Home » News »

Dhabad oo loo magacaabay in ay noqoto Degma buuxda (Arag Dakereetada madaxweynaha iyo Dekumantiyo kale)

Dhabad oo horay u ahaan jirtay Tuulo hoos tagta Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxay hadda noqotay Degma buuxda kaddib markii ay dowladdii Shariif Sh. Axmed ee uu waqtigeedii dhamaaday ay Dhabad u aqoonsatay in ay buuxisay dhamaan shuruudihii looga baahnaa Degmo, sidaas awgeedna sida ku cad Dakareetada uu madaxweynaha saxiixay ee hoose, Dhabad waxaa in ay Degmo noqoto loo aqoonsaay July 26, 2012.

Hoos ka eeg Dakareetada uu saxixay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed, iyo soo jeedintii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdisamad Maxamuud Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Gen. Bashiir Maxamed Jaamac.

WAA TAN DAKAREETADA UU MADAXWEYNE SHARIIF SH. AXMED DHABAD IN AY    DEGMO NOQOTO UU UGU AQOONSADAY

HOOS KA EEG SOO JEEDINTII WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA QARANK OO AH IN DHABAD LOO AQOONSADO DEGMO.

HOOS KA EEG SOO JEEDINTII AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA QARANK OO AH IN DHABAD LOO AQOONSADO DEGMO.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

6 Jawaabood " Dhabad oo loo magacaabay in ay noqoto Degma buuxda (Arag Dakereetada madaxweynaha iyo Dekumantiyo kale) "

  1. Way uqalantaa sababto ah waa magalo weyn oo kutaalaa tishirate ah wax isko xidhaa ethoipay iyo smly wuu mahadsan yahay

  2. CABAAS says:

    waxaan filayaa in in badan oo reerka daga dhabad iyo kuwa ay hayb-wadaagaan ah ay ku farxayaan warqadan aan qiimaha laheyn ee uu shariif lasoo gamay kadibna la nacay uu soo qoray
    wax qiima ah ma lahan qoraalkiisa uu qoray xili uusii dhacayey beesha degan dhabadna ha ka fekerto sidii ay ugu noqon lahayd magaalooyinkii ay galgaduud kadagi jirtay ee ay uga carareen habargidir

    ka fakera in ay gelinsoor ku laabtaan,inta ay meel aan wadaba lahayn waqti ku luminayaan,cadaado, dhuusamreeb waa laga huleelay dhabadna , hadeer ayeyba hareereysan tahay waqti aan fogeyn ayaa iayadana laga hadaafi doonaa, cidii laamiga looga caagay kama harin , hadii kalana dhabad ku baroorta beraaba ka hayaami doontaane

  3. koriye says:

    cabaasow sxb adigu waxaad ku jirtaa dadka ka naxsan in dhabad dagmo noqoto waligeeba. “nin baadida ku daydayoo daalna kaabane aanan doonayn inaad hesho daa,in abidkaa” marka haday tuntahay iyo haday beentahayba waad ku faxilahad wixii soo kordha.

    oo maadan oranlahayn illaahoow riyo kadhig warka sheekh shariif. Iga daa uubaaba beenlaha.

  4. sharaf says:

    asc kadib kaagan cabas labaxayow alle kabaq oo iskudirka iyo munaafuqada iska daa dhabadna kol horay tagtee waraq waxkuma noqonayso ,,,,, beelaha saddena adigoo kale wax uma shego inaad abuurantahayna kuma oga adiga iyo qabiilkaagaba,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, ,,,,,,,,,,,,,,, ????? suuq maleedahay aan manager kaga dhignee???????????????

  5. Masha allah wuku mahadsanyaha madax weynihi hore sharif sheikh ahmed dhabadna we uqalanta in ay degmo buxdo noqoto ee kii kanaxow udhimo caradada

  6. cadaado says:

    Dhabad, way uqalantaa degmo waan ku faraxsanahay waana soo dhawaynaynaa hormarna dadkeeda ayaa gaarsiindoona insha ,allah dadku hada waxay usoo jeesteeyn in ay wanaaga ka shaqeeyaan ayna iskaashadaan.