Home » News »

Allgedo waxay u baahan tahay wariye khibrad fiican leh (Akhri shuruudaha)

Shabakadda AOL waxay u baahan tahay wariye khibrad fiican oo wariye-nimo leh. Shuruudaha looga baahan yahay wariyaha ka howl gali doona Allgedo ayaa ah kuwa soo socda:

1. In uu yahay wariye khibrad fiican leh.
2. In uu si fiican wax ugu qori karo una akhrin karo luuqadda Soomaaliga, haddii uu luuqad kale yaqaanana way kasii fiican tahay.
3. In uu yahay qof awoodi kara haddii loo baahdo in soo diyaarin karo  barnaamijyo maqal ama muuqaal ah.
4. Wariyaha waa in uu aqoon u leeyahay sida loogu shaqeeyo Word Press-ka, isla markaana uu haysto ama uu heli karo, kuna shaqeyn karo qalabka kala ah: Computers iyo Digital camera.
5. Wariyaha waa in uu yahay qof waqti ku filan haya, isla markaana awoodi kara in uu 7da maalmood ee asbuuca si joogta ah wararka usoo galin karo AOL.
6. Deegaanada aan wariyaha uga baahanahay waxay kala yihiin: Muqdisho iyo Nairobi (Kenya.)
7. Booskaan ka banaan AOL waxaa soo codsan kara qof kasta oo Soomaali Wiil ama Gabar ah oo ay aqoontiisa wariye-nimo fiican tahay.

Haddaba, haddii aad buuxin karto dhamaan shuruudaha sare oo dhan, fadlan CV-gaaga noogu soo dir email-ada kala ah: allgedo@allgedo.com ama webmaster@allgedo.com.

Maamulka Allgedo Online.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

7 Jawaabood " Allgedo waxay u baahan tahay wariye khibrad fiican leh (Akhri shuruudaha) "

  1. Adam says:

    Tani waxay cadeyneysaa in allgedo ay tahay website kahufan qabyalada iyo waxa kadhaxjira umada-somaliyeed oo aynatahay saxaafad wayn oo soomalikaste kadhaxaysa , waad ku mahasantihiin sida aad udhaqanten ee
    ah sinaanta saxaafadeed iyo in ay idinsimantahay umada somaliyeed wiil iyo Gabarba

    Adam soofe paris- france

  2. Tani waxay muujinaysaa in Allgedo ay tahay saxaafad Soomaaliyeed oo xor ah. Saxaafad ku shaqayso Muslimnimo iyo Soomaalinimo. waxaa iska cad in allgedo ay hormuud ka tahay websiteska Soomaalida ee maanta jiro, waayo weli ma arag website xayaysiinayo shaqo loo baahanyahay in uu qabto qofkasta oo soomaali ah oo khibrad iyo karti weriyanimo leh.

    Guulaysta Allgedo

  3. Cabdulqadir Muxsin says:

    soofe, waan kugu raacsanahay. Aniguba abid ma arag website ay Soomaalida maamusho oo boos shaqo oo ka banaan xayeysiinayo. Waxaa xaqiiqo ah inuu website-kani yahay mid siyaabo badan uga gedisan kuwa ay Soomaalida mamulaan. Waxaan leeyahay allgedo hambalyo, ku socda tubta aad haysaan rabina haidin garab galo.

  4. wallaalayaal waa ilaah mahadii maanta haday saxaafadihii soomaaliyeed ay leeyihiin yaa khibrad uleh boos ayaa naga banaan marka halkaa waxaa inooga cadaatay hadaa nahay umada soomaaliyeed ee khurbaha kunool taa waanu soo dhaweyneynaa mida kale allgedo.com waxaa kale oo noo cadaatay in ay u simanyihiin umada soomaaliyeed oo dhan ha ahaato wiil iyo gabarba taana waa horu mar ilaah haidiin fududeeya. waanu taageersanahay sida ay u soo gudbinaysa wararka soomaaliyeed
    wabilaahi towfiiq
    byeeeeeeeee mohammed i dahir Australia{brisbane}

  5. Faysal says:

    Waad mahadsantihiin maamulka allgedo waa loo bahanyahay in boorka si fiican looga jafo webka

  6. jamaal says:

    Allgedo waa mahadsan tihiin sida aad dadka ugu soo gudbiseen booska shaqo ee idinka banaan, laakiin naiib daro aniga oo ku nool magaalada Toronto ee dalka Canada wax xirfad ah oo aan ka aheyn qabiil iyo xoolo la raaco ma lihi.

    Dhanka kale, saaxiibayaalow waxaan idinkula talin lahaa in aad mar soo booqataan dhul aan ka imid oo u dhaxeeya deegaano lagu magacaabo BURAA IYO BAY CIIRO oo gobolka Gedo ku yaala. Alla maxaa meeshaas geel iyo ari ku nool. Dhulkaas ninkii taga mar wuu caafimaadayaa marna wuu jiranayaa. Mar wuu caafimaadayaa oo hilib iyo caano ayuu ka dhargayaa oo hawaduna waa fiican tahay, marna wuu jiranayaa oo qofka iyo neefka geela ah ayaa isku caqli noqonaya oo meesha xigmad kale ma taalo oo aan ka aheyn in xoolo la raaco.

    Ilaahow mar Toronto iga kaxee waan ku wareeray oo waxaan jeclaan lahaa in aan dhalinyarada ila eg aan maalin walba caayo oo aan la kaftamo ama aan saarka la dheelo.

    Raali iga ahaada allgedo noolashii baadiyaha oo aan kusoo weynaaday baan rabay in aan idinkaga sheekeeyo oo waa ila taraaraxdaye…

  7. GlobalMall says:

    Sorry that I comment this in English, I want to thank AOL owners for providing Somali journalists opportunity in a manner that’s fair and transparent in which Somali businessmen has never appropriated before. I encourage Somali society,Somali business people to do the same in order to produce a quality service for its customers.
    ———–
    From: Allgedo Online

    Dear valuable reader,
    Thank you for your wonderful email and encouragement.

    Allgedo Admin.