeni kara.
4- Anagoo ah hogaamiyayaasha dhaqanka iyo waxgaradka reer SADE ee soo saarey bayaankan waxaan si buuxda u cadeynaynaa in uusan jirin Ugaas ka dambeeyey Alle ha’u naxariistee Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo reer SADE ay doorteen.
5- Inta laga gaarayo doorashada hogaanka guud ee dhaqanka waxaa talada beesha ay ka go’daa hogaanada dhaqanka ee Jifooyinka beesha ama cid ay iyagu si wada jir ah u wakiisheen.
6- Hogaamiyayaasha dhaqanka reer SADE waxay ku baaqayaan in lagu dhaqmo Shareecada Islaamka, maadama dadku ay yihiin dad islaam ah.
7- Xubnaha ergooyinka shirka ayaa waxay si xun u cambaareeyeen dowlada Kenya oo labadii sano ee u dambeeyey falal ka baxsan Bini’aadinimada kula kacdey dad rayid ah oo ku kala sugan gobolada Jubooyinka, waxaana ugu baaqeynaa dowlada Kenya in ay mag dhow ka bixisio dadkii ay ku xusuuqdey goboladaasi, isla markaana si sharuud la’aan ah ay uga baxdo goboladaasi ay degaan beelaha reer SADE.
8- Xubnaha Ergooyinka Beesha SADE waxay ugu baaqayaan wadamada Islaamka ah in ay ka hadlaan, isla markaana waxii kala siman ay ka qabtaan shacabka ay xasuuqeyso dowlada Kenya, ayaga oo weerarada kasoo qaadaya dhulka,Cirka iyo badda, taasi oo reebi doonta cawaaqib xumo iyo colaad aanan dhamaanayn oo dhex mari doonta labada dal.
Baaqa odayaaha oo saxiixan hoos ka eeg:
Waxii su’aal ma faahfaahin dheeri ah oo la xariirta shiraan iyo baaqa kasoo baxay kala xariir:
Afhayeenka shirka: Nabadoon Aden Cali Muxumed
Tel. 252615243500
Baardheere, Gedo/Somalia.




Oday-yaashu waay ku mahadsanyihiin baaqoodu waanna ku taageersannahay, laakiin haku dereeno baaqoodu in aay Kenya u sheegaan, in aay si sharuud la’aan ah ku joojiso duqeynta joogtada ah ee xagga Cirka ah ee aay sida gaarka ah ugu waddo mudada sanadka ah, deegaanada aay gaarka u degto beesha Sade, kuwaas oo aan la garan karin ujeedada ka dambeeyso aayna dulsaaran tahay calaamad su’aashu. Mahadsanidiin.
Addoon naguma Duuleene hoy Duul kalaa hagiye.
Diyaarado intaay soo kacshaan nama Dul geene.
Dad kalaa farmuuqiye waqood nama Dagaaleene.
Deyn kama qabnoo waxan ahayn Duulal wada yaale.
Daad raacis baa jiroo Dad yahow mana Dareentaane.
Deris baa na Dilayee kufriga nama Duqeeyeene.
Afmadoow ma Daaraan iyo Daarta Salagleede.
Diif iyo waxay soo Dulmari Dooyadii Xagare.
Daableey wixii loogu Diray baa iga Degiwaaye!
Bu’aalay Dengiigaan dhamaan wiilashii Didaye.
Difaacoodu wuxuu Daadsan yahay taniyo Diinsoore.
Sarinleey ma Dahab baa ku jira waaba Dood furane?
@ A A X…abwaan baa tahay ileen…si fiican baad u asiibtay in kastoon kaa aragti duwanahay lakin sugaan ahaan macquul baa tahay….
walal wad mahad santahay gabay aad uqurux badan ayaa tirisay anigu waxn ku talin lahaa somaliya waxaa ku dhacay masiibo ayagu isku geysteen tariiqduna ayadaa isqorta qofkii is dhaha maanta ayad arsan kartaa ee darikiisa ama walaalkiis kutunta asagana barituu shaley ku damben doonaa somaliya waa ka atkan weyday last22 years ilahi dulmi ma ogala dhiiga ladaadinayo maalin walba waa la xisaabi doona yooman minan ayaam taa hala ogado waxan utacsi yenayaa dadkii lagu xasuuqay birtadheer malintii dhaweyd wana la soco naa in an adomey dilin dadkii dilay waa layaqan waxana adonta lagu yiri dhah askiri washay baa layey waa su aleh hal askari intaa oo qof siduu kaligis kudili karaa
ilaah maad ka baqdaan oo xishood yeelataan.
Dhaqan soomaaliyeed gaar ahaan daarood waxaa u gaar ah in Oday ugaaseedku dhaxal yahay, oo waxay aheyd in Ugaas Sade AUN intuusan dhiman diyaarsho oo kobciyo ku xigeen, oo mustaqbalka laga fekero. Dhaqankuna waa reerkiisii soke in loo daayaa oo lagu heshiiyaa lafaha Sade oo dhan.
Ugaas la dooranayo weligeed lama maqal ???? meesha ku jira.
Sida isu dhaama oo caqliga ha shaqeeyo.
• Allaylehe ??????, waan is moog nahaye
• shabaab nimankaan jarree, marisay miiga
• Alla magane ???? waxaa, magac usoo jiiday
• Mar labaadna guul keenay waa, raaskamboon e
• ??????????????????
• ??????????????????
• ??????????????????
• ??????????????????
• Kuwii maali jiray baa qabsaday, Sidigtii May’lay e
• ??????????????????
—————————-
From: Allgedo Online
Akhriste, horaan digniin uga bixinay in aanan soo deyn doonin fariimaha cayda iyo qabiilka wata. Fadlan hadaad gabyeyso, gabaygaaga ka ilaali CAY IYO QABIIL aad weerarto.
Bal dib u eeg ninka laga yaabo in aad gabaygiisa daba socoto in aad ku arato Qabiil iyo aflagaado toona. Fadlan hadaad gabyaa tahay gabaygaaga ka dhowr aflagaado iyo qabiil si toos ah loo weeraro oo si kale u gabay adiga oo sarbeebanaaya.
Asc.
Bacda salaan. Waxay aniga ilatahay, wixii qoys soomaaliyeed si gaar ag ugu dhaco inay soomaali oo dhan ku dhacday. Kenyatiga iyo Ethipiankuna falalka ay wadaan cudur daar looma heli, aan ka ahayn inay fahmeen inagu (soomaalida) ciilka iyo cadaawada aynu isu qabno. Sidaas ayaana dhaxashay inay dhacdo in shisheeye kugu ag dilo walaalkaa. Xataa wax kale iskadaaye, waxaa dhacaday in dad dhalasho ahaan soomaali u kala sokaysa ay isusoo kaxaystaan qoysas kale oo Soomaali ah. Sidaas darteed walaalayaal xumaanta dhacaysa iyo sharka socda aynu kusii jiro faa’iido inooma laha, xalna kuma gaari karo. Waana inaynu Alle ka tuugno inuu inaga samato bixiyo.
Hadaan usoo laabto magaaladan arrinteedu aadka usoo laab-laabatay anigaa leh, iyo anaa leh, iyo reer hebel baa daga, waxaa kaafin doonta insha Allah, marka la isku daro 3da gobol ee deriska ah. Markaas waxaa meesha ka bixi doonta islahaysiin walba oo ay qolo si gaar ah usheegato, ileen gobolkii ay ku taalay Kismaayo waxaa lagu daray gobolo kale e, dadkuna gobolkay doonaan iyo magaaladay doonaan bay ku nool karaan.
asc dhamaan waan salaamayaa odayaasha baaqan sooqoray
waana baaq aad uwacan oo kahadlayo dhinacyo badan waana muhiim inlasameeyo ugaas guud oo loodhanyahay mansabkaana manoqonkaro mid afduubah lagu haysan karo sidii kadhacday b/ledxaawo waxay ila tahay haatan inay ubaahantahay beesha sade midnimo, doowlada kenya waxaa kacodsaneynaa inay duqeynta ka joojiso goobaha ay ku nool yihiin shacabka
aragti gaaban salaan qaalia ree tolkeyoow wixii dhacay shaqo kuma lihin hadaan nahay beel weynta absame beesha sedan waa tolkaana waliba meelo badan daris iyo danba eey ka dhaxeeyso wali reeruhu wey dhaqan yahiin arladune umadu weey qaa daa ha leeysku yimaado hana la heshiiyo si walaal tinimo ah kan meesha kablax la ordaayana ameeysan beesha sade waliged axmaaro ii dhiibin ood adigu ii dhiibtay shaqo yeelo muslanka walaala AHne ha isku dirin scm
asalaamu calaykum waa idiin wada salaamay sallan kadib beesha sade waa beesha kaliya ee daarood ee dagaal kii sokeeye ka dib si nabad iyo soomaalinimo ku jirto ula nool beelaha kale ee soomaaliyeed ee koonfur degta sidaa darteed waxaan leeyahay hadaan u ogalahay beelaha kale ee soomaaliyeed inaan nabad kuwada noolaano iyo walaaltinimo ma filaayo inaan diidayo wada noolaansho daarood.marka bal fiiriya qoraalada ay soo qoraan dadka qaarkii oo ku hadla af daarood. sida allpuntland, all boocame iwm. daaroodnimadu ma dhalashaa mise waa shuucinimo?
ASc
Waa yaabe oo beesha Sade Hogaamiya guud malaha?? ok , go’aamada waa kuwa aad u fiican. Lakiin waxaa fiican in laga fakira siddii loo sameesan lahaa maamul gobaleed. Siyaada somaliya ee mustaqbalka waa sida ay ku socoto
( ka raali af somaliga haddii uu xun yahay)