Maalinimadii shalay waxay shabakadda AOL faafisay qoraal uu cinwaankiisu ahaa “War-gelin: Shir muhiim ah oo ay beesha reer Shirwac Ugaas Sharmaake Ugaas Diini ku qabsan doonto magaalada Baardheere ee gobolka Gedo“, kaasoo muddo yar kaddib dhaliyay buuq badan laguna
tilmaamay inuu ahaa mid been abuur ah oo aan sal iyo raad toona laheyn.
Dadka AOL lasoo xariiray waxaa ka mid ah: Axmed Cismaan Garaad (Ayjeex), Maxamed Xuseen Xirsi (Dalab) iyo Maxamed Garuun Diiriye, kuwaasoo sida ay sheegeen magacooda si qalad ah loogu daray qoraalka ay ka cabanayaan, isla markaana ku tilmaamay qoraalkaas in uu ahaa mid been abuur ah oo cidii soo diyaarisay ay ujeedo gaar ah ka laheyd.
Haddaba, anaga oo qiimeyneyna cabashada waxgaradka kor ku xusen oo ay noogu soo gudbiyeen qaab email iyo mid Taleefanba, kana xun in uu AOL kusoo baxo qoraal noocaas ah, ayaa waxaan garanay in wixii hadda ka danbeeya si weyn looga fiirsado dhajinta qoraalada noocaas ah, midka hadda buuqa dhaliyayna maamulka waxuu ka saaay AOL.
Allgedo Admin.

asc waa mahasanyihiin maamulka shabakada allgedo iyo ragaas kale oo magacoodu kor ku xusanyahay maxaa yeelay waxaad iska bariyeesheen ama ka soo jawaab celiseen qoraalkii ahaa been abuurkii uu soo qoray ??????? qoraalkaas oo runtii ahaa meel ka dhac gaf iyo ihaano loo geystay qabiilo ama beel dhan iyo ragaan lagu bee abuurtay wax ayna wax ka ogayn ama waraaq ayna wax ka qorin idana looga qaadanin marka walaalayaal waxaanu ku qancaynaa hadda iska bariyeelkiina qoraalkaas fuusha xumaa waxaana lagula xisaabtami ninka soo qoray warkii foosha xumaa kal hore !! sidakale awalaanba yaabaayay oo ????? baa hadda u talinaayo beesha reer shurwac ugaas oo hadana kaaga sii darane xaga dibada utagay una dhoofay cariga canada sheegtayna magaca ama darajada qurba joogta inay asagu ka go do talada beesha reer shurwac wakhtigaan xaadirka ah ilaa waa qurba jooge cimrigaadoo raagay geel dhalay waa ku tusaa thanks.