Home » News »

Dagaal uu qasaare ka dhashay oo xalay ka dhacay Garbahaarey

Garbahaareey, Somalia (AOL) – Habeynimadii xalay waxaa magaala madaxda gobolka Gedo ee Garbahaarey ka dhacay dagaal dhaliyay qasaare.

Goob jooge markii uu dagaalku dhacay ku sugnaa Garbaaarey oo AOL lasoo xariiray ayaa sheegay in maleeshiyada Al-shabaab oo weerarka soo qaaday ay u suurtagali weysay ujeedkoodii ahaa in ay magaalada qabsadaan, balse dagaakaas xalay dhacay uu ka dhashay qasaare u badnaa dadka shacabka ah ee lagu dhex dagaalamay.

Dhanka kale, subaxnimadii saaka ayaa waxaa magaalad Garbahaarey baaritaan lagu sugaayo amniga ka bilaabay ciidamada dowadda Soomaliya iyo kuwa Ahlu suna wal-jameeca oo is-garabsanaya, taasoo suurtagalisay in lagu soo qab-qabto dad badan oo lagu tuhmayay in ay ka tirsan yihiin ama xiriir la leeyihiin Al-shabaab, isla markaana ay ku lug lahaayeen dagaalkii qasaaraha dhaliyay ee xalay ka dhacay Garbahaarey.

Dagaalkaan ayaa waxuu kusoo beegmayaa kaddib markii todobaadkii tagay ay ciidamo huwan ah oo ay kuwa Kenya hor kacayaan ay maleeshiyada Al-shabaab ka qabsadeen magaalada Kismaayo.

—————–
Cabdi Faarax Maxamuud, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Dagaal uu qasaare ka dhashay oo xalay ka dhacay Garbahaarey "

  1. elmi jama says:

    CUQUBADU,,HALKII,,LAGU,GALAYBAY,,CAW,,KU,,HURUDAAYE,,
    CARUURTAY,,KALAYSAA,,NINKII,,CAANO,BAAS,DHAMAE,,,
    TOLOW,,WAAMAXAY,,DIYAARADAHAN,,GEDO,,LAGU,,SALIDAY,
    TOLOW,,,MAXAA,,SHacabkeeNA,,LOO,LAYNAYAA,,,