Magaalada Kismaayo waxay taallaa xeebta gobolka Jubada Joose, oo dhaca koonfurta Soomaaliya, isla markaasna waa caasimadda sadexaad ee dalka Soomaaliya. Kismaayo ayaa sidoo kale waxay tahay magaalada madaxda gobolka Jubada Joose. Waa magaalo aad istaraatiiji u ah oo leh garoomo diyaaradeed, dakad caalami ah iyo jidad magaalada Kismaayo ku xira gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka. Magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale waxay leedahay ilo dhaqaale oo ay ka mid yihiin dekada iyo garoonka diyaarada, beeraha, xoolaha iyo khayraadka badda.
2008 ayay ahayd markii ay xarakada Al-shabaab ay dagaal lagu hoobtay kula wareegeen gacan kuhaynta magaalada Kismaayo, ayaga oo kala wareegay maleeshiyo beeleedyo deegaanka u dhashay oo maamuli jiray magaalada Kismaayo. Magaalada Kismaayo ayaa waxa soo maray martay aad u adag muddadii ay maamulayeen kooxda Al-shabaabku. Dadka ku dhaqan magaalada ayaa waxaa lagu amray in ay fuliyaan awaamiir aad u adag oo ay Shabaabku dul dhigeen, ayna u hogaansamaan wax kasta oo ka soo baxa ururka Al Shabaab. Dil iyo cadaadis badan oo ay kooxda Shabaabku u gaysteen wariyeyaashii ka howl geli jiray magaalada Kismaayo ayaa waxey sababtay in ay gebi ahaanba ka huleelaan magaalada Kismaayo iyo deegaannada kale ee ay shabaabku ka arriminayeen.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa aad looga dhoofin jiray dhuxusha, taas oo uu dhaqaale badan ka soo geli jiray kooxda Shabaabka iyo dadka xoogsatada ah ee dekadda ka xamaasha. Hase ahaatee waxaa iyaduna jirta in dhuxusha dhoofinteedu ay siyaadinayso jaritaanka dhirta oo keenaysa in ay saamayn wayn ku yeelanayso degaanka iyo cimilada dalka Soomaaliya, maadaama dhirta oo la xaalufiyo ay door weyn ka qaadato abaaraha iyo dhibaatooyinka cimilada la xiriira.
Magaalada Kismaayo ayaa muddo hadda hal sano ah waxaa duulaan ku soo ahaa ciidamo isgarabsanaya oo ka kala socda, Ciidamada militariga dalka Kenya, oo markii ay dalka soo galeen ka dib ku biiray ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, maleeshiyada Raaskambooni iyo ciidamo ka tirsan kuwa dawladda Soomaaliya. Muddadii ay ciidamadaani duulaanka ku soo ahaayeen magaalada Kismaayo ayaa waxaa dagaallo kharaari dhex mareen xarakada Al-shabab. Dagaaladaan ayaa intooda badani waxey ka dheceen deegaano ay ka mid yihiin Qooqaani, La heleey, Dhoobley, Janaa Cabdale iyo goobo kale oo badan, oo dhammaantood ka tirsan golalka Jubada Joose. Inta badan dagaaladaan ayaa waxaa barbar socday duqeeymo xaga cirka ah oo ay ciidamada kenya ku weerarayaan deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Jubbooyinka. Dawlada kenya ayaa sidoo kale waxey magaalada Kismaayo kasoo weerartay dhanka bada ayadoo duqaymo ka gaysanayay dhanka bada, kuwaas oo intooda badan ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah oo ku dhaqan magaala Kismaayo.
Ciidamada kenya ayaa waxey awood xoogan soo saareen kooxda Al-shabab ka dib markii ay magaalada Kismaayo uga soo dhawaaday dhanka dhulka iyo dhankaba. Waxey sidoo kale duqeeyeen magaalada taas ayaana sababtay in ay dagaalyahanada Al-shabab ka baxaan magaalada Kismaayo ayna ciidamada kenya kuwooda ku sugan dhanka daba ay usoo dhaadhacaan dhulka xeebta ayagoo is balaariyay xeebta Kismaayo. Waxaa si aan dagaal ku jirin ay ciidamada efentariga ee kenya iyo kuwa raaskambooni ula wareegeen magaalada Kismaayo ayagoo durbadiiba fariisimo ka sameestay magaalada.
Dadka shacabka ah ee ku dhaqan Kismaayo ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi ay ka qabaan ciidamada huwanta ah oo la wareegay magaalada ayadoo dadka qaarkoodna ay iskugu soo baxeen wadooyinka si ay u eegaan ciidamadan yimid Kismaayo markii ugu horeesay.
Dadka ayaa waxey is waydiinayaan waxa ay tahay danta Kenya ay ka leedahay soo galitaanka ay Soomaaliya soo gashay ayada oo aan markii hore wax fasax ah weydiisan DKMG ahayd ee Soomaaliya ee ku soo gashay hawlgal ay ugu magac dareen Operation Linda nchi oo ay sheegtay in ay kula dagaalamayaan Al-shaabab oo ay markaasi ku eedaynayeen in ay ka danbeeyaan falal amaandaro ah oo ka mid yihiin afduub loo gaystay dad ajaanib ah oo Kenya u soo dalxiis tagay. Eedayntaas oo ay Al-shabaabkuna iska fogeeyeen, ayna wax kama jiraan ku tilaameen.
Dawlada kenya ayaa dadku waxey shaki wayn ka qabaan inay agende gaar ah ka leedahay qabsashada Kismaayo ayna u badinayaan in ay garab siinayso beel kamid ah beelaha dago gobolka Jubada Joose si ay u maamulaan Kismaayo, kenyana ay danaheeda uga fushato.
Dawlada kenya ayaa dhinaceeda sheegtay in aysan dano gaar ka laheen qabsashada Kismaayo ayna ku wareejinayso dawlada Soomaaliya oo maamul u sameyn doonta. Arrintaan maalmul u samaynta ah ayaa waxay dareen galisay aduunka oo dhan waxaana kenya looga digay in aysan isku dayin in Kenya ay maamul ka samayso magaalada Kismaayo.
Madaxwayne Hasan Sh Maxamud ayaa waxuu cadeeday mawqifkiisa ku aadan maamul loo sameeyo Kismaayo, wuxuuna sheegay in cid aan dowlada ahayn aysan maamul samayn Karin, cidii tillaabadaas qaadana aan laga aqbali doonin. Dawlada mareykanka ayaa iyana sidoo kale ka digtay maamul loo sameeyo Kismaayo sheegtayna in ay horseedi karto dhibaato hor leh.
Waxaa is waydiin mudan in ay Al-shabaab ay dib ugu soo laaban doonaan magaalada iyo in kale maadaama aysan hadda wax dagaal ah ooga bixin magaalada ayna wali awood leeyhiin.
Ma ahan markii ugu horaysay oo ay Kismaayo gacanta u gasho koox aan aheyn kooxdii horay u maamulaysay.
———
Dahir Xasan, Allgedo, Nairobi/Kenya.

ugu danbeyntiina waxa uu soo Hadal qaaday Ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo sheegay in sii joogi doonaan Dalka Soomaaliya Tan iyo inta gaarayaan ujeedkii ay u soo galeen Soomaaliya.
Dahir, qoraalkaaga oo kooban oo koonbadiisa ku jira:
Kismayo dadkii degaanka lahaa ayey Shabaab dagaal kaga saartay 1998. (?)
Dawlada oo kaliya ayaa maamul Kismayo u samayn karta, hadalkaan waa Raskanbooni hanala ilaaliyo.
Al-shabaab ma bixin oo weli muskay ku jiraan, haddii Raskanbooni maamulka loo dhiibo Alshabaab ayaa soo noqonaysa- waxay cadaynaysaa inaad alshabaab laabta ka jeceshahay.
Qorolaakaaga oo dhan waa jaalle Mareexaan meesha ha loo daayo.
Walal maqaal kaaga hor wuu ka fiicna lakiin dagaal ayad dhex dabalatay walal raaskaaboni mawaxaad ku haysata maxad shabab ola dagaalanteen aniga hada ku la hadlaya hadu marexaan la dagaalami laha shabaab marexaan ban taageeri laha tan kale sadexdaa gobol joboyinka iyo gedo labo qabiil ba u badan ogaden iyo marexan e aan maamul dhisano walaalo ayaa nahay e aan gacmaha intaan isqabsano aynu nolol wanaag san kuwada nolano dadka goboladaas naladagana aan wax ka kasiino si calada an u ilalino waad mahad santihin
scw..maagaladu waa magaalo soomaaliyeed..meesha uu mareexaan ku mashquulsan yahey anagu kuma mashquulsanin..umada jubaland iyo gedo degta waa in loo hela maamul mideeya..muhimada beesha absame wata..scww