Baladweyne, Somalia (AOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xassan Sh. Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Baladweyne.
Wafdiga uu madaxweynaha hogaaminaayay oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Baarlammaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa ciidamada AMISOM.
Booqashada madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminaayo ayaa waxay qeyab ka tahay howlo kormeer oo ay ku marayaan qaar ka mid ah gobolada dalka iyo u kuur galka inta ay la eg tahay qasaaraha ka dhashay fatahaadii wabiga Shabeele ee Baladweyne.
Booqashadaan ay madaxweynaha iyo wafdigiisa ku tageen Baladweyne ayaa ah magaaladii labaad ee uu 2 maalmood gudahood ku tago, ayada oo maalintii shalayna uu madaxweynaha booqasho gaaban oo uu magaalada Baydhabo ku tagay dib ugu laabtay Muqdisho.
———–
Saciid Maxamed Aden, Muqdisho/Somalia.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.