War hoose oo mar dhow AOL soo gaaray ayaa waxuu sheegayaa in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ay u qorsheysan tahay in uu maalmaha soo socda booqasho ku tago caasimadda maamul gobobeedka Puntland ee Garoowe, kaddib markii uu casuumaad ka helay Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole oo ah madaxweynaha maamulka Puntland.
Cabdiraxaan Faroole ayaa sidii horayba looga bartay waxuu waayadaanba cadaadis adag ku hayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, asaga oo kala doorimaadsiiyay in uu Ra’isal wasaaraha ka keeno Puntland oo waliba asaga Faroole ah uu usoo xulo, iyo haddii uu sidaas yeeli waayo in uu ogaado in ay Puntland ka go’i doonto Soomaaliya.
Waxaa iyana jira shaqsiyaad beesha caalamka ka tirsan oo ay Faroole gacan saar siyaasadeed leeyihiin oo madaxweynaha kula taliyay in Ra’isal wasaaraha uu ka yimaado Puntland, lagana dhigo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ah Ra’isal wasaarihii hore ee dowladdii Shariif Sh. Axmed, waana sababahaas midda keentay in uu madaxweynaha durbaba aqbalo in uu maalmaha soo socda booqasho ku tago Garoowe.
Intaas kuma eka cadaadiska madaxweynaha haysta ee waxaa jira mas’uuliyiin fara badan oo Soomaaliyeed oo isugu jira siyaasiyiin, culumaa’u diin iyo odayaal, kuwaasoo iyagana madaxweynaha kula taliyay in uu Ra’isal wasaaraha ka dhigo nin lasoo tijaabiyay oo ay bulshadu jeceshahay, ayada oo waliba si gaar ah farta loogu fiiqay in ay haboon tahay in uu madaxweynaha Ra’isal wasaare u magacaabo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Waxaa xaqiiq ah in madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud uu maanta ku jiro tijaabadii ugu horeysay oo ah kartida uu u leeyahay in uu ku hogaamiyo bulsho intay is dishay si weyn u kala irdhowday oo waliba dowlad la’aan aheyd 21 sano, isla markaana ay diloodeen maamul-xumo, eex iyo musuq-maasuq.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan waxaa hor taala in uu kala doorto maanta in uu u janjeersado oo uu maqlo talada dhaxal galka ah ee uga imaaneysa inta badan wax garadka Soomaaliyeed, iyo in uu u dhega nuglaado caga-jugleynta iyo handadaada uga imaanaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole!.
Isku soo duuboo, maadaama ay dadka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka ee arrmaha Soomaaliya daneeyaba si weyn dhegaha kor ugu hayaan, mudada madaxweynaha u hartay in uu Ra’isal wasaare ku soo magacaabana ay tahay 8 maalmood oo kaliya, waxa la sugaaba waa shaqsiga uu madaxweynaha usoo xusho in uu noqdo Ra’isal wasaaraha afarta sano ee soo socota.
Allgedo News Desk.
—————–
Xuquuqda qoraalkaan waxaa iska leh AOL, cidii rabta in ay qaadatana waa in ay ogolaasho weydiisato maamulka AOL ama ay u qaadato si XIGASHO ah ayada oo la ilaalinaayo xuquuqda qoraha iyo tan shabakadda AOL.

Anivga waxey ila tahay Hadii madaxweynaha uu booqdo garoowe in dhulka uu madaxweynaha u yahay wuu tagey beydhabo iyo balad weyne mee shii uu doono buu tagi karaa iyo meeshii uutaageero ka heli karo
Anigu mar Hore baan Qiyaasay 15j/9/12 madaxweyne ku sheeg xasan sh maxamud. Wuxu lamid yahay cabdqaasin salad xasan.waxaan umada soomaaliyeed u fasirayaa! Socdaalada uu ku marayo baydhabo iyo hiiraan isbahaysi uu ka raadinayo. qabiilooyinka. Xawaadke. Maymaay. Abgaal.taas oo lidi ku ah beelaha habargidir iyo sadde oo lagu ee deeyo dhul aysan lahayn. Sidaas awgeed ha iscasilo. madaxweyne ku shega xasan sh maxamud. Oon ubaxshay dibi cade waxa dhaamey. ama kaRoonaa madweynihii hore dibi madoobe shariif sh axmed.
Ugu horeyn waxan salamayaa mudane Hassan sheikh mohamud madaxweynaha dowladda federalka ah ee somaliya.salan kadib waxan madaxweynaha kula talinaya oon leyahay mudane somali ayaa ku dooratay waxan filayaa beesha ad ka dhalatay xataa kuma aysan dooran ee somali weyn ayaa ku dortay ee meesha ay rabaan u horkac. Waxa jira shaqsiyaad qabyaladda ay ladegtay umadda ay masuulka kayihiina lama qabto waa wax kukooban shaqsi yaadkas ee jeebkooda hagelin.mahadsanid mudane.
Aniga waxay ila tahay in raisal wasaare laga dhigo nin beelaha sade ka soo jeedo gaar ahaan Farmaajo waayo waa nin la soo tijaabiyay. Madaxweynaha haduu uu dhageysta warka ????? oo nin ????? ah meesha keeno waa inaan kalsoonida kala noqonaa.
Toloow caadi iska dhiga oo sida isu dhaama. Madaxweynaha haduu garoowe tago, maxaa ku jaban? sow gobol Soomaliya kamid ah ma’aha oo uu madaxweyne u yahay? Teeda kale maxaa reerahaa xamar iyo gogalada dhexe degan ood ?????? ood intaa u qancinaysaan ood ????? Adeerayaal ????? wuxuu lahaa sharaf iyo heybade, ???? dhibka waa laga bixiye. Teeda kale Faroole iyo Farmaajo haday is hayaan maxaad arinka usii fogeenaysaan.
hadii nin ka soo jeeda ??? gaar ahaan ?????? loo magacaabo ra’iisal wasaare warka waa cad yahay, oo dowlad soomaaliyeed ma jirto ee waa dowlad qabiil.
madax weyne waa inuu usoo magacaba reysal wasare cida darood weliba qof ka soo jeeda mamulka pland madaama madax weynaha iyo gudomiya barlamaanka iyo casumaduba tahay koonfur madaama dawlad dhisitaankeeda qayb libaax ka qadatay pland oo shiararkii garowe 1 iyo 2 iyo galkacyo iyo shirki dastuurka puntland dabada ka rixesay maantana la helay barlamaan tiro yar iyo doorasho xalaal ah puntland oo dawlada ka hortimaada waa caqabad weyn lakin qoloyinkan kale waxay ku goowracan yihiin koonfur
marka hore waxaan salaamayaa madaxweyanaha jamuhuriyada federalka somalia xasan sheikh runtii ani waxay ila tahay in madaxweynuhu socdaalada uu ku marayo gobolada soomliya uun ka mid tahay waajibaadkii saarnaa maadama uu yahay madaxweynaha somliya hadaan u soo noqdo magcaabista raysal wasaaraha maanat auma baahna somaliya halka ay marayso iany dib uga noqoto waxaa laga soo gudbay marxalado adag o laha aqabiil argagaxiso ,maanata waxy maraysaa meel fiican uma baahna anaa u hadhay iyo rer hebel ayaa xaq u leh xil hebel waxaa loo baahanyahay in laga midha dhaliyo qaranimada soomaliya talo ahaan waxaan odhanlahaa somalia waxa ku midoobay laba gobol ookal ah koonfur iyo waqooyi madaxweyne xasan waxa uu ka soo jeedaa koonfur si dheeliga looga ilaasho geedi socodka qaranimo wa in raisal wasaarajha laga soo xulo gobolka waqooyi waayo cadaalada ayaan u baahaanahay somaliaya waxaa ku filan wa aa cadaalad wax kasata oo kale wa helaynaa hadii taasi dhacdo
waa sax inuu booqdo garowe.waana muhiim. Midakale waxan leeyahay dadka beesha Mareexaan . macnihiinu waa Farmaajo ama Far yaan dhaqaajin. Walaalayalow dadka qabiilka aad riminaysaan ka daaya. hadaad ka daynwaydaan waxad ogaataan nin walbo inuu qabiil leeyahay. Puntland Xaq bay uleedahay inuu booqdo madaxwaynuhu waxna kumajabna waxad ka dhigaysaan inuu qaldamay oo kale ama wax loo yeedhinayo. Sax maaha taas. Fikraday weeye.
Anigu waxaan qabtaa raisal wasaraha in la siiyo beesha marexan sadexda jubbana madaxweyne absama la doorto Puntland cadkooda Wey heystaan oo farola ku fadhiya, waa in la isu tanaazulaa oo wax la isu ogolaadaa.
ACK ILAAH TOWFEEQDA HANA WAA FAJIYO AAMIN. MAX.WEYN PORF.
XASSAN SH. GO,AANKA ADIGA AYAA ISKA LEH LAAKIN WAX TALO NAGA AH AMA NALA QUMAN IN AAD MAGAC. DR.FARMAJO WAANA BOOQA KARTA P/LAND ISLA MARKAASNA KUXIJI SOMALILAND WALAALAH WAQOOYI OO SAMEY TAARIIKH CUSB SIDII MAX. HOREE
DALKA MASAR OR EGYPT.SHACABKA SOMALIYEED WAXY KU FARAXSAN YIHIIN IN LAGA DHIGO M. ABDULLAHI FARMAAJO.
MIDA KALE WADDANKA KU CASOOM MADAXDII HORE WIXII KA NOOL
HA UGU HOREEYE CADIRISAAQ XAAJI XUSEIN R/WASAARHI HORE &
RAGII LA MIDKA AHAA & MADAX. KACAANKA & GOBANIMA DOONKII.
ILAAH WAXAAN KAGA BARYAYNAA IN XILKA ILAAH KUGU GUULEEYO SIDII AAD DOORASHADA U GUULAYSATAY. MAHADSANID
SOMALIYA H NOOLAATO OO HA WADA JIRTO AAMIIN
acww, bookhashadda madaxwaynaha ee Baydhabo iyo Baladwayne, ma filayo in ay daacadnimo iyo gudasho Masuuliyadeed ay ka ahayd, madaxwaynaha.
uguyaraan Waxaa jiray Cadaadis iyo Boor iskuqarin dhiaca Itoobaya ah, waayo wuxuu Booqadday labada magaalaba ama lakulamay, Ciidamadda Itoobiya???
Najiidadda ugu danbaysa ee looga fadhiyana waamidda hadda uu kutagidoono, Garoowe????
dabacan waana Cadaadis ka yimid (abaasator Mahiiga iyo raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya.
Ha qaldamina Madax soomaaliyeed ee awood leh majirto Hadaytahay Madaxwaynaha ninka aadleedihiin iyo Faroole iyo Siilaanyo iyo kuwa lamidka ah toona Gacan wax oogumajiraan. ee iskutashadda soomaaliyay.
Allaahu aclam.
horta haduu madaxweynaha tago puntland somalia soo maaha taasi waa koow tan labaad madaxweynaha haduu qof aqoon leh oo karti lagu yaqaan oo puntland u dhashay maxaay reer gedo oranayaan waa raysal wasaare puntland laga keenay lama shaqaaynayno!!! taasi waa iga suaal halaayga jawaabo ? tan kale soo reer puntland xaq uma laha inaay saas yiraahdaan iyagaba hadii nin ka soo jeeda gedo iyo jubooyinka lo magcaabo waan ka soo horjeedna soo arinta markaa noqon maayso car iyo car fadalan comment
asc walalayaal ilahey ka baqa wax umada wax u taraya ku soo kurdhiya
dadka walaalaha ah ee aad sii kala fogeyneysaan iska daaya
waxana aad muhim u ah inta aad isku heysataan anaga ha nala magacaabo iyo anaga in aad ka shaqeysaan wax dad kiina wax taraya putland waa maamul aan dadka sidii la rabay wax ugu qaban lakiin waxa kaliya ee darood u dhisan ee daroodka daga gedo iyo jubooyinka ha dhisaan maamul kaas oo kale ah oo ha iska dayaan waxa ay xamar u daba fadhiyaan
iyagaa dhulkii ugu fiicnaa dagane
madaxweynaha soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud waxan kula talinaya inaadan soo bagacaabin qof faroole ka amar qaata ee aad soo magacaawdo qof aan dabadhilif u aheyn faroole waayo faroole wakhtigii uu puntland madaxweynaha ka ahaa waxyar baa kaharey oo wakhtigiisii wuxu ku egyahay January 8, 2013 hadaba nin sii socda oo 3bilood u hartey iyo adoo 4sano hada kuu bilaabatey maxaa kaa kala tashaneysaa, waar jiljilaaca intaad iska deysid adigaa madaxweyne ahee soo magacaab cidaad doonta koley anagu hadaan nahay reer puntlandka dega karkaar, mudug, bari, sool, sanaag, cayn iyo nugaal nuskeed waxba kama qabno madaxweynaha haduu soo magacaabo qof mareexaana ama absame ah kaliya waa inuu farmaajo aheyn, reer puntland farmaajana marabaan qof faroole dabadhilif u ahna marabaan, raisalwasaaraha waa inuu yahay nin isku kalsoon.
aniga waxaay ila tahay in raii`sul wasaaraha laga dhigo nin reer puntland ah waayo dadkaas walaalaheen ah waay shaqaysteen oo inta uu burburka somalia ka socday waxaay wadeen dhismasa iyo hormarinta puntland, dhinaca kale hadii la fiiriyo ayaan darada beesha sade iyo fursadaha soo maray siday u dayaceen inay ka faa`idaystaan, waqtigaan xadirka ah waxaa haboo in beesha sade isa soo dhisto goboladeeda ka soo shaqeyso waxbarasho,cafimaad,iwm.
Waxan leyahay putland way dhisantahay madaxda hogaamisana somalia in ay israacdo ma rabaan waxa kali ee ay daneeyan waxay tahay in ay dhaqaalo ka helan dowlada somaliyed si ay ogu hormariyan gobalkooda gobalada colaada la,dagtay oo samata bixinta u baahan waa la,ogyahay dadka dago ayaa laga sugaayaa in ay nabadeyan waa banaadir 2 shabele 2 juboyinka bay bokol gedo hiran gal gudud
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk hadii run laa rabo waa in ????? somaliya laga dhexsara waayo waa dad uu adega danaha dalka shisheye oo kii raysalware lagadhigaba waxu noqonaya nin qabil somaliyna uma bahna nin qabil marka raysalwaraha waa iska leh saade darood ee reer kale maa lih walaa ???? walaa ???? wala ???? mida kale waxan inii sheegaya somaliya ilahay bixiya mooye meesha madaxwayne maa jogo kkkk waxan ka baqaya inay cidla ku dilan alshabab isago leh shacabku waxay amisanyihin baan raba inaan soo magacabo kkkkkkkkkkkk
Asx waxay ila tahay madaweynuhu waaba ka liitaa shariif ???? maxaayeelay durbo gudoomiye gobol ayaa uyeeray taasna waxay ku tu saysaa in ui qaaday wadoqaldan taas oo ah midii uu ku lumi lahaa waxaan kulatalinayaa ???? waa cadawga somaliya ee iska daa maskadaada adeegso ciidan Iyo calaf midna kama helaysid ee ogoow mida kale ???? wadanka waa uu gadanayaa ee kadaa oo ka ilaali
Sade Kablalax wa walalo midku dono hanoqdo napaga ilali Baraxley dhusomareb